Amiin Arts oo weeraray Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Raxmaan Faroole “Daawo”

Daawo Kartoonka uu Amiin Arts ka sameeyay C/Raxmaan Faroole iyo wiilkiisa

Mar 07 2012 (Moment Media Group) – Iyadoo maal-mihii ugu dambeysay Madaxweynaha Maamulka Puntland lagu eedeynaayay, mid diyaar u ah inuu leexsado hantida ay wada-leedahay Ummada Soomaaliyeed, ayaa waxaa xilligaan si toos ah u weeraray Amin Arts.
Amiin Caamir oo ay Soomaalidu u taqaano Amin Arts, ayaa wuxuu xilligaan uu daaha ka qaaday in Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/Raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole” uu doonaayo, inuu iska dhuuqo hantida Ummada Soomaaliyeed.
Amiin Arts oo qalinka wax ku cabira, waxna ku cadeeya farshaxankiisa cajiibka ee Kartoonka, ayaa wuxuu muujiyay sida Madaxweyne Puntland iyo wiilkiiisa ay u doonayaan, inay iska maamushaan hantida ay wada lee-dahay Ummada Somaliyeed.
C/Raxmaan Faroole oo ku baaqay in muddo sanad ah dib loo-dhiggo doorashada Puntland, ayaa wuxuu Amiin Arts uu qalinkiisa uu ku xusay in Dr Faroole uu doonaayo in hal sano dib loo-dhiggo doorashada Puntland, oo sanadkaan la-fillaayo inay dhacdo.
C/Raxmaan Faroole ayaa wuxuu sharuud uu ku xiray in shidaalka laga qodaayo Dooxada Dharoor ee Gobolka Bari wax laga siiyo dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay haddii loo-baahan yahay in wax laga siiyo Soomaalida kale, in dalka Soomaaliya uu yeesho Dastuur cusub

Posted on March 7, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: