Agaasimihii Idaacadda Somaliweyn oo Goor Dhow Lagu Dilay Muqdisho

Muqdisho (Moment Media Group)  Rag hubeysan ayaa goordhow degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku toogtay agaasimihii Idaacadda Somaliweyn Abuukar Maxamed Kadaf.

Allah ha u naxariistee Abuukar waxaa lagu dilay wax yar ka dib salaadii maqribka xilli uu sii galayey gurigiisa oo ku yaalla laanta Xaawo Taako ee degmada Wadajir oo wax yar jirta Suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Wariyaha Raxanreeb ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in dilka ka dib ciidamo ka tirsan maamulka degmada Wadajir ay gaareen goobta. Laakiin ragii dilka geystay way baxsadeen.

Abuukar Kadaf ayaa dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka Madiina halkaasoo markii dambe uu ku geeriyooday sida Raxanreeb uu u xaqiijiyey wiil uu adeer u yahay oo isagoo ku sugan isbitaalka aan la hadalnay.

Rabbi ha u naxariistee Abuukar Maxamed Kadaf wuxuu ahaa agaasimaha idaacadda Somaliweyn oo ka mid ah idaacadaha madaxa bannaan ee ka hawlgala Muqdisho.  Somaliweyn waxaa hore u dhacay kooxda Al-Shabaab hase yeeshee markale ayaa sanadkan bilawgiisa dib loo hawlgeliyey idaacadda ka dib markii qalab kale loo soo iibiyey.

Dilka agaasimaha Somaliweyn waa kii saddexaad oo wariye loogu geysto magaalada Muqdisho oo ay hadda gacanta ku wada heyso DKMG ah mudo saddex bilood gudahood ah.  Bishii Disembar waxaa la dilay C/salaam Xiis oo ahaa wariye ka tirsan telefishanka Horncable, bishii Janaayo waxaa la dilay agaasimihii idaacadda Shabeelle iyadoo maanta la dilay agaasimihii idaacadda Somaliweyn.

(Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi Raajicuun)

Posted on February 28, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: