Mahiga oo Beeniyey Warar uu Dhowaan Sheegay oo Dareen Weyn Kiciyey

March 10, 2012 – Muqdisho (Moment Media) – Wakiilka Gaarka ah ee xogyaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya  Agustine Mahiga ayaa ka hadlay hadal uu dhawaan siiyay Shabakadda Somalireport kaa oo ku saabsanaa in xarunta Madaxtooyada aay inqilaabn ku qabsadeen koox uu ugu yeeray Aala Sheekh oo taabacsan madaxweynaha DKMG ah Shariif Sheekh Axmed.

War lagu qoray bogga wararka UN-ka ayuu ku sheegay Mahiga inuu ka xun yahay in qaar ka mid ah wareysigaas si xun loo turjumay oo laga dhigay in uu Islaamka iyo Diinta neceb yahay.

Wuxuu tilmaamay inay waajib tahay in la sheego isla markaana la cabsi geliyo, kooxo uu ugu yeeray in ay  qas ka wadaan  Soomaaliya ee aan dooneyn nabadda.
Warkan ka soo baxay Danjire Mahiga ayaa sidoo kale lagu yiri  Looma Eegi doon  koox, shaqsi, kaalinta ay siyaasadda kaga jiraan ama urur diimeedka ay u nasab sheegtaan, sidaa dareedeed waa in la iska qabtaa”
Mahiga waxa uu ka dhawaajiyay inuu ka walaacsan yahay kooxo doonaya inay xagal daaciyaan qorshaha nabadda ee Soomaaliya, isla markaana gadaal ka riixaya in la kordhiyo waqtiga ku meel gaarka ee dowladda, si ay u hor istaagaan in la helo dowladda loo wada dhan yahay oo ka dhalata mirihii shirkii Garowe.
Danjire Mahiga ayaa ku celceliyay in uu ka xun yahay  si khalad ah loo fahmo hadaladiisa isagoo sheegay inuu u jeeday muujinta khatar ay wadaan kooxo gaar ah oo sku dhex qarinaya siyaasadda.
Wuxuu ujeedkeyga ahaa  inaan tusmeeyo khataraha ka iman kara in koox gaar ah ay awooda dalka gacanta ku dhigto  ayuu hadalkiisa ku daray Augustine Mahiga.
Waxuu ugu baaqay Beesha caalamka inay iyana u soo guuraan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, si buu yiri ay gacan uga geystaan horumarinta hanaanka nabadda iyo dib u dhiska dalka.
Ugu Dambeyn Danjire Mahiga ayaa sheegay in Soomaaliya weli ay la daalaa dhaceyso mushkiladda ka taagan Baarlamanka KNG dhexdiisa kuwaasoo uu ku eedeeyey inay hor istaageen hawlihii aasaasiga ahaa ee xildhibaanada baarlamaanka.  Wuxuuna sheegay in Soomaaliya aysan ku jirin ismari waa balse loo baahan in meel looga soo wada jeesto dhibaatooyinka jira.
Waxa uu sheegay inay tahay markii ugu horeysay, muddo lix todbaad ah oo uu qoraal noocan oo kale ah ka soo saaro xafiiskiisa UNPOS ee magaalada Muqdisho oo uu dhawaan u soo guuray.
Hadalkiisa ayaa waxa uu yimid ka dib markii dhawaan Madaxweynaha DKMG ah Soomaaiya Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in Danjire Mahiga ay ka dhacday Marada ka dib markii uu weeraray kooxda Aala Sheekh oo u badan taageerayaasha madaxweynaha iyo rag hore uga tirsanaa Maxkamadihii Islaamka.
Wareysiga uu bixiyey Mahiga bishii la soo dhaafay ayuu sidoo kale ku weeraray mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya oo uu ku sifeeyey qas wadayaal iyadoo raysul wasaarihii hore ee DKMNG ah Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku eedeeyey inuu gadaal ka riixayo khilaafka baarlamaanka ka dhex taagan.

Posted on March 11, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: