Dawladda Ingiriiska oo daaha ka rogtay Qorshaha ay ka leedahay dalka Soomaaliya

Ka shaqeynta Soomaaliya oo dib cagaheeda isugu taagto ,Shalay  Britain  waxay martigelisay shir weyne  caalami ah oo looga hadlaya arrimaha  Soomaaliya oo ay ka soo qeyb galeen  madax dowladeedyo iyo ergo sarsare oo ka kala socday in ka badan 50 dowladood iyo hay’ado caalami ah oo  ay ka mid ahaayeen,  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midobey Ban Ki Moon , Xoghayaha Guud ee Midowga Afrika( AU), Jean Ping,  Xoghayaha Jamacadda Carabta,Nabil-al-Araby,  Xoghayaha arrimaha dibaddaa ee Mareykanka , Hillary Clinton iyo wefdii ballaaran oo ka hoggaamiyeyaal Soomaali ah.

Waxaan isku afgaranay in la joogo waqti munaasab ah oo laga shaqeyn karo talaabooyin la meel marin  karo oo lagu gool leeyahay in Soomaaliya ay mar kale cagaheeda isku taagto.

Uga horreyn, waxaan  isku raacnay in xilliga dowladda ku meel gaarka ah uu dhammaanayo bisha Agoosto iyo in waqtiga aan loo  kordhinin.  Dadka Soomaaliya waa in ay  go’aansadaan qaabka ay yeelanayaan hay’adahooda siyaasadda ee mustaqbalka- marka waxaa aan carrabka ku adkeyney in geeddi-socodka siyasadda uu noqdo mid loo wada dhan yahay. Waxaa kale oo aan isku raacnay in geeddi-socodka siyaasadda loo furo kuwa diyaar u ah in ay diidaan colaadda, oo ay ka mid yihiin xitaa kuwa jooga goobaha ay hadda ka taliyaan Al-Shabaab.

Waxaa sido kale aan meel marinney go’aan ka soo baxay madaxda Afrika oo ah in la dhiso Guddi maamula Maaliyadd si loo wanaajiyo maareynta maaliyadda dowladda. Ujeeddadeennu waa in la helo hab lagu yareynaayo musuqmaasuqa, iyo in dib loo dhiso kalsoonida iyo in xaqiijiyo in lacagta Soomaalida iyo tan deeq-bixiyaasha si habboon oo daah-furan loogu isticmalo adeegyada la siiyo dadka Soomaaliyeed.

In la sugo amaanka waxay muhiim u tahay in la gaaro horumar siyaasadeed. Sidaa darteed, ayaa waxaa beesha caalamka  ay ku heshiisay  in la taageero ciidamada Midowga Afrika(AMISOM) si ay uga howlgalaan goobaha kale ee ka baxsan Muqdisho, si ay uga hortagaan culeysyada kaga imaanaya Al-shabaab.  Qaraar cusub oo Qaramada Midobey ay meel marisay ayaa lagu ansixiyey in la kordhiyo ciidamada AMISOM oo tiradoodu hadda tahay 12,000 la gaarsiiyo ilaa 17, 731, iyada oo qalab cusubna la siinayo.

Waxaan sidoo kale ku dhaqaaqney in aan taageerno gobollada Soomaaliya oo xaaladoodu ilaa xad ay degan tahay, annagoo isku raaceyney nidaam gargaar lagu siiyo iyo in la sameeyo sanduuq lacageed oo lagu xalliyo khilaafaatka maxalligga ah, in lagu abuuro shaqooyin iyo adeegyada aasaasiga ah oo ay u baahan yihiiin dadka degaanka iyo in la taageero  horumarka maamulada  dowladaha hoose. Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday deeq dhan £15malyan, dhowr dowladood oo kale ayaana iyana ku daydey oo siyaaas oo kale sameeyey..

Shirku waxaa sidoo kale looga hadlay culeysyada argagaxisanimada –  oo ah khatar ay wadaagaan dadka Soomaalida, gobolka iyo adduun weynaha – iyada oo mudnaanta la siiyey baahida ah in la carqaladeeyo safarrada argagaxisada ka soo baxo ama ku sii jeeda Soomaaliya iyo in la carqaladeeyo maaliyaddooda. Waxaan sidoo kale taageereynaa nidaamka caddaaladeed ee Soomaliya ee wax looga qabanayo dembiyada.

Dhanka burcadbadeedda,dowladaha Britain iyo Seychelles waxaa ay sameyn doonaan xarun cusub oo lagula dagaalamo burcadbadeednimada iyada oo taageero ka heleya la-hawlgalayaal kale. Xaruntaas waxaa lagu maxkamadeyn doonaa, madaxda kooxaha burcad badeedda, dullaalada madax furashada, iyo kuwa u kala dab-qaad si loo jebiyo qaabka uu ku shaqeeyo ganacsiga guud ee burcad-badeedda.Waxaa sidoo kale jira heshiisyo dhowr ah oo dhex maray dalal kala duwan oo ah in kuwa lagu tuhunsan yahay falalka burcadbadeedda lagu maxkamdeeyo gobolka ka dibna loo wareejiyo xabsiyada Soomaalida.

Soomaaliya waxaa soo maray macluul aad u daran sanadkii nasoo dhaafay. Shirku waxaa uu sidoo kale muujiyey baahida ah in deeq bixiyayaasha ka soo jeeda dhammaan daafaha caalamka ay si deeqsinimo leh uga jawaabaan xaaladda deg degga ah ee ka jirta dalka iyo in ay gargaarka ku bixiyaan cidda iyo goobaha baahida ay ka jirta oo kaliya. Inkastoo Qaramada Midoobey ay ku dhawaaqday war lagu farxo oo ah in macluusha Soomaaliya ay hadda dhammaatay, haddana xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya waa mid aad looga naxo. Ilaa 2.34 milyan oo qof ayaa weli dhibaataysan.

Wadajir ahaan ayaa dhammaan dadaaladan waxa ay isku dayayaan in ay wax ka beddelaan xaaladda Soomaaliya oo ah mid hoos u sii socoto ilaa ay ka gaarto mid amaankeeda iyo daganaashaheedu ay si tartiib ah u soo kabanayaan. Waa in aaney innaga daahsoon muddada ay qaadaneyso in dhammaan ahdaaftaas la gaaro, waana in sida aan u waajahen arrintan ay ahaato mid macquul ah oo deggan. Soomaaliya xaaladdeeda hal shir kuma beddeli karno, mustaqbalka Soomaaliyana waxaa uu gacanta ugu jiraa Soomaalida nafahaantoodu. Laakiin, Soomaalida keligood sidaa ma sameyn karaan, sidaa darteed ayaan shirkaan u qabanney-si aan bulshada caalamka aan xaaladda u dareensiino oo aan Soomaalidana u dirno fariinta ah in aan garab istaagi doonno.  Iyo in aan xusuusinno kuwa rabo in Soomaaliya ay soo geliyaan rabshado iyo falal argagaxisanimo in aysan fududeysan go’aankeenna

Posted on February 24, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: