Mahiiga: Waxaa caddaatay in hanaanka kalaguurku uusan ahayn mid dad gaar ah u xiran

As-Salaamu Calaykum.

9 Maarso 2012 – In ku dhow lix toddobaad ayaa ka soo wareegtay tan iyo markii aan idiin soo qoray  waraaqdii iigu dambeysay, anigoo markaa uun u soo guuray magaalada Muqdisho. Waxaan u  degay caasimadda si aan ugu dhowaado maalin walbana ula xiriiro dadka iyo madaxda  Soomaaliyeed ee aan wada shaqeyno, taasina waxay nagu kaalmeynaysaa inaan “ka soo  kabano waqtigii naga lumay.” Waxaan welina ku sii dhiirrigelinayaa xubnaha kale ee  bulshada caalamka inay halkan nagu soo biiraan iyagoon daahin si ay u muujiyaan hawsha ay  ka hayaan Soomaaliya, ayna goobta u joogaan si ay kaalmo uga geystaan horumarinta geeddisocodka nabadda.   

Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa dhacay dhacdooyin aad u waaweyn. Dalku weli  wuxuu ku jiraa qalalaase baarlamaan oo xayiray xitaa hawlihii ugu darnaa ee asaasiga ahaa ee  sharcidejiyeyaasha (xildhibaanada). Baarlamaanku ma marin karo sharci cusub mana qaban  karo hawlihii caadiga ahaa. Soomaaliya sinaba kuma awooddo inay ku jirto ismariwaagan  iyadoo ay marayso marxaladan xasaasiga ah ee taariikhdeeda. Loolan awoodeedkan hadda  socda ma aha keliya inuu khatar ku yahay inuu weeciyo guulihii waaweynaa ee ay dhinacyada  Soomaaliyeed ee ay arrintu khuseyso iyo saaxiibadooduba ay si aad u dhib badan ku gaareen,  weliba wuxuu la hayste ahaan u haystaa hawlo muhim ah oo ka mid ah geeddi-socodka, sida  ansaxinta Qorshaha Qaran ee Amniga iyo Xasilinta. Aniga waxaan dadaalkayga ku soo  xoogga ku saarayaa inaan la hadlo dhinacyada is haya si aan u baadigoobno waddo looga  baxo qalalaasahan loona xaqiijiyo in ay xildhibaanadu shaqadooda ku soo noqdaan iyagoo  eegaya danta Soomaalya.

Full News:unpos.unmissions.org 

Posted on March 13, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: