Maxaa ka jira in dowladu ay dooneyso in ay xilka qaadis ku sameyso danjire Maxamed Cali Ameriko?

 

Maarso 09, 2012 (Moment Media Group) Waxaa soo baxay warar hoose oo sheegaya in dowlada Somalia ay qorsheyneyso xil ka qaadis ay ku sameyso danjiraha Somalia ufadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur Americo. Hadaba waxaa arintaasi ka hadlay xildhibaano ,Ganacsato,iyo odeyaasha dhaqanka ee hawiye kuwaas oo ka digay in labadalo Danjire Ameriko.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa wax la layaabo ku tilmaamay wararka isa soo taraya ee sheegaya in xil ka qaadis lagu sameyn rabo Danjire Max’ed Cali Ameeriko, isagoo ka digay in lagu deg dego arintaasi.

Xildhibaan Xuseen Caraalle Caddaan oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka KMG Soomaaliya ayaa dhinaciisa waxa uu shaaca ka qaaday in marnaba aan la aqbali doonin in xil ka qaadis lagu sameeyo danjire Max’ed Cali Ameeriko oo uu sheegay in xilkaasi uu ku hayo qaabka Soomaalida ay u qeybsatay awoodda dowladda KMG ah ee 4.5-ka, waxaana uu xusay inay horseedi karto in uu burbur ku yimaado dowladda KMG ah oo xilligeeda sii dhamaanayo.

Cali Max’ed Muuse (Cali Yare) oo ah gudoomiyaha guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee geeska Afrika ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay badalaad la sheegay in lagu sameyn rabo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko.

Xildhibaan Gaagaale “Sheikh Shariif awood umaleh in uu xilka ka qaado danjire Ameriko “

Sheekada la xiriirta in xilka laga qaadi doono danjiraha Somalia ujooga wadanka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameriko ayaa cirka isku sii sharereysa iyadoo dadka arintaas ka soo horjeedaahina ay soo badanayan .

Xildhibaan Cumar Maxamuud Gaagale oo ah mudane katirsan Baaralamanka Somalia ayaa ku eedeyay madaxweyne Shariif in uu doonaayo iun uu qas abuuro xili uu waqtigiisuna gababsi yahay

Waxaa uu sheegay in Ameriko uu yahay safiirka kaliya ah ee si sax ah ugutay waajibaadkii looga baahnaa aaney jirin cid xilka ka qaadis ku sameyn karta

Waxaa uu sheegay in madaxweynaha dowlada KMG ah uusan wax xil ah ka qaadi Karin Danjire Ameriko isagoo midaas usababeeyay in uu dhamaaday waqtigii Sheikh Shariif

Xil dhibaan Cumar Gaagaale ayaa qiray in Ameriko uu xilka ka qaadi karo oo kaliyah madaweynaha soo socda ee Somalia

Posted on March 9, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: