Safaarada Soomaaliya ee Kenya oo sheegtay in shaqsi sheeganaya in uu yahay safiirka Soomaaliya Kenya uu tagay Wasaarada arimaha dibada Kenya iyo digniin loo jeediyay shaqsigaas

…Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire maxamed Cali amerika oo goor dhawayd saxaafada kula hadlay safaarada Soomaaliya ee kenya ayaa sheegay in Safiirka Soomaaliya u fadhiya Daarasalaam C/xakiim Cali Ugaas oo sheeganaya in uu yahay Siirka Soomaaliya u fadhiya Kenya uu maanta tagay Wasaarada arimaha dibada Kenya.

Danjire amerika ayaa sheegay in uu tagay C/xakiim Cali Ugaas Wasaarada arimaha dibada Kenya, waxa uuna sheegay in xoghaynta Wasiirka uu u sheegtay C/xakiim in uu yahay safiirka Soomaliya ee Kenya uuna dalbaday in uu la kulmo Wasiirka arimaha dibada.

Wasaarada arimaha dibada ayaa I soo wacday gaar ahaan Wasiirka waxa uuna yiri, Waxaa meeshaan jooga nin sheeganaya in uu yahay safiirka Darasalaam u fadhiya Soomaaliya, hadana leh waxaan ahay safiirka Soomaaliya u jooga Kenya, marka sideey wax u jiraan”ayuu yiri danjire amerika oo maanta saxaafada kula hadlay Safaarada Soomaaliya ee Kenya.

“ Wasiirka markii uu is oo wacay waxa uu I yiri, shaqsigaan sideey wax ka yihiin, anaga safaarada Soomaaliya waxaan ku ogayn in uu safiir ka yahay amerika, waxaana ku ogayn in uu dhaawac fudud soo gaaray”ayuu markale yiri.

Sidoo kale Warar soo gaaraya Xafiiska Bogan uu ku leeyahay magaalada Nairobi aya sheegaya in wasaarada arimaha dibada Kenya ay amar ku bixisay in Safiirka Soomaaliya u fadhiya Daarasalaam C/xakiim Cali Ugaas uu ka baxo dalka Kenya.

Dhinaca kale ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay C/xakiim oo ku aadan hadalka ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada ee Kenya iyo kulankii maanta uu la yeeshay Wasiirka arimaha Dibada oo la sheegay in uu ku dhamaaday fashil.

Posted on March 6, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Soomaaliyeey kala doorta Safiir wadani ah iyo Safiir Dhiigyo cab ah.

    Wax kasta wey kala cad yihiin uma baahna in sharaxaad laga bixiyo, hase yeeshee mararka qaar ayaa danta kugu qasbeyso inaad runta ka hadashid. Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee dalalka shisheeye fadhiya magac Qaran wey wada hugsan yihiin haseyeeshee wey kala shaqo badan yihiin, nin walnbana wuxuu galay Soomaalida ayaa markhaati ka ah.

    Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Ambassador Maxamed Cali Ameeriko waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay Diblumaasiga ugu shaqada badan marka la eego diblumaasiyiinta Soomaalida ee fadhiya dalalka shisheeye.

    La isma barbar dhigo karo Danjire Ameeriko iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Daarusalaam Cabdixakiim Ugaas Cali, taasna Soomaalida wey og tahay.

    Danjire Cabdixakiim sumcad badan kuma laha taariikhda Soomaaliya tan iyo markii uu safiirka ka ahaa Liibiya ilaa iyo dalka Tansaaniya oo uu hada safiir ka yahay, cidna daah kama saarna sababta Liibiya looga soo eryay.

    Qofka Diblumaasiga waxay noloshiisa u dhamaatay markii uu Madaxweynaha dalka ka yahay safiirka haduu yiraahdo ninkani ma istaahilo, taasina waa mid ka mid ah waxyaabaha lagu magac dilo diblumaasiyiinta.

    Dowladdii Marxuum Qadaafi waxay si kooban u tiri “Danjire Cabdixakiim lama aamini karo” halkaas Cabdixakiim wuxuu kala yimid baal madow.

    Tansaaniya ayaa loo soo wareejiyay, durba waxaa soo baxday dhaliilo fara badan oo loo jeedinayo waxqabadkiisa.

    Ehelada dadka ku xeran Tansaaniya ee Soomaaliyeed waxay sheegaan in Cabdixakiim iibsado wiilashooda, yacnii markii qofkaa xerann yahay waxaa bixineysaa lacag si safiirka u soo deeyo qofkaa Soomaaliga ah..

    Sumcadii diblumaasiyadana halkaas ayey ku dhuntay, ma garan karo qofka noocaas ah, sababta Madaxweyne Shariif u rabo inuu u doorto Safiir.

    Anigoo aan ku daalin sheekadda Danjire Cabdixakiim, Madaxweyne Shariif ma isagaa soo xushay mise waa loo soo xulay?.

    Ambassador Maxamed Cali Ameerika kaalinta koowaad ayuu kaga jiraa Diblumaasiyiinta Soomaalida, laga soo bilaabo xeryaha Dhadhaab, Suuqa Islii ilaa iyo Kaakuma waxqabadkiisa daaq ma saarna, runtii waxaa la dhihi karaa, wuxuu noqday nin kartidiisa bannaanka la yimid, dadka Soomaalida aad ugu riyaaqsan yihiin waxqabadkiisa.

    Inta masaakiinta ah ee uu gacan qabtay iyo inta xabsiyada kasoo daayay xisaab ma lahan, tan iigu yaabka badneed waxay aheyd markii aan indhaheyga ku arkay Hooyo 75 sano jir ah oo ku ooyneyso farxada iyo duco ay u labalabeyneysay Ina Cali Ameeriko oo wiilkeeda xabsi uu ku xernaa sanad iyo bar si shuruud la’aan ah ugu soo deeyay.

    Caruurta Agoonta ah ee ku jirta Kaamamka Kenya wuxuu siiyay fursad waxbarasho, wuxuu noqday ninkii ugu horeeyay ee dowlad Soomaaliyeed ka socda oo kaamamkaasi ku booqday Soomaalida.

    Imisaa dalka gudahiisa wax looga qaban waayay oo caafimaad dibada ah u baahday Safiir Ameeriko gacan ka geystay, imasaa Nairobi ku rafaadsaneed oo gacan naxariis ah ka arkay Safiirka.

    Ma ahan wax la soo koobi karo waxqabadka Safiir Ameeriko, Dowladda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba wey u riyaaqsan yihiin sida wanaagsan ee waajibaadkiisa u gutay Safiirka.

    Ugu danbeyntii Safiir Ameeriko waxaan kula dardaarmayaa in howshiisa qaranimo inuu guto, Madaxweyne Shariifna inuu Danjire Ameeriko guddoonsiiyo bilada ugu qaalisan ee laga bixiyo dalkeena Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: