Maxay tahay ujeedka ka dambeysa ee uu dalka Turkigiu ka leeyahay Dalka Soomaaliya (Daawo Mucaawinada joogtada ah ee Turkiga Geeyo Dalka Soomaaliya)

01.03.2012 (Moment Media Group) – Dalka Turkiga ayaa waxaa la sheegay inuu caawimaad joogto ah oo dhinacyo badan isugu jirta uu siiyo Soomaaliya, iyadoo markii ugu horeysayna laga furey magaalada Muqdisho iskoolkii ugu horeeyey ee Turkiga, sidoo kale ayaa waxay Turkidu ku caawiyaan hoy iyo raashin kumanaan qof oo barakacayaal Soomaali, Laakiin su’aasha la isweydiin karo ayaa waxay tahay maxay tahay ujeedka ka dambeysa ee uu dalka Turkigiu ka leeyahay arintaas.

Dalka Turkiga oo uu ra’iisal wasaarahoodu Recep Tayyip Erdogan uu sanadkii ayna ka soo gudubnay booqasho ku yimid dalka Soomaaliya, iyadoona uu raysal wasaaraha Turkigu uu ahaa masuulkii ugu sareyey ee aan ahayn Afrikaan oo Soomaaliya booqdo mudo ka abdan labaatan sano ayaa wixii xilligaas ka dambeeyey waxay turkigu bilaabeen gurmad iyo caawinaad aan kala joogsi lahayn oo ay la soo gaareen dalka Soomaaliya iyadoona sida la sheegay uu dalkaas Turkigu soo gaarsiiyey Soomaaliya mucaawino iyo waliba lacag kaash ah oo lagu qiyaasay inay gaareyso ku dhawaad ilaa iyo 400 oo milyan oo doolar, Laakinn waxay dad badan isweydiinayaan islaanimada ka sukoow miyey jiraan ujeedo kale oo ka baxsan arintaas oo uu dalka Turkigu ka leeyahay Soomaaliya, Taas oo sida ay sheegeena xeer dheerayaal siyaasadeed ay jirto inuu dalka Turkigu uu Soomaaliya ka leeyahay arimo siyaasadeed iyadoona sida la sheegay uu dalka Turkigu rabo inuu ku yeesho awood weyn dalka Soomaaliya si ay ugu sahlanaato arimihiisa siyaasadeed ee wadamada Afrika.

Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii ujeedka uu doonaba ha ka yeeshee dalkaas Turkiga uu yahay mid si weyn u caawiyey dadka Soomaaliyeed oo aysana waligood iloobi doonin ayaa mucaawinada iyo gargaarka uu siiyo Soomaaliya dalkaas Turkiga waxay ka yaabisay xataa heyadaha caalamiga ah ee qaabilsan gargaarka wadamada aduunka iyadoona uu dalka Turkigu kaga hormarey arintaas qolooyinka bixiya gargaarka caalamka, dalka Turkiga oo wali aysan fari ka qodneyn qorshayaasha uu la damacsan yahay inuu ka hirgaliyo dalka Soomaaliya ayaa hadii howlahaas loo maamulo si cadaalad ah ay noqon doonaan kuwo wax tara dhamaan dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Posted on March 1, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: