Hees Taageerada Turkiga Axmed Naaji 2012 – Xafiiska shirkada Turkish Airweys ee Muqdisho oo la furay iyo RW ku-xigeenka Turkiga iyo wafdigiisa oo dalkooda ku laabtay (DAAWO SAWIRADA)

Garoonka dayuuradaha caalamiga ah Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxa maanta lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu furayey xafiiska cusub e shirkada Turkish Airweys ay ku yeelaneyso magaalada Muqdisho taasoo maanta si rasmi ah u bilowday duulimaad caalami ah oo todobaadkiiba ay labo jeer ku iman doonto Muqdisho.

Munaasabadas ayaa waxaa ka qeyb galay raisul wasaare ku xigeenka Turkiga iyo wafdiga uu horkacayo oo ka koobnaa ilaa 100 xubnood, madaxweynaha dowlada KMG Somalia, madax kale oo ka tirsan xukuumada ururada bulshada iyo dad kale oo aad u fara badan waxaana munaasabadaas ay si aheyd mid xiise badan oo si weyn u soo jiidatay dadkii ka qeyb galay.
 


Waxaa goobtaas ka hadlay madaxa shirkada duulimaadka Turkish Airways Temal Kotil waxa uuna sheegay in duulimaadka maanta bilaabmay uu noqonayo kii 197 aad oo ay shirkaddaasi sameeyneyso, isagoo xusay in todobaadkiiba ay labo jeer safar ku iman doonaan magaaalada Muqdisho waxaana intaa ka dib hadlay Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bekir Bozdag oo sheegay in isbedel muuqda ay ka sameeyeen 6-dii bil ee la soo dhaafay Muqdisho isagoo in caawinaada ay u fidiyeen dadka tabaaleysan aysan aheyn mid siyaasadeed balseay tahay gar gaar walaalnimo, isagoo ka mahad celiyey sida diiran ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey caasimaga.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka Turkiga ayaa madaxweynaha Somalia ayaa xerada rajo ku tegay kumanaan qoysas barakacayaal ah oo ay gacanta ku heyso dowladda Turkiga waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay barakacayaashii xerada oo ruxayay calamada Turkiga iyo Soomaliya waxaana raisul wasaare xigeenka turkiga uu u kuur galay xaalada dadka ku jira xeradaas oo oo isbedel weyn uu ku dhacay noloshoodana ay soo wanaagsanaatay, isagoo dhagax dhigay masjid xeradaas ay ka hirgelineyso dowlada Turkiga, isagoo sidoo kale furay mashruuc biyo gelin ah oo loogu talo galay dadka xeradaas ku jira.

Shariif Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya oo isna ka hadlay munaasabadaas ayaa uga mahad celiyay dowlada Turkiga gacanta walaaltinimo ee ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyed isagoo sheegay in arintaani ay fursad weyn u tahay Soomaalida wuxuuna xusay ineysan abaalkaas weligood iloobi doonin umada Soomaaliyed.

Intaa ka dib raisul wasaare ku-xigeenka Turkiga iyo wafdigiisa ayaa ka duulay garoonka dayuuradaha Muqdisho iyagoo dib ugu laabtay dalkooda waxaana sii sagootoiyey madaxda dowlada KMG Somalia

waxaana safarka wafdigaasi uu saameyn ku yeeshay socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga ka dib markii ciidamo Boqolaal gaaraya la soo dhoobay kuwaasoo dib u celinayey gaadiidka iyo dadka isku dayayay iney isticmaalaan wadooyinkaas inkastoo duhurnimadii maanta dib loo furay.

MOGADISHU, Somalia – Turkish Airlines started flying into Somalia’s war-torn capital Tuesday, becoming the first international company to fly passenger planes into Mogadishu in more than 20 years.

Turkey’s Deputy Prime Minister Bekir Bozdag announced the development as he arrived in Mogadishu on the first Turkish national flag carrier flight from Turkey’s Ataturk airport.

“After 20 years of a lack of international flights to Europe, Asia and America, the Turkish government has facilitated for the Somalis to travel by Turkish Airlines to the world again,” Bozdag said. “Somalia will restore its lost international air lane again with the help of the Turkish government.”

Turkish Airlines is scheduled to fly to Mogadishu twice a week.

“We thank our Turkish brothers for the assistance and we receive it with an open heart” said Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

Civil war and insurgency have forced international airlines to shy away from flying into the Horn of Africa nation. Somalia has been without a functioning government since 1991.

Mogadishu has long been a battleground during Somalia’s civil war. But al-Shabab withdrew from most of its bases in August and recent pushes by the African Union and Somali troops have helped bring partial security to more of the city.

Posted on March 7, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: