RW hore Farmaajo : Ayaa sheegay inuu dhaliilsan yahay in beelaha Abgaal iyo Majeerteen iyaga oo kaliya ay dhaxal u helaan labada jago ee dalka ugu sareysa

14.03.2012 – Dhageyso Riix : Madaxweyne Shariif oo farmaajo ku tufay “Ninka ragaa maaha inuu luuqyada ka xantamo, shilin ma wadan”  

15.03.2012 – Farmaajo:”Taangi AMISOM leedahay ayaa lagu joogaa Muqdisho cid danbe oo kursi dhaxal u leh majiri doonto” Ra’iisal wasaarahii hore ee soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay si dhab ah uga hadalay fikirkiisa ku aadan Siyaasada Soomaliya iyo waxa uu ka damacsanyahay mustaqbalkiisa dhow.


Mudane Farmaajo oo muddooyinkaan danbe safaro casuumaad ah ku kala bixinayay jaaliyadha Soomaaliyeed uu ku dhawqan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ayaa warbixino faafaasan ka siinayay xaalada uu dalka ku sugan yahay,isagoo dhaleeceyna usoo jediyay ergiga arimaha Soomaaliya ee qaramada midoobay Mahiga.

Sidoo kale Mudane Farmaajo ayaa sheegay in kursiga si qaldan looga qaaday balse waxa uu sheegay inuu ka horimaankaray tilaabadaas tanaasulna u sameeyay ummada Soomaaliyed.

Dhinaca kale dad ku dhowdhow Ra’iisal wasaarahii hore ee soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay inuu dhaliilsan yahay in beelaha Abgaal iyo Majeerteen iyaga oo kaliya ay dhaxal u helaan labada jago ee dalka ugu sareysa, waxuuna Farmaajo ku baaqay in beelaha kale ay jiifka ka toosaan.

Mar farmaajo wax laga waydiiyey fikirkiisa in dalka lagu dhaqo nidaamka Fadaaliisimka ayuu waxa uu sheegay Farmaajo in qolooyin cadow ku ah shacanba Soomaaliyeed iyo beelo gaar ah ay dabada ka riixayaan fikirkaan lagu kala qodqodayo ummada Soomaaliyed.

Farmaajo ayaa dhica kale ku faanay inuu isaga masuul ka ahaa in xafiiska qaramada midoobay muqdsho u soo guuraan,balse garwaaqsaday in uu fikirkaas wanaagsan uu ku kasbaday cadowtimo uga timid qaar kamid ah beesha caalamka.

“Taangi AMISOM leedahay ayaa lagu joogaa Muqdisho cid danbe oo kursi dhaxal u leh majiri doonto”Ayuu yiri Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaSoomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo qalbiga iyo shacuubta ummada soomaaliyeed soo jiitay, ayaa waxa uu dhawaan shaaciyey in uu quudinayo inuu isku soo sharaxo jagada madaxwynenimo ee dalka Soomaaliya.

Dhageyso Madaxweyne Shariif oo farmaajo ku tufay “Ninka ragaa maaha inuu luuqyada ka xantamo, shilin ma wadan” 14.03.12 Riix

Posted on March 15, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: