C/weli Gaas oo Si Cad u Taageeray in la Duqeeyo Koonfurta Soomaaliya iyo David Cameron oo Shaaciyey Heshiis

London  –  Waxaa xarunta shirka ee Lancaster House ee magaalada London haatan ka socda shir jaraa’id oo ay qabanayaan ka qeybgalayaasha shirkii London oo daqiiqado kahor la soo gabagabeeyey.

Raysul wasaaraha Britain David Cameron oo ka hadlay ugu horeyn ayaa shirka jaraa’id ku sheegay in heshiis buuxa laga gaaray arinta Soomaaliya ka dib markii uu soo dhamaaday shirka London.

Cameron wuxuu sheegay in ay taageereen heshiiskii Garowe iyo dhamaan heshiisyadii ka horeeyey.  Wuxuu cadeeyey inaan loo dulqaadan doonin in madaxda DKMG ah ee haddajoogtaay waqtiga kordhistaan wixii ka dambeeya bisha Agoosto 2012, xilligaaswixii ka dambeeya Soomaaliya ay yeelan doonto dawlad cusub.

Waxaa ka dib hadlay raysul wasaare C/weli Gaas oo shaaciyey inuu taageerayo qodobada ka soo baxay shirka London.

C/weli Gaas ayaa la weydiiyey xaalada gobolada koonfurta Soomaaliya iyo in duqeyn cirka ah lagu garaaco koonfurta Soomaaliya meelaha ay joogaan Al-Shabaab.  Wuxuuna C/weli Gaas si cad u sheegay inuu soo dhoweynayo in cirka laga duqeeyo goboladaasi.

Waxaa raysul wasaare Gaas markaasi la weydiiyey “yaa ka masuul ah cida ku dhimata duqeynta cirka ee koonfurta Soomaaliya?”.  Wuxuuna yiri “Raali kama ihi in dad aan dembi lahayn la dilo”.

Waxaa kaloo wax laga weydiiyey in heshiiskii Garowe iyo kan London ay ka maqan yihiin qeybo badan oo Soomaalida ka mid ah taasina ay caqabad noqon karto, wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin in “dadka ka maqan heshiiskii Garowe iyo kan London lagu soo daro”.

Posted on February 23, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. War deg deg ah: Diyaarado hadda duqeeyey Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya
    February 24, 2012
    Afgooye: ( Moment Media Group): Iyadoo CIidamada DIGIL Iyo MIRIFLE oo ka tirsan DFKMG Iyo Walaalahood Ethiopia ay Al-shabaab ka xoreeyeen 90% dhulka DIGIL Iyo MIRIFLE ayaa haraagii al-shabaab AMA Al-qaacida ay hadda Diyaarad dagaal oo aan la aqoon halka laga leeyahay ayaa saakay waabarigii duqeymo la dhacday gaari ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa deegaano ka mid ah gobolka Sh.hoose.

    Wararka ka imaanaya meel 7-KM dhinaca Woqooyi kaga beegan deegaanka Lambar 60-dan ee gobolka Sh.hoose ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarad dagaal ay duqeymo xoogan la dhacday gaari ay saarnaayeen Saraakiil ajinabi ah oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-qaacidda.

    Gaariga ay duqeysay diyaaradda ayaa lagu soo waramayaa in uu ahaa Gaari-Ruuneed oo marayay halkaasi, waxaana la sheegay inay ku geeriyoodeen 4-sarkaal oo la tibaaxay inay saarnaayeen gaariga sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dad deegaanka ah.

    Majiro wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan duqeynta la sheegay in lagu dilay Saraakiil ka tirsanaa Al Shabaab xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Lambar 60-dan ee gobolka Sh.hoose.

    Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas oo shalay ka hadlay shir ka socday Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in duqeymo lala dhaco Xarumaha Al Shabaab ay ku leeyihiin gobolada dalka Soomaaliya si loo burburiyo awoodoodu.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: