WAA CEEB IYO FADEEXAD IN MASUULIYIIN QARANKA KA TIRSANI KU LUG YEESHAAN DHACA MUCAAWINOOYINKII MASAAKIINTEENA LOO KEENAY

March 10, 2012 Waxay ahayd usbuuc ka hor markii Xaafada Xero Awr lagu soo rogay gawaadhi raashin mucaawino ah oo lagaga iibinayay dadka degan Xaafadaas, inkasta oo dadka qaarkii ka gadoodeen oo ay xaaraan ku tilmaameen in la iibsado raashinkaas ay ku dul qoran tahay waa mucaawino ee lama iibsan karo. Waxa dhacday in maalin ka dib raashin kale oo aad u badan  lagu roogay Bakhaaro ku yaal Suuqa Idacaada iyada markii shacabku ka warheleen ay ka gadoodeen in la dhaco mucaawiino ilaahay Dartii ay ugu soo caawiyeen dadkeena baahan ganacsato Carab ah oo ka damqaday faqrida iyo baahida haysata Umadeena, halka kuwii xilka u hayay ee ay ahayd inay caawimo dadkooda baahan u raadiyaan ayaa iyagii ka dhacaya. Raashinkaasi masaankiinta loogu talo galay waa cadaab ay cunayaan cida dhacda iyo cida ka iibsataaba ee ogi.

Dadkeenu ha iska jiraan wixii raashin ah ee ay u maleeyaan in mucaawiino uu yahay inayna iibsan oo ay ku takooraan cida iibinaysa. Ceebtaas iyo fadeexadaas cid kasta oo ku lug leh waa in Sharciga la mariyaa xilkuu doono ha hayee. Hadii kale waxay noqonaysaa inay Xukumadeenu noqoto Tuug u gargaar. Madaxweyne u quus goo cidkasta oo ay ku cadaato fadeexadaasi, yaanay ka tirsanaan Xukumadaada hadii kale waxay keenaysaa in dhaca iyo boobka mucaawinooyinka loogu talo galay dadkeena baahani inay sii socoto. Hadii maanta abaari dhacdo waa ayo cida ku soo dhiiranaysa inay umadeena caawiso oo ay gacan siiso intii Ilaahay ka sokoysa.

Khayr qabayaashii soo diray mucaawinadani hadii ay maqlaan waa la dhacay, dib danbe u soo dirin maayaan mucaawiino danbe, waxaynu astaan u noqonaynaa dadkii maatidooda dhacayay halkii ay ahayd inay uga naxariistaan. Ilaahay ceebteena ha asturo, kuwaas falkaas ku kacayaana ilaahay ha soo hadeeyo oo xalaasha iyo xaaraanta ha kala tuso.

Posted on March 10, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: