Saxafiyiin qalabkoodii laga burburiyay xilli ay war kasoo tebinayeen garoonka diyaaradaha Boosaaso

Ciidamo ka tirsan dowladda Puntland ayaa maanta u diiday weriyeyaasha Puntland inay galaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso,si ay shacabka ugu soo gudbiyaan safarka uu Puntland kusoo gaaray maanta wasiirkii hore ee amniga Puntland Gen.Cabdulaahi Saciid Samatar.

War kasoo baxay dowladda Puntland ayaa saxafiyiinta loogu diiday inay galaan garoonka diyaaradaha xilli uu kasoo dagayay musharaxa madaxwaynaha Puntland Gen. Cabdilaahi Saciid Samatar.

Weriye Salmaan Jamaal Saciid Kaka oo ah wakiilka telfishinka Universal ee gobolka Bari iyo Cabdrashiid Rashka oo u shaqeeya telfishisnka Royal 24 ayaa qalabkoodii ay la wareegeen ciidamada iyagoona burburiyay sida ay u xaqiijiyeen Puntlandnews24.

Dhacdadaan ayaa timid xillli weriyeyaashu ay u hogaansameen amarka dowladda uga xanibtay inay muuqaallo musharax Cabdilaahi Saciid Samatar uga soo qaadaan garoonka Boosaaso,ayna joogeen xiliga la dhibaateeyay meel ka baxsan dhismaha garoonka diyaaradaha.

Aqoonyahan lagu magacaabo Eng. Axmed Cali oo Boosaaso ku sugan ayaa ka hadlay sida loola dhaqmay saxafiyiintii maanta doonayey inay soo tabiyaan soo dhoweynta Gen. Samatar, ayaa yiri ” waa wax laga xishoodo in Abdirahmaan Faroole oo 3 sano ka hor Australia ka yimid in si fiican loogu soo dhoweeeyo Boosaaso, isagoo hub iyo gaadiid dagaal oo mamnuuc ah watey, hade ogoowe xilligaas waxaa wasiirka amniga ahaa Gen. Samatar oo u fasaxay wax walba, isagoo maanka ku hayey in Puntland tahay dal xor ah oo aan siyaasiyiinta lagu caburin karin. maantase lama filayn in is-hortaag iyo caga jugleyn loo geysto shacab ama wariyayaal dambi looga dhigay maxaad soo dhoweyntan uga qayb galaysaan.

Posted on March 5, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: