War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Maamul goboleedka Banaadir State ee magaalada Muqdisho

05.03.2012 (Moment Media Group) – Qoraal saxaafada loogu talo galay ayaa maanta ka soo baxay xafiiska maamul goboleedka Banaadir state ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay warar sheegayey in maanta looga dhawaaqayo caasimada Somalia maamul goboleed cusub oo la magac baxay Ex-Banaadir.

War saxaafadeedkan oo uu ku saxiixnaa Maxamed Abiikar Maye oo ah madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Banaadir state ayaa waxaa lagu sheegay inuu horey u jiray maamul goboleed loo sameeyey gobolka Banaadir kaasoo ay dhisteen qowmiyada beelaha Banaadiriga iyo beelaha la degan labo sano ka hor.

Qoraalka ayaa intaa ku daray in maadaama uu maamulkaas jiro qaab dhismeedkiisana uu dhan yahay ay sharci daro tahay in laga barbar sameeyo maamul kale oo ay isku magac yihiin, taasoo macnaheedu yahay kaaga kula lihi keygana anigaa iska leh, ayna tahay sed buursi iyo boob xuquuq ay leeyihiin dadka ku abtirsada gobolka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qowmiyada Banaadiriga horey loo duudsiiyey xuquuqdii ay ku lahaayeen hogaanka dalka iyo kan maamulka gobolka Banaadir ayna hada nasiib daro tahay in maamul goboleedkii ay labo sano ka hor dhisteen laga bar bar sameeyo mid kale oo ay magaca wadaagaan, iyadoo qoraalkaas lagu sheegay laguna cadeeyey in xafiiska QM ee Somalia iyo wasaarada arimaha gudaha ee DKMG Somalia ay ka war qabaan, waxna ka og yihiin Banaadiriga iyo maamul goboleedka Banaadir State.

“Qowmiyada Banaadiriga iyo maamul goboleedka Banaadir State waxay ugu baaqayaan beesha caalamka iyo xafiiska QM ee Somalia UNPOS, Midowga Afrika, IGAD, midowga Yurub iyo Jaamacada Carabta iney wax ka qabtaan soo fara geliyaan dulmiga lagu hayo maamul goboleedka Banaadir State” ayaa lagu yiri ugu dambeyn qoraalkaas.

Posted on March 5, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: