Boqollaal Qof oo Cambaareynaya Meles Zenawi ooTaagan Afaafka Hore ee Xarunta Shirka London

 

London – Boqollaal ruuxoo Soomaali ah ayaaillaa haatan bannaanbax ka hordhigaya xarunta uu ka dhacayo shirka London ee aqalka Lancaster House ee magaalada London.

Dadka dibadbaxaya ayaa waxaa ka mid ah kuwo ka horjeeda raysul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi oo hoolka shirka ku jira iyagoo ku cambaareynaya xasuuq uu ka geystay gobolka Soomaali Galbeed ee ay Ethiopia heysato.

Sidoo kale dadka bannaanbaxaya ayaa ka horjeeda qodobada shirka ka soo baxaya oo la sheegay inay khatargelinayaan qaranimada Soomaaliyeed.

Dadka dibadbaxaya ayaa dhooban afaafka hore ee aqalka Lancaster House iyadoo shirkuna weli socdo.

Raysul wasaaraha Ethiopia Senawi ayaa ka mid ah dadka maanta ka hadlaya arimaha Soomaaliya isagoo ka mid ah martida ay dawlada Ingiriiska ku martiqaaday shirweynaha London.

Waxaa lagu wadaa in galabta la soo gabagabeeyo iyadoo si rasmi ah loogu dhawaaqi doono qodobada go’aanka ah ee laga gaaray arimaha Soomaaliya oo labaatankii sano ee la soo dhaafay ku jiray dawlad la’aan.

Posted on February 23, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: