Beesha Ajuuraan oo wax laga Xumaado ku Tilmaantay Isticmaalka Magaca Aala Sheekh…

March 11, 2012 (Moment Media) – Beelweynta Ajuuraan ayaa sheegtay inay cambaareynayso isticmaalka qaar ka mid ah ururada Soomaalida ay u isticmaaleen magaca Aala Sheekh ururadooda, kaas oo ay sida ay yiraahdeen magaca ay iska leedahay jufo beeshooda.
Afhayeen u hadlay beesha Ajuuraan oo lagu magacaabo Sheekh Maxamuud Aala-Sheekh ayaa sheegay in magaca Aala Sheekh la yiraahdo mid ka mid ah beelweynta Ajuuraan, wuxuuna intaasi ku daray in magac beeleed aan loo isticmaali Karin urur diimeed iyo mid kale intaba, wuxuuna sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed uu u cadeynayo in beesha Aala Sheikh ay tahay jufo ka mid ah beesha Ajuuraan.


“Anigoo ah afhayeenka beesha Aala Sheekh kana mid ah beelweynta Ajuuraan waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u sheego in magaca Aala Sheekh uu yahay laf ka mid ah beesha Ajuuraan, waana lafta reer Boqor, waxaana na soo gaaray maalmihii ugu dambeeyay hadalo tilmaamaya in magaca Aala Sheekh ay la baxeen urur diimeeyo, taas oo aan la yaabnay” ayuu yiri Sheekh Maxamuud Aala-Sheekh.
“Haddaba waxaan si kulul u cambaareynaynaa Mahiga iyo urur diimeedka la baxay magaca beesheena ee Aala Sheekh, kuwaas oo si ka duwan midkii beesha u isticmaalay magaca, isla markaasna ku xadgudbay beeshii laheyd magacan, in kooxo ay la magacbaxaan magacyo beeleed waxay xadgudub ku tahay xeerka Soomaalida” ayuu yiri Sheekh Maxamuud Aala-Sheekh.

Posted on March 11, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: