Ingiriiska oo mid ka mid ah dowladaha Carabta ka codsaday iney gogol u dhigto DKMG Somalia iyo Somaliland

Iyadoo qodob ka mid ah qodobadii lagu gaaray shirkii London uu dhigayey in beesha caalamku taageerto shir ay isugu yimaadaan dowladda KMG iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa haatan soo baxaya warar sheegaya in mid ka mid ah dowladaha Carabta laga codsaday inay gogol-nabadeed u dhigto dowldda KMG iyo maamulka la baxay Somaliland.

Sida warku sheegayo dowladda Ingiriiska ayaa ka codsatay dowladda Qadar inay gogol ay ku wadahadlaan u dhigto dowladda KMG iyo maamulka Somaliland, taasoo ay uga wadahadlayaan aayahooda siyaasadeed iyo sida ay ku wada dhaqmayaan mustaqbalka iyo xiriirkoodu waxa uu noqonayo.

Labada dhinac ee dowladda KMG iyo maamulka Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qodobka dhigaya inay wada hadlaan maadaama uusan qodobku dhigeynin waxa ay sida gaarka ah uga wada hadlayaan taasoo keentay in dhinac kasta uu u fasirtay sida isagu uu jecelyahay.

 

Dowladda KMG ayaa sheegay inay ku faraxsantahay ka qeybgalka shirarka Soomaalida ee maamulka Somaliland ka soo qeyb galayaan, taasina ay horseedayso sida ay yiraahdeen sidii ay dib ugu soo laaban laheyd midnimadii Ummadda Soomaaliyeed oo meesha ka baxday sanadkii 1991-kii, markaas oo ay maamulka Somaliland ku dhawaaqeen in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’een.

Dhinaca kale maamulka Somaliland oo iyaguna si gaar ah uga hadlay qodobkaasi ayaa sheegay inuu shirka London guul u ahaa maadaama sida ay yiraahdeen marka ay Soomaaliya istaagto ay ka wadahadli doonaan xiriirka ay yeelan doonaan, waxayna si cad ay u sheegeen in qaab laba dowladood ah oo kale ay u wadahadlayaan, isla markaasna aqoonsigoodu uu soo dhowyahay, ayna arrintan noqoneyso sida ay yiraahdeen sidii ay dowladda Suudaan ku aqoonsatay Koonfurta Suudaan oo haatan labo dal kala ah.

Posted on March 5, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: