Dastuurka qabyo-qoraalka ah oo looga dooday Muqdisho

Maarso 12, 2012 (Moment Media Group) – Kulan muddo saddex maalmood socday oo looga doodayay qobyo-qoraalka dastuurka la-tashiga dadweynaha ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb galeen 60 xubnood oo ka kala socday 11-ka gobol ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Kulanka waxaa soo qaban-qaabisay hay’adda maxalliga ah ee ka qeyb qaatayaasha aan dowliga ahayn ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo magaceeda loo soo gaabiyo SOSCENSA.Agaasimaha fulinta ee hay’adda SOSCENSA, Xasan Axmed Sadiiq oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa warbaahinta u sheegay in muddadii uu socday kulanka ay waxgaradkii ka qeyb galay ra’yigooda ku biiriyeen qabyo-qoraalka dastuurka.Xasan Axmed Sadiiq wuxuu sheegay in ujeeddada kulanka ay ahayd in waxgaradka iyo aqoonyahanka gobollada lagala tashado dastuurka qabyada ah iyo sidii loo gaarsiin lahaa gobollada.Maqaaladda La Xiriira:Dastuurka qabyo-qoraalka ah oo la dhammeystirayo AprilGuddi caawiya qabyo qoraalka dastuurka oo la magacaabayXuquuqda haweenka uu siinayo qabyo qoraalka dastuurka

Posted on March 12, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: