Madaxweyne Shariif oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray Mahiga oo ahaa in Villa Somalia uu afgembi ka dhacay

Madaxweynaha dowlada KMG Somalia Shariif shiikh Axmed ayaa kja jawaabay hadal ka soo yeeray wakiilka QM ee Somalia danjire Agustino Mahiga oo ahaa in xarunta madaxtooyada Somalia ay afgembi siyaasadeed ku qabsatay koox diimeed la yiraahdo Aala shiikh oo aan wax badan dhaamin Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo ka hadlayey shir jaraaid oo uu ku qabtay xeradii Maslax iyo xaafada Suuqa xoolaha oo uu shalay kormeeray halkaasoo maalmo ka hor laga saaray Al-shabaab ayaa waxaa mar bla weydiiyey hadalka mahiga waxaa uu ku jawaabay isagoo aad u kaftamaya taxadar badana uu ka juuqdo “Hadiiba mahiga warkaas yiri maradaa ka dhacday intaasna u dhaafi maayo”

Dhinaca kale madaxweyne Shariif ayaa shirkaas jaraaid ku amaanay ugana mahad celiyey ciidamada Dowlada KMG Somalia iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay in dedaal naf hurnimo ah ka dib ugu dambeyntii ku guuleysteen Al-shabaab iney ka saaraan magaalada Muqdisho.

“Guusha aan maanta gaarnay iyo xoriyadan waxaa naftooda huray Geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa saaxiibadeen ah ee AMISOM, waxaana leenahay dedaalkiina sii wada maxaa yeelay cadowga weli waa joogaa laakiin waa sii daciifayaa waxaana haboon in la is raaciyo intya uu naf ,la caariga yahay” ayuu intaa ku daray madaxweynaha Somalia.

Madaxweyne Shariif ayaa amaanay doorka maxkamadda ciidammada Qalabka sida ay ka qaadatay sugida amaanka, wuxuuna saraakiisha ciidamada ku amray in ay gacan siiyaan maxkamadda si looga hortago shaqsiyaadka dhibaatada ka dhex wada ciidamada.Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay in gargaar la gaarsiiyo ummada Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada ku soo laabtay gacanta dowladda, waxa uuna hey’adda Samafalka ugu baaqay in ay gargaar soo gaarsiiyaan shacabka xornimadooda dib u helay sida uu yiri.

Posted on March 5, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: