Xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya oo Buriyay Go’aankii Sh. Shariif Ku aqoonsaday kooxdii khaatumo

Maarso 09, 2012 (Moment Media Group) – Dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ayaa burisay wareegto uu Madaxweynaha dalkaasi Sh. Shariif Sh. Axmed laba maalmood ka hor ku shaaciyay inuu aqoonsaday maamul ku sheega khaatumo-seeg ee Cali Khaliif Galaydh. Wareegtadda Madaxweynaha dawladda xilkeedu gabaabsiga yahay ee TFG-da Soomaaliya, ayaa lagu sheegay inaanay waafaqsanayn dastuurka dalkaasi iyo xeerarka kale ee u yaala, sidaasi darteedna laga noqday go’aankaasi, waxaana sidaasi lagu sheegay wareegto maanta uu soo saaray ku simaha Raysal Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Beeraha iyo xanaanadda xoolaha Maxamed Maxamuud Ibraahim.

Waxa wareegtan lagu sheegay inaanay qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya aanu waafaqsanayn dawlad-goboleedyo cusub oo la sameeyo, waxaanay arrintani waji-gabax ku noqonaysaa Shariif Sh. Axmed oo ah siyaasi aan waayo aragnimo u lahayd dublamaasiyadda iyo dawladnimadda midnaba.

Wareegtadda Ku simaha Raysal wasaaruhu waxay u dhignayd sidan:-

Posted on March 9, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Sheekh Shariif oo maamul goboleed laga hoos sameeyay
    March 9, 2012 |
    Muqdisho Mar 09,2012(MMG)-Magaalada Muqdisho waxa maanta looga dhawaaqay maamul goboleed ay yeelanayaan gobolada Banadir iyo labada Shabeele.

    Madaxweynaha DFKMG ah Sheekh Shariif ayaa mudo dhawr sano ah ishortaag ku sameynayay maamulkan.

    Isku day ay sameeyeen masuuliyiinta ku hawlanaa aasaaska maamulkan Ex-Banadir ayaa waxa si toosa isku hortaagay Sheekh Shariif.

    Sheekh Shariif ayaa garwaaqsan in maamulkani uu si toosa u wiiqayo rabitaankiisa siyaasadeed.

    Maamulka cusub ayaa waxa madaxweyne loogu doortay Md Maxamed Cabdiraxmaan Cali.

    Dadka reer Muqdisho ayaa u arkayay in nidaamka maamul goboladeedyada lo o aasaasay sidii awooda siyaasadeed loogu wiiqi lahaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: