Monthly Archives: March 2012

R/wasaraha TFG-da oo Hor istaagay Banaanbax looga soo horjeedo Mahiga

Muqdisho Saturday 31 March 2012 – Ururada Bulshada Rayidka, Waxgaradka Magaalo Madaxa Muqdisho, Odayaalka dhaqanka, Hooyooyinka iyo Ardada reer Muqdisho ayaa Maalmihii lasoo dhaafay waxey Iclaamiyeen Mudaaharaad Balaaran oo looga soo Horjeedo Agustine Mahiga.

Read the rest of this entry

Midowga Yurub oo ku baaqay inay Soomaaliya yeelato dowlad cusub oo la aamini karo

Nairobi, 27-Mar-2012 – Midowga Yurub ayaa ku baaqay inay Soomaaliya yeelato dowlad la aamini karo marka uu dhammaado wakhtiga ku-meel-gaarka ah, si meesha looga saaro dowladda haatan ee uu musuqa daashaday.Deeq-bixiyayaasha ayaa meesha ka saaray in wakhtiga loo kordhiyo dowladda KMG ah ee siddeed-sano-jirsatay, taasoo ku guuldarreysatay inay waxqabato xiligi la siiyey, waxeyna haatan dadaal ugu jiraan sidi maamul cusub loo dhisi lahaa.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa caan ku ah boobka hantida yar ee ay deeq-bixiyayaasha ugu talagaleen dalka burburay iyo ummadda rafaadsan.

Read the rest of this entry

DEG DEG: Wasiirka Beeraha oo si kulul uga hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay “Warbixin xasaasi ah”

March 31, 2012 – Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim, ayaa wuxuu si weyn uu uga horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyay. Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Beeraha, Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa.

Read the rest of this entry

Dr. Siciid Jaamac “Awoodii Dastuur Sameynta Waxaa Gacanta Loo Geliyay Puntland & Dabodhilifyadooda”.

Sat, Mar 31st, 2012 – Dr. Siciid Jaamac oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee loo xilsaaray diyaarinta dastuurka dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaliilay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya in ay u gacan baneeyeen sameynta dastuurka Soomaaliya maamulka Puntland, wuxuuna taasi ku tilmaamay in ay tahay shirqool loo maleegayo masiirka ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna tilmamaay in xubnaha loo xilsaaray sameynta dastuurka markii hore ay ahaayeen Majeerteen oo keli ah,, markii dambena iyagii ay soo xusheen kuwa ay is leeyihiin waa idinku taageerayaan wax kasta oo aad qarbabooshtaan.

Read the rest of this entry

Puntland Wax Yar Baa Kaga Harsan In Ay Safiiro Magacawdaan, Ha Sheegtaan In Ay Go’een, Waan Ugu Samreenaa Batroolka Iyo Macdanta [Dood]

Sat, Mar 31st, 2012 – Xubno isugu jira sharciyaqaanno, aqoonyahanno & waxgarad ka tirsan qeybaha bulshadda ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan kaga jawaabay dood loo qabtay oo ku saabsan sida ay Puntland isugu gaar yeeshay ololaha lagu sameynayo dastuurka cusub ee loo madlan-yahay in loo sameeyo Soomaaliya, waxaana ay badi aqoonyahanadani oo ka soo jeeda gobolka Banaadir ay qireen in Puntland ay ka soo galeyso sameynta dastuurka habka 4.5 ee lagu saleeyey awood qeybsiga dowladda, ayna la saami tahay beelaha kale ee Soomaalida, balse ay iminka u muuqato in ay hor boodeyso beelaha kale ee Soomaalida.

Dood cilmiyeed looga soo horjeedo 4.5 oo ka dhacday magaaladda Khartoum ee dalka Sudan (Daawo Sawirada)

DAAWO SAWIRADA: Waxaa Habeennimadii xalay dood si heersare ah loo soo maamuusay ka dhacday magaalada Khartoum ee dalka sudan gaar ahaan Hoolka shirarka Jaamacadda Africa “University of Africa”doodasi oo ay sI wada jir ah usoo qaban-qaabiyeen Naadiga Suxufiyiinta Soomaalida Sudan iyo Jimciyadda hanuuninta dhalinyaradda soomaalida Sudan. Dooda ayaa waxaa ka soo qeyb gashay boqolaal arday soomaali ah oo wax kabarta magaalada Khartoum, waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Doodaasi Aqoonyahano,waxgarad,Siyaasiyiin iyo waliba Mas’uuliyiin ka socday Xawaaladaha soomaalida ee xarumaha ku leh dalka sudan.

Read the rest of this entry

Xaaladii Ugu Xumeyd Oo Ka Taagan Safaarada Soomaalida Italia, Isku Dhac Jira [Dhageyso].

Wareysi uu bixiyay Xoghayaha 1-aad ee Safaarada Soomaalida Talyaaniga halka hoose ka dhageyso.

Sat, Mar 31st, 2012 – Xaaladii ugu xumeyd ayaa ka taagan Safaarada soomaalida ay ku leedahay Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, iyadoona Safiirka Soomaalida u fadhiya dalkaasi Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde] lagu eedeeyay in Howlihii safaarada uu ka dhigay eex iyo nin jecleesi.

Muranka ugu xoogan ayaa xilligaan kala heysta Xoghayaha 1-aad ee Safaarada Soomaalida Talyaaniga iyo shaqaalaha kale ee ka shaqeeya Safaaradaasi, iyadoona xoghayaha uu sheegay in xilligaan Nuur Cadde uu damacsan yahay sidii hantida Qaranka uu gacanta ugu gelin lahaa dad shisheeye.

Read the rest of this entry

Qurba-Joog Sidata Warqado Uu Soo Qoray R/Wasaare C/Weli Oo Dhibaato Ku Haya Wadamo Ka Tirsan Yurub & Carabta & Dhacdo Fool Xun Oo Ka Dhacday Safaaradda Roma-Italy (Warbixin)

Sat, Mar 31st, 2012 – Waxaa muddooyinkii u dambeysay soo badanayey cabasho ka imaaneysa qaar ka mid ah safiirada dowladda Soomaaliya ay ku leedahay wadamo ka tirsan dalalka Carabta, Afrika & kuwa Yurub, waxaana cabashadani ka imaaneysaa safaaraddaha & diblumaasiyiinta u dhashay wadamada ay safaaradahaasi ku yaalaan ay ku saabsan tahay dhalinayaro sidata waraaqado laga soo saxiixay xarunta madaxtooyada dowladda ee Muqdisho oo dadka soo saxiixayna uu ugu horreeyo R/wasaaraha xukuumadda federaalka C/weli Gaas oo lagu farayo safiiradaasi in ay aqbalaan xilal loo magacaabay dhalinyaradaasi warqadaha sita.

Read the rest of this entry

Xildhibaanada ka soo jeda Gobolada Bay iyo Bakool oo gaashaanka u daruuray Xilka qaadistii Wasiirkii Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha..

March 31st, 2012 (MMG) – Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada ka soo Jeeda Gobolada Bay iyo Bakool ayaa looga hadlay Xil ka qaadisa uu Madaxweyne shariif ku sameeyay Wasiirkii Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha .

Xildhibaanadaas ayaa ku tilmaamayXil ka qaadista lagu Sameeyay Raisal wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirkii Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha, mid sharci daro ah oo aysan qaadan doonin beelaha halkaas dagan.

Waxaa lagu sheegay in Dowlada KMG ay ku timid awood qeybsi 4.5, taasi oo lagu macneeyay mid aysan qaadan Karin beelaha Digil iyo mirifle.

Waxaa halkaas ka hadlay Xildhibaan Cali Afgooye waxa uuna sheegay in ay sharci daro tahay xilka qaadista, ayna booskaas xaq u leeyihiin Beesha dagta Gobolada bay iyo bakool.

Sidoo kale waxaa asna halkaas ka hadlay Xildhibaan Cabdi Qaaliq, waxa uuna sheegay in Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool ay arintaasMadaxweyne shariif uga digayaan in waxaay xaqa u leeyihiin uu duudsiiyo.

Madaxweyne shariif ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha 28-kii bishan, iyadoo bishii Febraayo laga bedelay Wasiirnimadii Arrimahada Dibada.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha dowlada KMG oo Jabiyey heshiiskii Kampala

30.03.2012 (MMG) – Madaxweynah Dowlada FKG Sheikh Shariif iyo Ra’isul Wasaaraha dowlada KMG ah Mudane C/wali Maxamed  ayaa jabiyeen heshiskii Kampala oo qorayey in aan qilaaf loo horseedin Xukumada Kumeel gaarka inta lagu jira xiliga kala guurka . Heshiiskaas ayaa dhigayey in aan xilka laga qaadi karin 3 Masuul ee ugu sareysa dowlada iyo golaha wasiirda inta lagu jiro xiliga kala guurka ah ee ku eg Bishs Agoosta 2012.

Read the rest of this entry

FAAHFAAHIN KU SAABSAN CEEBTII UU SUUBIYEY WASIIRKII DABARE

Muqdisho (Moment Media Group ) Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed kuna taariikheysan 28-03-2012 ayaa lagu sheegay in xilkii uu hayey laga qaaday raysul wasaare ku xigeenka xukuumadda KMG Soomaaliya ahna Wasiirkii Wasaaradda Beeraha Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo ka soo jeeda DABARE- DIGIL IYO MIRIFLE.

Read the rest of this entry

Banaanbixii looga soo horjeeday Mahiga iyo Dastuurka cusub oo la baajiyey kadib

March 30, 2012- Banaanbax weyn oo la qorsheynayey in maanta salaada jimce kadib uu ka dhaco magaalada Muqdisho islamarkaana looga soo horjeeday Wakiilka UN u qaabilsan Soomaaliya iyo Dastuurka aan la ansixin ee Soomaaliya ayaa maanta la hakiyey kadib markii ay digniino culus ay warbaahinta soo mariyeen madaxda Booliska iyo Hay’adaha kale ee Ammaanka Dowlada Soomaaliya.

Gen,Shariif Shiikuna Maye oo ah taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inay ka digayaan banaanbaxan inuu ka dhaco xamar,isagoona ku tilmaamay inuu yahay mid ay soo abaabuleen dad uu ku tilmaamay qabqablayaal muqdisho dhinac ka jooga.Balse ay aqbali lahaayeen inuu dhaco haddii ay shacabka soomaaliyeed si xor ah u dhiganlahaayeen.

Read the rest of this entry

Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG oo Faahfaahiyey Qaabka Doorashada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha

Friday, March 30, 2012 (MMG) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa wareegto uu bartamihii bishan Maarso u kala diray qaybaha xukuumadda iyo baarlamaanka, islamarkaasna nuluq kamid ah uu soo gaarey SomaliTalk.com ayaa waxa uu ku faahfaahiyey in “doorashada Madaxweynaha la qaban doono 30ka Abril 2012 , kaasi oo magacaabi doona Raiisulwasaare bil gudaheed (Maajo) halka uu Ra’iisulwasaaruhu ku soo dhisi doono gole wasiiro bil gudahood (Juunyo) ka dibna baarlamaanku ansaxiyo Xukuumadda bisha Juulay. Xukuumadda la dhiseyna waxay ay hawlgali doontaa siddii la qoondeeyey bisha Ogosto 2012.”

Read the rest of this entry

Nairobi (MMG) War bixin ay soo saartay maanta oo jimco ah, Hay’adda u doodda xuquul-aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in Somalia aysan ahayn goob nabad ah ool ay ku noqon karaan qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryahah Kenya. Hay’addu waxay sheegtay in mas’uuliyiinta Kenya aysan dib u celin karin qaxootiga sababo ay ugu wacan tahay dagaallo iyo xad-gudubyo ka dhan ah dadka rayidka oo ka socda goobaha ay ciidamada Kenya iyo maleeshiyada la socota ay xoreeyeen ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

Read the rest of this entry

Waxgaradka Muqdisho oo Maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku taageeray Maamul goboleedka Banaadir State

Banaadir State.jpg

Khamiis, Maarso 29, 2012 (MMG) — Waxgaradka beelaha Muqdisho ayaa maanta kulan ay ku taageerayeen maamulka Banaadir State waxay ku yeesheen Muqdisho, iyagoo ugu baaqay dowladda KMG ah iyo beesha calaamka inay taageeraan maamulkan.

Kulankan taageerada ah ayaa waxaa ka qaybgalay waxgarad iyo odayaal-dhaqan, waxayna dhammaantood sheegeen in kulankooda uu yahay mid ay ku taageerayaan maamulkan oo dhawaan ay DKMg ah sheegtay inaysan taageersanayn.

Read the rest of this entry

Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Geedi oo sharci daro ku tilmaamay habka loo dhisay maamul goboleedyadii ugu danbeeyay

29-March-2012 (MMG) – Prof.Cali Maxamed Geedi oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Dowlada KMG ah Soomaaliya islamarkaana Ra’iisulwasaare ka soo noqday dalka ayaa sharci daro iyo wax aan la qaadan karin waxaa uu ku tilmaamay habka loo dhisay maamul goboleedyadii ugu danbeeyay ee ee ay Soomaalidu kaga dhawaaqeem waqtiyadaan danbe gudaha iyo dibada dalka.

Read the rest of this entry

Golaha Xuquuqul Insaanka QM oo Isku Raacay Qaraar Ku Wajahan Xaalada Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Golaha Xuquuqul Insaanka QM oo Isku Raacay Qaraar Ku Wajahan Xaalada Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xaruunta Qaramada Midoobey ee Gineva oo akhriyey bayan muhiim oo ku wajahan xaalada Xuquuqal Insaanka ee ka jirta dalka Ereteria 14kii

bishan March inta badan warbaahinta caalamka waxa ay si weyn uga hadleen khudbad taariikhi ahayd oo uu Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xarunta QM ee Geneva ka akhriyey Golaha Xuquuqal Insaanka ee Qaramada Midoobey.

Read the rest of this entry

Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha

Arbaco, Maarso 28, 2012 (bulaale) — Madaxweynaha Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabay qaar k amid ah Agaasimeyaal Guud iyo Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa lagu sheegay Agaasimeyaasha cusub ee loo magacaabay qaar ka mid ah wasaaradaha.

Read the rest of this entry

Shirkii Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee lagu qabtay dalka Uganda oo laga soo saaray qodaba Muhiim ah

Arbaco 28 March 2012 – (MMG) Mudadii sadexda cisho aheyd oo kulankaas uu socday waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xubno ka kala socday saxiixayaashiii tubta nabadda ee RoadMap, sida Dowladda KMG, Galmudug, Puntland iyo Ahlusunna.Shirkii Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee lagu qabtay dalka Uganda oo laga soo saaray qodaba Muhiim ah.

Waxaa xalay magaaladda Entebbe ee dalka Uganda lagu soo gabagabeeyay shirweynihii ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed , kaas oo ay ka soo qeyn galeen 120 xubnood oo kala socday Ururada, ganacsatada, qurbo-joogta, haweenka, difaacayaasha xuquuda aadana, saxafiyiinta.

  Read the rest of this entry

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo arrimaha Federaalka oo sheegay inaan wax boos ah uga banaanayn Baarlamaanka hada jira ansixinta Destuurka Cusub

28-March-2012 (MMG)Avv. C/raxmaan Xoosh Jabriil Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo arrimaha Federaalka oo qaar ka mid ah warbaahinta ugu waramayay magaalada Entebbe ee wadanka Uganda ayaa sheegay qabyo qoraalka dastuurka cusub ee Soomaaliya ee xilligaan la tashigiisu uu ka socdo gudaha wadanka Soomaaliya in la dhameyn doono 20-ka bisha April ee sanadkaan, wuxuuna tibaaxay hirgelinta dastuurkaasi inaanay wax boos ah uga bannaaneyn Baarlamaanka iminka jira.

Read the rest of this entry

Jaamacadda California ee Sen. Diego oo Dhowr iyo laabtan Sanno ka dib ka Sameysey Cilmi Baaris Gobolka Banaadir

Tuesday, March 27, 2012 (Moment Media Group) – Waxaa malmahaan Magaaladda Muqdisho ku sugnaa Laba Xubnood oo ka socda Jaamacadda California ee Sen. Diego oo kala ah Dr Nicholai Lidow oo Bare ka ah Jaamaccada iyo Cabdimaalik Cali Bucul oo ku jira Diyaarinta Dhamaadkii Masters in Education Sen. Diego State University wuxuuna ka mid yahay Xubnhii Aas Aasey Ururka Dhalinyarada SYL ee Sen. Diego waxayna Muqdisho u yimaadeen in Baaritaan ama Research ku sameeyaan arrimo fara badan

Read the rest of this entry

Dowladda Kenya oo sheegtay in shidaal laga helay wuqooyiga Kenya

28.March 2012 – Dowladda Kenya ayaa  shaaca ka qaaday helitaanka shidaal dhulka hoos tiisa ku jira, kadiib markii ay baadhitaan samaysay shirka qoditaanka shidaalka ee Tullow Oil. Madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki  ayaa  tilmaamay helitaanka shidaalka mid waxbadan ka badalay dhaqaalaha Kenya, balse waxaa uu carabka ku dhiftay inaan la aqoon qiyaasta shidaalkaas, warkii oo dhan