Somaliland oo u jawaabtay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland”Top News”

 

Maarso 12, 2012 (Moment Media Group) – Wasiirka arrimaha dibedda Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadlay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, oo sheegay inaan maamulkiisu oggolaan doonin wadahadal dhexmara Soomaaliya iyo Somaliland oo aanay Puntland qayb ka ahayn, ka dib markii Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed sheegay inuu magacaabayo Guddi ka shaqaysa wadahadalka labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in wadahadal dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya uu yahay go’aan caalamiya oo shirkii London ka soo baxay, isla markaana Somaliland iyo Soomaaliya-ba ay soo dhaweeyeen, diyaar-na u yihiin inay ka wadahadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed. “Horta waxaanu aad u soo dhaweynaynaa go’aamadii ka soo baxay shirkii London ee ahaa inay Somaliland iyo Somaliya wada hadal yeeshaan mustaqbalka dhaw,waxaana dhamaaday wakhtigii midowga Somaliya iyo Somaliland ee lixdankii, Puntland-na waa maamul Goboleed hoos taga Somaliya Somaliland-na cid ay la hadlaysaa waxa weeyaan dawlada TFG-da ee Somaliya ee maaha Puntland, markaa puntland waxba kama khuseeyaan wada hadalka oo waa maamul hoos taga dawlada TGF-da.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadu Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar Wasiirka waxa uu hadalkiisii ku sii daray oo yidhi; “Dhinaca kale ee hadalkan soo baxay ee Somaliland waxay markay ugu haboonaato waxay la hadlaysaa Soomaaliya oo dawlad Soomaaliyeed oo Soomaaliya oo dhan ka masuul ah shacabkeedana ku fadhida, waxaanu aamisanahay in Gobalka Puntland uu ka mid yahay Soomaaliya markaa waxa arrintan wata dawlada dhexe ee Soomaaliya ama ta immika jirta ama sida  go’aanka ugu qoran ta mustaqbalka la filaayo bisha Auguest wixii ka danbeeya markaa wada hadalka na dhexmarayaa qolodaas ayuu na dhexmarayaa, waxaanu ka wada hadlaynaa danaha shacabka Somaliland iyo Soomaaliya oo ah midawgii barigii hore na dhexmaray Caalamkuna uu taas nagugarab gaalo uu nala faadhiyo oo hawshaas uu nagala shaqeeyo ayaa lagu hishiiyey aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynay.” Wasiirka arrimaha dibeddu waxa uu sheegay in uu goboladda bariga ay ka jiraan arrimo u bahaan xal. “Qaar ka mida gob;lada bariga Somaliland oo ay ka jiraan arrimo xal u baahan, arrimahaasi waa arrimo khaas u ah shacabka iyo dawlada Somaliland maaha arrin gobol-kale ama cid kale u taala waa arrin khaas u ah Somaliland.” “Somaliland-na waxay arrintaas ka leedahay qorshe siyaasaddeed oo ballaadhan waxaana noo wada socda wadahadalo runtii meel wanaagsan qaarkood  marayaan oo waxa ka mida hawlaha qaranka u socda ka mida oo si wanaagsan loogu guulaystay, kuwa noo hadhayna waxaanu aad iyo aad ugu rajo waynahay anagoo sidii dhaqanka iyo wadahadalka iyo wada shaqaynta Somaliland ay ku caano maashay marayna inaanu ku guulaysano ayaanu rajenaynaa, arrin cid kale khusaysa maaha waa arrin Somaliland khusaysa.Waxaanu jecelnahay dalalka jaarka aanu nahay inay tixgaliyaan Somaliland dalkeeda iyo shacabkeeda waxa u gaara.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadu waxa uu sheegay inay beesha caalamku ay sheegtay in Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dawladdood oo waddahadali kara mustaqbalka“Horta arrintaani waa arrin ku cusub oo ku soo biirtay saaxada siyaasadda geeska markii ugu horaysay beesha caalamku waxay si habdhac leh u muujisay in Somaliland iyo Soomaaliya ay kala yihiin laba dawladood oo kala gaara oo beesha caalamku ay diyaar u tahay inay ku taageerto inay ka wadahadlaan mustaqbalkooda siyaasaddeed markaa arrintaasi waa arrin uu caalamku uu soo dhaweeyay.”

Posted on March 12, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: