Kenya iyo Itoobiya oo Shirkii London kaddib Nairobi ku kala saxiixday heshiis ku saabsan waddo-tareen oo isku xiraysa Lamu iyo Addis Ababa

Maalin kaddibna waxay dhagax dhigeen dekedda magaalada Lamu ee xeebta badweynta Hindiya

  • Warbixin iyo Faallada Moment Media Group | Maarso 2, 2012

Kulan ay Maaro 1, 2012 magaalada Nairobi ku yeesheen madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa waxaa labadaas dal ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan waddo tareen oo isku xiriirineysa magaalada Lamu iyo Addis Ababa.

Heshiiskaas oo ay goobjoog ka ahaayeen Kibaki iyo Zenawi waxaa labada dhinac u saxiixay wasiirada gaadiidka Kenya Amos Kimunya iyo kan Itoobiya Deriba Kuma Hey.

Waxaana saxiixa heshiiskani kusoo beegmay maalmo kaddib markii shir magaalada London shir loogu qabtay Soomaalida oo ay ka qayb galeen Zenawi iyo Kibaki.

Kenya iyo Itoobiya waxay duullaan ku qaadeen ciidda Soomaaliya oo ilaa hadda ay ciidamadoodu ka geysanayaan tacadiyo ka dhan ah bini’aadaminada, ayagoo labadaas dal ay hore gumaystayaashii reer Yurub gacanta u geliyeen dhulal aad u baaxad weyn oo Soomaaliyeed oo ay ilaa hadda guemsysi jajuub ku haystaan.

Zenawi iyo Kibaki oo ku faraxsan saxiixii wadada tareenka ee isku xiraysa Lamu iyo Addis (March 1, 2012)

Kibaki iyo Zenawi oo Dhagax Dhigay Deked laga dhisayo Lamu

Maalin kaddib heshiiska Zenawi iyo Kibaki, waxaa la dhagax dhigay deked laga samaynayo magaalada Lamu. Waxaana Maarso 2, 2012 dekedaas dhagax dhigay Madaxweynaah Kenya Kibaki, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Minister Meles Zenawi  iyo madaxweynaha dawladda dhawaanta la dhisay ee Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit.

Dekedu waxay qayb ka tahay mashruuca loogu magac daray LAPSSET (Lamu Port –South Sudan –Ethiopia Transport Project) oo la doonayo in ay dekeddaas adeegsadaan Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan.

Dhagaxdhigii Dekedda Lamu | Sawirka Nation

Kenya waxay ciidamadeeda ka tallaabisay xad beenaadka NFD bishii October 16, 2011, kuwaas oo ilaa hadda ku jira gudaha Soomaaliya, arrin in badan lagu macneeyey aagga xirmada ama durkinta Soomaalida iyo dhul ballaarsi. Sidaas oo kale ayaa mar labaad Itoobiya waxay xoog kusoo gashay Soomaaliya, ayadoo ciidankeeda ka soo gudbisey xad beenaadka Soomaali galbeed December 31, 2011 oo ay weli ku jiraan magaalooyin Soomaaliyeed.

Weriye Kenyan ah oo farta ku fiiqaya dhagax yaal “xad beenaadka”
si uu u caddeyo in ciidankoodu halkaas ka gudbey xilli madaxda Soomaaliyeed arrintaas ankirayen

Inbadan oo odorosa, una kuur gala siyaasadda geeska Afrika ayaa hore uga hadlay sababaha duullaanka Kenya iyo Itoobiya ay ugu qaadeen Soomaaliya in ay tahay in shacabka Soomaaliyeed lagu sandulleeyo rabitaanka labadaas dal ee gumaystaha qarnigan, si ay markaas u adeegsadaan khayraadka dhulka Soomaaliyeed. Laakiin su’aasha ay tahay in dhab la isu weydiiyo waa: yaa leh eedda dhibaatada hadda ka taagan Soomaaliya?

Yaa masuul ka ah dhibaatada ka tagaan Soomaaliya?

Soomaaliya waxaa dagaal ahli ah ka qarxay 21 sano ka hor, kaddib markii uu dhacay xukun dalka ka jirey 21 sano, xukunkaas ugu yeer diktatoori, shuuci, culimo laaye, kacaan. Soomaalidu kama faa’iidaysan dhicitaankii xukunkii kelitaliska, balse waxay ku bedeleen dagaal ahli ah oo maatadii lagu xasuuqay.

Waxaa taas garab socday in dalalkii cadowga soo jireenka u ahaa Soomaaliya ay arkeen in halkaas fursad uga soo baxday. Si ay dantooda u gaaraan waxay hubeeyeen qab-qablayaan dagaal oo u hamuumay dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo xilligaas abaaro iyo colaadda sokeeyey wiiqeen. Erayada in loo fiirsado mudan waa “Qab-qabalayaal Soomaaliyeed”.

Waxaa markaas Soomaalida loo qabtay shirar ay ka soo xushaan madax aragti gaaban oo iska indha saabaxaya xaqiiqada juqraafiyeed iyo mid dhaqan-dhaqaale ee ka jirta geeska Afrika. Madax magac ahaan ka ah Soomaali, balse aan haba yaraatee ku shaqaynayn aragti Soomaaliyeed, oo loo yeeriyo siyaasadda cusub ee laga damacsan yahay juqraafiga cirifka bari ee qaaradda.

Dhibaatada ay madaxda maqaar-saarka ah kuwoodii ugu horeeyey geysteen waxaa ka mid ah in ay dalka u horseedeen in lagu duugo sunta halista ah iyo haraadiga qashinka nukliyeerka, oo cawaaqib xun kureebaya degaanka Soomaaliyeed, naf iyo maalba, iyo dad, duunyo iyo degaanba.

Waxa lagu xejiyey kuwo dalka kusoo hoggaamiya ciidamadii ay Soomaalidu iska caabinayeen qarniyaal. Ciidamo hore gumaysi ugu haytey dhul Soomaaliyeed. Waxay “madaxdaas Soomaaliyeed” isku dayeen in qaar kamid ah dhul-badeedka Soomaaliya la dhaxal wareejiyo. Iyo kuwo dhaca hantida qaranka, ama lacagahii lagu soo siiyey mucaawinada dadka tabaalaysan jeebka ku shubta, dalkiina ka dhigay mid iib ah.

Waxaa dalka loo kala qoqobay gobollo loogu talagalay in  ay ayagu isku mashquulaan, colaad cusubna loo abuuro shacab Soomaaliyeed oo walaalo u ah meel kasta oo laga eego, laguna jajuubo xadad cusub oo gobolaysi iyo qabaliya ku salaysan. Waxaa caburintii ugu weyneyd la saaray saxaafadda, taas oo la isugu daray dil, xarig, hanjabaad, caga-juglayn.

Waxaa soo baxay kuwo sheegta “aqoonyahay Soomaaliyeed”, oo samaystay ururro iyo golayaal badan oo marka loo dhaba galo aan wax nuxur ah kuwada hadlayn, ugu yeer qurba-joog, fadhi-kudirir, qaad-cunayaal, iwm. Waxaa taas garab socda maadax cusub oo waxa keliya oo ay jecel yihiin ay tahay in la ammaano, balse aan loo tilmaami karin waxay ku khaldan yihiin, kuwaas oo hami gaaban, aana meel durugsan wax ka eegin. Waxayna kuwaasi soo dhaweytaan oo keliya dadka loogu yeero YES MEN (ama aan madaxdooda runta u sheegi karin).

Waxaa soo baxay xarakooyin iyo kooxo ku doodaya magac Soomaaliyeed oo sii farcamaya maalin kasta, ugu yeer Al-Shariifeyt, Al-Shabaab, Suufiyah Ahlu-Sunna, Al-Ictisaam, Al-Islaax, iwm. Kuwaas oo xilligan waxa keliya oo ay ku mashquulsan yihiin ay tahay sidii mid kasta ay tan kale u burburin lahayd.

Waxaa la isku mashquuliyey Soomaalida dhexdeeda, ayadoo shacabkii tabaalaysan yahay, qaxootina ku abaadeen. Ma jiraan cid ka hadlaysa xadgudubyada ciidamada shisheeye ku hayaan dhulka Soomaaliyeed. Koox kasta ay fiirsaneyso sidii ay uga takhalusi lahayd kooxda kale. Urur kasta ka soo hor jeedo urur kale. Madaxdii ay isugu biyo shubteen inay ka qayb galaal shirar aysan lahayn ajanadayaashooda. Ayadoo aysan jirin qaab ama hab caqligu talinayo.

Halkaas ayaa markaas dalkii oo dhan uu ku noqday baylah, oo aysan jirin cid ka hadasha xad gudubyada ciidamada soo duuley ay ka geysanayaan Beledweyne, baydhabo, iyo guud ahaan Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa sidaas ku dhammaaday 21 sano. Ma jiro cid arrimahaas isku xiriirsan 21-ka sano ee colaadda masuuliyadeeda loo maxkamadeeyey.

Halkaas waxaa kaaga soo baxaya in Zenawi iyo Kibaki ay ayagu gudanayaan hawshii ay u qaadeen shacabkooda (Kenyan iyo Itoobiyaan), in la sandulleeyo madaxda Soomaaliyeed si ay markaas shacabka Soomaaliyeed u badaan saxariirka hadda haysta, dawlad la’aanta iyo dhibaatada 21 sano jirsatey.

Markaas su’aashu waxay tahay, yaa leh eedda dhibaatada ka taagan Soomaaliya. Jawaabta waxaan u dhaafnay akhristaha.

Waa Maxay Xalku?

Qoom Allah ma bedelo haddii aysan gacmohooda Isku bedelin.

Xalku wuxuu ku jiraa kitaabka quraanka. Ugu horayn in mujtamaca Soomaaliyeed ay gebi ahaanba u laabtaan Allah, kana baryaan toobad keen caama ah. Joojiyaana xad gudubyada. Guud ahaana ummadda Soomaaliyeed is cafiyaan.

Waxaa markaas la heli karaa, Allah idankiis, in shacabkan masiirkiisa ay hooggaamiyaan madax daacad ah, caadil ah, fikir dheer, ummaddana u horseeda barwaaqo, soo celiya magacii Soomaaliyeed. Ummadda Soomaaliyeed mideeya, soona celiya walaaltinimadii ka dhaxaysey shacabka Soomaaliyeed oo dhan. Madax yoolkoodu yahay horumarinta shacabka. Madax danta shacabka ka dhiga tan koowaad, shacabkoodana u naxariista, adduunkana si caqli ah ula xisaabtama.

Suuradda Ar-Racad, Aayadeeda 11, qayb ka mid ah ayaa macneheedu yahay: “Allah ma dooriyo wax dad ku suganyahay intay ka doorinayaan waxa naftooda ku sugan” {Qur’aan 13:11}.

Posted on March 2, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: