Nuur Cadde oo shirkad Talyaani ah u xilsaaray in ay xaraashto dhismaha safaaradda Soomaaliya & Soomaalida Talyaaniga oo arrinta ku baraarugay…

Waxaa baryahan si xowli ah isu soo taraya eedeymo loo jeedinayo safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde), oo lagu eedeynayo inuu maleegay qorshe lagu xaraashayo dhismaha safaaradda Soomaalidu ku leedahay Talyaaniga, waxaana qorshahan Nuur Cadde ku wehliya sida wararku sheegayaan nin uu dhowaan ka dhigay Garyaqaan oo ay isla qarbaboosheen qorshe lagu tilmaamay inuu yahay riyo maalmeed, waxaana qorshahan furdaamintiisa loo xilsaaray shirkad Talyaani ah.

Dhismayaasha ay dowladdii hore ee Soomaaliya ku laheyd Talyaaniga waa hanti Qaran oo shacabka Soomaalida ah ka dhexeeysa, waa hanti go’aan ka gaaristeeda ay leedahay dowlad Soomaaliyeed. Kama jirto dalka maanta dowlad metesha Soomaali oo dhan, tan hadda dhisanna waa dowlad KMG ah oo ay dusha ka maamulaan UN-ka, xaqna uma yeelan karto dowladaasi in ay hanti Qaran iibiso, ummadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga ku dhaqan arrintaasi si buuxda ayey uga soo horjeedaan” ayuu yiri C/rashiid Siciid oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee degan magaalada Milaano, wuxuuna intaa ku daray in Soomaalidu ay dedaal u geli doonaan sidii ay qorshahaasi u fashilin lahaayeen.

Soomaalidu Roma waxey ku leedahay 5 guri, mid waa deegaanka safiirka, midna waa deegaanka qunsulka, midna waa xafiiska safaaradda, midna waa xafiiska qunsulka, guriga 5-aadna waxaa iska lahaa Somali-airlines, waxaana laga ijaaray dad Talyaani ah, waxaana kirada ka qaata guddoomiyihii Somali airlines Guuleed, Nuur Cadde wuxuu quud dareynayaa in 2 ilaa 3 dhismayaashaasi ka mid ah inuu iibiyo, dhismayaasha ay Soomaalidu leedahay dhammaantood waxey ku yaalaan xuddunta magaalada gaar ahaan waddada via dei villini, waxaana ay kaabiga ku hayaan dhismayaasha safaaraha dalalka Hungry & Itoobiya” ayuu yiri C/rashiid, wuxuuna intaa ku daray in Nuur Cadde ay Soomaalidu qaati ka joogeen markiisii hore, oo lacago xad dhaaf ah uu Soomaalida kaga uruursado warqad A4 ah, haddana uu u soo dhigtay inuu xaraasho hanti ay ummadi wada leedahay.

“Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Talyaaniga waxey baaq u dirayaan dowladda Soomaaliya & madaxweynaha in ay arrintaasi sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabtaan, tan kale ee aan ummadda Soomaaliyeed u sheegayno waxey tahay tuhun aan ka qabno R/wasaare C/weli inuu arrintan wax ka ogyahay maadaama 2 todobaad ka hor uu socdaal ku yimid Talyaaniga, waxaan leenahay adeer haddii hantidaasi ay hunguri kaa gashay kolleey kama absokeyn doontid Nuur Cadde, haddii kale waa inaad muujisaa mowqifka aad ka taagan tahay” ayuu yiri C/rashiid.

Posted on March 2, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: