Midawga Yurub Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Qodobka Lixaad Ee War Murtiyeedkii Ka Soo Baxay Shirkii London

Moment Media Group (London) 01 March 12–Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan dalalka beriga Afrika Alexander Rondos oo u waramaayey Wergeyska Kathimerini shallay ayaa faahfaahin ka bixiyey shirkii dhawaan dawladda Britain oo ka mid ah dalalka Midawga yurub ay u qabatay dalka Soomaliya.

AmbassadorRondos wuxuu sheegay in kulankaasi ahaa kii ugu horeeyey ee 21-kii sannadood ee Soomaaliya ka maqnayd beesha caalamka ee lgu qabto qaaradda yurub, wuxuu sheegay in kulankaasi laga gaadhay natiijooyin wax ku ool ah oo ayuu sheegay faa’iido iyo waxtar u leh dadka Soomaalida.

Safiirka oo ka jawaabaayey waxaa keenay in wakhtigani ay dalalka reer galbeedku gaar ahaana midawga yurub ay garwaaqsadeen in ay Somaaliya u gurmadaan wuxuu yidhi “khatarta Soomaaliya ka jirta maaha mid la isii eegan karo, ma dhici karto in ubuc ka mid ah dunidani ay noqoto meel aan sharci iyo kala danbayn lahayn, dunidu way isku xidhantahay waxaana la wadaaga dan, Soomaaliya dhibaatadeedu waa dhibaato dunida saamayn ku leh, u ogolaan mayno in wiilka Soomaaliga ahi uu bilaa tacliin noqdo isla markaana kooxa asal raaca ahi ka faa’iidaystaan, haddii aanu markii hore Soomaaliya u arkaynay meel aan dan laga lahayn hadda waxaa naga go’an midawga yurub ahaan iyo beesha caalamka inay Soomaaliya ku soo laabato beesha caalamka” ayuu yidhi

Ambassador Rondos oo weraysiga uu wergeysku la yeeshay aad u dheera ayaa waxaa la weydiiyey qodob ka mid ah qodobadii ka soo baxay war murtiyeedka oo ahaa in Somaliland la sheegay inay xidhiidh la samayso dawladda TFG-da taasi miyaan loo arkaynin in weli dhibaato siyaasadeed taallo wuxuu ku jawaabay Ambassador Rondos “Somaliland waa qayb Soomaaliya ka mid ah, shirkii garoowe waxaa lagu soo afjaray in qaybaha Soomaaliya la mideeyo laguna hoos mideeyo nidaamka TFG-da, hadda Somaliland ayaa hadhsan qodobkuna wuxuu keliya sharaxaayey in la hello qaabkii TFG-du ay xidhiidh dhinaca wada shaqaynta ah ula yeelan lahayd Soomaliya, taasi macnaheedu maaha in la leeyahay Soomaaliya waa la kala goynaya, waxaanu doonayna inay Soomaaliya wada shaqayso oo dannaha Soomaaliya la mideeyo” ayuu yidhi Ambassador Rondos

Posted on March 2, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: