Jaaliyadaha beesha Hawiye ee Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo digniin culus kasoo saarey hirgalinta Roadmapka iyo heshiisyada Garoowe1 iyo 2

London, UK, 21-02-2012

Jaaliyadaha beesha Hawiye ee qaaradaha Yurub iyo Waqooyiga ameerika ayaa digniin culus kasoo saaray hirgalinta Roadmapka iyo Heshiisyada Garoowe 1 iyo Garoowe 2.

Shir qadka telefoonka ama Teleconference ay masuuliyiinta jaaliyadaha beesha Hawiye ee qaaradaha Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ay yeesheen xalay oo taariikhda bisha febraayo aheed 21ka sanadka 2012 waxa ay ka doodeen xaalada qatarta ee dalka Soomaaliya maraayo iyo in marba marka ka danbeyso ay xaalada Soomaaliya ay kasii dareyso.

Jaaliyadda beesha Hawiye oo kulamo badan oo degdeg ah yeelan doonto bilaha soo socdo si looga hortago qatarta kusoo fool leh dalka Soomaaliya ayaa shirkeedii xalay waxa ay kasoo saartey qodobo xasaasi ah.

Dood iyo falanqeyn dheer waxa jaaliyada beesha Hawiye ee Yurub iyo Waqooyiga ameerika ay oo saareen qodobadda hoos ku qoran:-

1- Jaaliyadu waxa ay ka digeysaa hirgalinta heshiisyada Roadmapka iyo Garoowe1 iyo Garoowe 2 iyagoo u arka in heshiisyadaas ay ummadda Soomaaliyeed u horseedayaan gaalnimo iyo diinta Ilaahay oo laga noqdo.

2- Jaaliyaddu waxa ay ka digeysaa in ummada Soomaaliyeed aanan dastuur looga dhigi karin wax ka soo horjeeda shareecadda Islaamka ee Muqdaska ah taasna ay ka doorbideyso dagaal iyo dhiig farabadan oo daada. Ummadda Soomaaliyeed ma ogolaanayso in dastuur ay gaalo iyo gaalo raacyo soo qoreen isla markaan ay ansixinayaan dad aan ahal u aheen in looga dhigo dastuur ummada Soomaaliyeed ee 100% muslimka ah.

3- In dastuur walba oo loo sameynayo ummadda Soomaaliyeed lagala tasho oo laga qeyb galiyo culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee magaca iyo sumcadda ku leh Geyiga Soomaaliya isla markaana dastuur walba oo aysan ansixin isla markaana aysan saxiixin golayaasha Culumaa’udiinka Soomaliya in meesha ku haboon ee uu mudan yahay ay tahay musqusha.

4- Jaaliyadda Beesha Hawiye waxa ay ugu baaqeysaa ururka Alshabaab inay ka noqdaan ku biiritaankooda ururka Alqaacida maadaama aysan ku jirin danta ummadda Soomaaliyeed isla markaana ay arintaas marin habaabin karto miraha jihaadka dalka Soomaaliya .

5- Jaaliyada Beesha Hawiye waxa ka codsanaysaa ururka Alshabaab inay dib u eegaan manhajka Khilaafada iyo baycada isla markaana ay culumaa’udiinkooda sameeyaan baaritaan ku dhisan shareecada islaamka si ay u fahmaan in Ayman Alzawaahiri uusan aheen Khaliifkii islaamka ee uu yahay hogaamiye koox ka mid ah kooxaha Islaamka isla markaana ay waajibi karin bayco lala galo oo khaas ah.

6- Jaaliyadda Beesha Hawiye waxa ay ugu baaqeysaa ururka Alshabaab inuu maro oo qaato talaabada ururka Talabaan ee dalka Afghanistaan isla markaana uu raadiyo inuu wada hadalo la galo beesha Caalamka isla markaana uu u soo bandhigo beesha caalamka iyo ummada Soomaaliyeedba barnaamijkooda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo mustaqbalka iyo sida ay iyagu u arkaan in xal loogu heli karo arimaha Soomaaliya. Waxaana diyaar u ah arimahaas oo ay soo marsiin karaan fariimahooda iyo rabitaankooda dowladdaha Qatar, Turkiga, Sucuudi Carabiya iyo Suudaan.

7- Jaaliyadda Beesha Hawiye waxa ay ka codsaneysaa ururka Alshabaab in dagaalada lagu soo koobo goobaha ay dagan yihiin ciidamadda Ajnabiga ee gaalada ah lana joojiyo bartilmaameysiga meelaha dadweynaha ay ku badan yihiin si loo ilaaliyo dhiiga dadka muslimiinta inuu bilaa micno ku daato.

8- Jaaliyadda Beesha Hawiye waxa ay dhiiri galinaysaa in laga baxo oo laga guuro goobaha danta guud ee loo baahan yahay sida iskoolada iyo isbitaalada iyo meelaha ummaddu wada leedahay si loogu adeego ummadda.

9- Jaaliyadda beesha Hawiye waxa ay kula talinaysaa kuwa hadda horboodaya maamulka dowladda jirta inay ilaaliyaan miisaanka awoodqeybsiga iyo kheyraadka dalka ayna ogaadaan in waxa Soomaaliya galiyay dagaalka Sokeeye ay tahay dulmi isla markaana aan dulmi lagu badali karin dulmi kale. Mana soconeyso siyaasadda hadda jirta ee ah ”waxeyga anigaa iska leh oo maamulanaaya waxaadana waan kula leeyahay oo waan kula maamulayaa”

10- Jaaliyadda beesha Hawiye waxa ay ku baaqeysaa in ciidamadda dowladaha Itoobiya iyo Kenya ee kusoo duulay dalka Soomaaliya ay ka baxaan dalka Soomaaliya isla markaana inta askari Itoobiyaan iyo askari keenyaan uu joogo dalka Soomaaliya inaan xal iyo nabad laga sugin dalka Soomaaliya.

11- Jaaliyadda beesha Hawiye waxa ay ku baaqeysaa in beesha caalamka ay ka shaqeyso sidii looga saari lahaa dalka Soomaaliya ciidamadda afrikaanka ee Amisom looguna badali lahaa ciidamo ka socda wadamadda islaamka oo ummadda soomaaliyeed ay isku diin yihiin maadaama habdhaqanka ciidamada Amisom ee ugu horeeyo saliibka qoorta u suran iyo Khamriga iyo Khansiirka iyo fasahoodkooda ay Soomaali badan u arkaan provocation isla markaana uu keenaayo inay sii xoogeysto taageerada Alshabaab.

Posted on February 22, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Dibed bax looga horjeedo qodobadii ka soo baxay shirkii Garoowe oo ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka G/gaduud

    Boqolaal ruux ayaa maanta ka qeyb galay dibed bax lagu diidan yahay qodobadii ka soo baxay shirkii madaxda siyaasada Soomaalidu ku yeesheen dhowaan magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland kaasoo looga hadlayey arimaha dastuurka , baarlamannka cusub iyo federaalka.

    Dadka banaanbaxayey oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada sida ardayda, haweenka, dhalinyarada iyo caruur ayaa waxauy socod ku soo mareen wadooyinka degmadaas, iyagoo ka dibna ku soo ururay fagaare ku yaala degnada Caabudwaaq, waxaanay wateen dadkaas boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhegyo ay ku diidan yihiin shirkaas.

    Banaanbaxan oo uu soo abaabulay maamulka ahlu suna waljameeca ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka hadlay masuuliyin, odayaal waxgarad iyo haweenka degmadaasi kuwaasoo ka waramay isla markaana dareenkooda ku cabiray sida aysan raaliga uga aheyn qodobadii ka soo baxay shirkaas.
    Masuuliyinta ka hadashay banaanbaxaas ayaa sheegay in shirkaas uusan aheyn mid Soomaaliyeed balse uu ahaa mid ay shaqsiyaad gaar ah iskui koobeen, waxauyna xuseen in maamulka ahlu suna oo gacanta ku haya qaar ka mid ah degmooyinka gobolada dhexe iyo koonfurta Somalia aan laga qeyb gelinin shirkaas bedelkeedana ay ka qeyb galeen shaqsiyaad maqaar saar ah oo aan metelin ahlu suna.

    Odayaasha dhaqanka degmada Caabudwaaq oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay banaanbaxaas ayaa sheegay in shirkaas qodobada ka soo baxay aysan maslaxad ugu jirin umada Soomaaliyed ayna ugu baaqayaan beesha caalamka iyio QM ineysan taageerin qodobadii ka soo baxay shirkaas, waxayhna sheegeen in shacabka ku dhaqan gobolada dhexe aysan marnaab yeeli doonin natiijada shirkaas.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: