Mahiga, Famaajo Iyo Madaxweyne Shariif Oo Hadalo Saxaafadda Isku Mariyay

Nairobi (MMG) Waxa toddobaadkan saxafadda Soomaalida iyo kuwa caalamka qabsaday hadalo ummuuqda kuwa la isku Jawaabayo, waxana ugu dambeeyay hadal shaley uu Madaxweynaha KMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ka jeediyay Xaafadda Suuqa Xoolaha iyo Xeradii Maslax oo dhawaan ay la wareegeyn ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM markii laga saaray Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo markii uu kormeerkiisa soo dhamaaday saxaafada la hadlay ayaa su’aal la weydiiyay waxa ay ahayd, Mudane Madaxweyne siddee u aragtaa hadalka dhawaantan uu sheegay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee  QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo ahaa in xarunta madaxtooyada Villa Somalia ay isku xulufeesteen kooxo Islaamiyiin ah.

Madaxweynaha oo malaha rabin in wax badan ka sheego hadalka Mahiga ayaa ku soo koobay Mahiga marada ayaa dhacday taas oo lamacna ah waa uu ceeboobay haddii ay rumoobaan hadalkaas, ma rabo in aan intaas udhaafo.” ayuu ku soo koobay madaxweynaha jawaabta su’aashaas xasaasiga ah.

Hadalka Madaxweynaha Muxuu Daba Socdaa?

Wuxuu daba socdaa wareesi dhawaantan uu siiyay Dajire Mahiga shabakada Somalireport, kaa oo ku sheegay “In xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia Gole Xagjiriin ah ay inqilaab ku sameeyeen,”

Mahiga macadda waxa uu kala jeeday hadalkaas, laakin dadka waxa odorasa waxa ay lee yihiin Dajiraha waxa uu saluugsan yahay qaabka loo maamulka Qasriga madaxtooyada Madaxweyne Shariif.

                      Shiikh Shariif Waa kuma?

Madaxweyne Shariif ka sakow madaxweynaha uu hadda ka yahay DKMG ah waxa uu soo noqday guddoomiyihii midowga maxkamada islaamiga ee 2006-dii ka arriminaayay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo xiligaas Maraykanka u arkaayay kuwa qatar ku ah Soomaaliya.

Saraakiil Sarre oo ka tirsanaa ururka midowga Maxkamadaha Islaamigii ayaa waxa ay hadda ka tirsan madaxda Sare Al-Shabaab oo ku biiray hadda Al-Qaacida.

Mahiga Sidoo kale waxa uu eedeeyay Ra’iisal Wasaarihii horre Soomaaliya

Waxa uu ku eedeeyay danjire Mahiga Max’ed C/laahi Farmaajo ra’iisul-wasaarihii hore ee Somalia inuu qas ka wado xildhibaanada baarlamaanka KMG ah, waliba kuwa ku kacsan Shariif Xasan Sheekh Aadan Afhayeenka Baarlamaanka.

Sidoo kale Mahiga waxa uu yiri: Farmaajo waxa uu wadaa olole uu ku doonayo in uu markale ku soo laabto maslaxa siyaasada ee Soomaaliya

Hadalkaas markii uu soo baxay waxa ka jawaabay Mr. Farmaajo oo gaashaanka ku dhuftay eedeynta ka soo baxday ergayga gaarka ah ee QM arrimaha Soomaaliya, Augustine Mahiga

Ra’iisal wasaarihii horre Farmaajo ayaa sheegay in hadalka Mahiga uusan ahayn hadal qof mas’uul ah uu jeediyo.

Wuxuu  kaloo tilmaamay in Mahiga uu shaqadiisii ka baxay oo uu faragelin sameynayo isla markaana uusan dhex-dhexaad ahayn siyaasadda Soomaaliya.

Si kastaba, hadaladan waxa ay muujinayaan madmadow ku aadan sida uu sii ahaan karo xiriirka xafiiska siyaasada QM arrimaha Soomaaliya UNPOS iyo Dowladda KMG ah iyo xittaa haddii uu soo laabto Farmaajo.

Farmaajo xiligii uu Ra’iisal wasaaraha ka ahaa Xukuumadii Tayo, waxa uu Dajire Mahiga u sheegay in uu muddo sodon cisho uu ugu ku soo raro xafiikiisa Muqdisho, waana meeshaas halka uu ka bilowday khilaafka Mahiga iyo Famaajo, laakin waxa aan la ogeyn halka Mahiga uu ka sheegay Villa Baydhabo iyo sida ay u waxyeeleen doonto xiriirka Madaxweyne iyo Danjire Mahiga.

                    Hadaba maxay keeni kartaa arrintan?
Faysal Cabdi Rooble waxa uu ka faaloodaa arrimaah geeska Africa isagoo la hadlaayay VOA-da ayaa waxa uu sheegay in Mahiga ay u wanaagsan tahay in uusan arrimaha gudaha ugalin Soomaaliya, haddii kale uu dhibaato kala kulmaayo.

“Shaqadiisa waxa ay ahayd in uu isku soo dhaweeyo dhinacyada Soomaalida ee ma ahayn in uu hoos ugalo arrimaha Soomaaliya, waxana ay keeneysaa in uu burburo xiriirka UNPOS iyo Madaxda dowladda KMG ah.

Posted on March 5, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Xog Badan Ka Ogow Kooxda “Aala Sheekh”

    Aala Sheekh – waa koox diimeed si hoose dad badani ay u ogaayeen laakin waxaa saxafada iyo dad badan farta ugu fiiqay wakiilka xogayaha guud ee qaramada midoobey Augustin Mahiga .

    Kadib markii uu mahiga sheegay in ay madaxtooytada Somalia afgambi kula wareegeen kooxda “Aala Sheekh” ay dad badani is wqeydiinayan kooxdan waxa ay tahay .

    “Aala Sheekh” waa koox ay ku mideysan yihiin ragii madaxda ka ahaa maxkamadihii islaamka hadana ku nool dhanka dowlada .

    Kooxdaan waxaa ay leedahay hogaan udhisan qaabkii amiirkii oo wali loo raacayo wadadii maxkamadahii 6-da bilood wxaana madax ka ah Sheekh Shariif Sh.Axmed

    Magacyada kale ee “Aala Sheekh” laga xusi karo waxaa kamid ah Sheekh Cabduqaadir Cali Cumar oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii golihii fulinta ee maxkamadihii islaamka ,sheikh C/raxmaan Maxamuud Faarax “Janaqow” iyo rag kale .

    Mahiga wxaa uu sheegay in kooxdan aaney hubeysneyn hadana sidaas oo ay tahay ay xoog ku heystaan madaxtooyada .

    Laakin waxaa fakir midkaas ka duwan qaba siyaasiga C/laahi Shiiq Xasan oo madax ka ah xisbiga isbaheysiga nabada kaas oo sheegay in “Aala Sheekh” ay tahay koox hubeysan madama uu kasocdo madaxweynaha oo gacanta ku haya hubkii qaranka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: