Daawo+Sawiro:Xafladii maamuka khaatumo ee magaalada Moqdisho

Maarso 10, 2012 – Munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweeynayay aqoonsiga ay maamulka khaatumo ay ka haleen dawlada Dhexe ee Somaliya ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Saxafi ee Muqdisho.
Munaasabadan oo ay soo qabanqaabiyeen qeybaha bulshada ee ka soo jeeda deegaannada uu ka arimyo maamulka qaatuma isla markaana si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay xildhibaanno, Odayaal, iyo xubno kale oo ka socday ururada Bulshada.


Xafladdaasi oo lagu qabtay Hotelka Saxafi ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso gabayo iyo suugaan kala duwan oo ka tarjumeysa taageerada ay bulshada deegaannadaasi u hayaan maamulka cusub ee Khaatumo oo dhawaan lagu dhawaaqay, waxaana halkaasi ka hadlay xubno kala duwan oo ka socday qeybaha bulshada kuwaas oo dareenkooda ku cabirayay taageerada ay u hayaan maamulkaasi.
Xildhibaan C/llaahi Geedi Shadoor oo ka mid ah mudanaaysha baalmanka oo halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyay maamulkaasi isagoo ku dhiirigeliyay maamulkaasi in uu si wanaagsan u guto howlaha ay bulshadu uga fadhido.
Madaxweynaha maamulka khaatumo C/nuur Cilmi Qaaji ayaa ugu horreyn ka mahadceliyay munaasabad lagu soo dhaweeynayay isaga iyo xubnaha la socday ee ka tirsan maamulkaasi isagoo sharaxaad ka bixiyay qaabkii uu ku yimid dhismaha maamulkaasi, waxuuna ballan qaaday in maamulku uu dabooli doono baahidii keentay in la dhiso isagoo ka codsaday qeybaha bulshada in ay taageeraan maamulkaasi.

Posted on March 10, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: