Madaxweynihii hore Col. C/llaahi Yuusuf iyo qoyskiisa oo shandadahoodii ka xirxirtay magaalada Sanca ee dalka Yemen

Madaxweynihii hore ee dowlada KMG Somalia Col. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo qoyskiisii ayaa ka guuray guri uu siiyey madaxweynihii lagu qasbay inuu kursiga ka dego oo ku yaala magaalada Sanca ee dalka Yemen kaasoo ay ku noolaayeen tan iyo markii uu xilka iska casilay sadex sano ka hor.

Col. C/llaahi Yuusuf iyo qoyskiisa ayaa waxaa la sheegay iney maalmo ka hor soo gaareen magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii xukuumada Itoobiya ay ka heleen degenaansho laga siiyey dalkaas taasoo timid markii Col. Yuusuf uu sidaas weydiistay dowlada dalkaas oo muddo dheer ay saaxiibo ahaayeen masuuliyinta ugu sareysa.

Lama oga si rasmi ah sababta ay uga soo guureen magaalada Sanca, hase ahaatee xubno ka tirsan qoyska Madaxweyne Yuusuf oo magacooda diiday ayaa sheegay in sababta Col. Yuusuf iyo qoyskiisa soo sal-kicisay ay tahay ka dib markii xaalada amaanka ee dalkaas ay sii xumaatay uuna xilka ka degay saaxiibkiis Cali Cabdalla Saalax taasoo keentay buu yiri in C/llaahi Yuusuf iyo qoyskiisu u soo wareegaan Addis ababa.

Sanadkii hore ayay ahayd Markii dalka Yemen ay ka bilowdeen qalalaase iyo dibadbaxyo waaweyn oo loogu soo horjeedo Xukuumadii Cali Cabdala Saalax inkastoo markii ay meesha ka baxday ay aad hoos ugu dhaceen waxaana warar qaar ay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf oo ka baqay iney dilaan kooxaha xag jirka ah ee ood wadaagta la ah Al-Shabaab oo mudooyinkan ku xoogeysanayey dalkaas.

Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo dadiisu ay sii dhaaftay 70 ayaa ahaa madaxweynaha dowlada KMG Somalia intii u dhexeysa sanadkii 2005-2008-dii, waxaana lagu xusuustaa inuu horsed u ahaa ciidamadii itoobiya ee qabsaday inta badan koonfurta Somalia oo ay ku jirto caasimada Muqdisho, dabayaaqadii sanadkii 2006da si ay meesha uga saaraan xoogaii Midowga maxkamada Islaamka hase ahatee ciidamada Itoobiya ayaa xasuuqay kumanaan Soomaali ah markii lala galay dagaal sababay burbur iyo qasaare aan taariikhda Soomaaliya lagu arkin.

Posted on February 28, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: