Madaxweyne Ahmed Siilaanyo waxa uu doonayaa in uu Somaliya la hadlo, laakiin ma doonayo in uu la midoobo.

Moment Media Group – London – Madaxweynaha dalka Somaliland ayaa BBCda u sheegay in ay hore ula midoobeen Somaliya, laakiin ay immiga yihiin dal midnimadii ka soo noqday, oo aan doonayn in ay dib dambe ula midoobaan Somalia. Waxa kale oo uu sheegay in ay dawladda TFGda ee Sh. Sharif u wada hadli doonaan si siman, oo laba dawladood oo jaar ah.

Halkaa uu u sheegay BBCda oo aan qarsoodi ahayn, ayaa ahaa mid daba socday, waraysi uu Sh. Sharif  shirkii kadib siiyey saxaafadda, kaasi oo uu Somaliland ku sheegay in ay ka mid tahay dawladda Federaalka ee uu isagu madaxweynaha ka yahay. Isaga oo dhinaca kalena ka taabanaya in ay diyaar u yihiin wixii ay Somaliland tirsanayso oo ay diyaar u yihiin in laga wada hadlo.

Bishii hore ayaa Somalida shir caalami ah loogu qabtay magaalada Ingiriiska, waxana ay ahayd markii ugu horreysey ee Somaliland ay illaa 1991kii ka soo qayb gasho shir Somaliyeed oo weliba uu Madaxweynahooduna uu joogo. Laakiin weli waxa ay ku adkaysanayaan in aanay diyaar u ahayn midnimo Somaliyeed.

Posted on March 2, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: