Hillary Clinton oo ka hadashay midnimada Somaliya

( Moment Media Group) –  Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillaray Clinton oo qeyb ka aheyd madaxdii ka soo qeyb galashay shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaalis maanta ee magaalada London ayaa ka hadashay arrinta midnimada Soomaaliya. Hillary oo ka jawaabeysay su`aal ku aadaneyd midnimada Somaaliya oo la weydiiyay ayay sheegtay in ay aqoonsatahay hal Soomaaliya, iyadoona tusaale usoo qaadatay wadankeeda Mareykanka oo ka kooban 50-gobol oo ku midoobay hal dowlad (United States).

DAAWO HADALKA HILLARY:

Dhanka kale ra’iisal wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa soo gebagebeeyay shir weyn oo caalami ah oo ku saabsan Soomaaliya, isagoo u soo dhoweeyay shirka London inuu yahay meel Soomaaliya iyo adduunku ugu guurayaan xasillooni weyn iyo barwaaqo.

Waxaa uu sheegay in heshiis laga gaaray arrimo waaweyn sida ammaanka, la dagaallanka burcad badeedda iyo gargaarka bani’aadanimada ee la siinayo Soomaaliya iyo habka siyaasadda ee dalka.

Hadalkii uu shirka ku xirayay, Mr Cameron waxaa uu sheegay in aan la dhayalsan karin muhiimadda ay leedahay Soomaaliya oo yeelata hab siyaasadeed oo xasilloon.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo Guddoomiyaha Midowga Africa.

David Cameron wuxuu sheegay in aysan jirin dan gaar ah oo ay ka leeyihiin Soomaaliya.

Posted on February 24, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: