Xildhibaano kulan ku yeeshay Nairobi oo digniin soo saaray

Image

Mar 15 2012 – Waxaa sii kordhaya qeyla dhaanta ka imaaneysa Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka, Waxgaradka, Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada ka soo jeeda magaalada Muqdisho oo ay uga horjeesteen xil ka qaadis lagu sameeyo safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya Ambassador Maxamed Cali Ameeriko.

Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya waxaa kulan ku yeeshay in ka badan 80-Mudane oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka KMG ah, iyagoona ka wadahadlay xil ka qaadis la sheegay in Madaxweyne Shariif uu la damacsan yahay Ambassador Maxamed Cali Ameeriko, iyagoona isku waafaqay inay si wadajir ah arrintaasi uga horjeestaan.

Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Wehliye (Waqaa) oo Gudoomiye u ah guddiga Xildhibaanada siyaasadda Hawiye isla markaana shir guddoominayay kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa shir jaraa’id oo uu warbaahinta u qabtay kaddib kulanka Mudanayaasha Baarlamaanka waxa uu sheegay go’aanadii ka soo baxay kulankooda.

“Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ay maanta ku yeesheen magaalada Nairobi waxay ku go’aansadeen inay ka horjeestaan xil ka qaadista safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya Ambassador Maxamed Cali Ameeriko” ayuu yiri Xildhibaan Waqaa oo sheegay in xilka ka qaadista mas’uulkaasi uu yahay mid dano gaar ah laga leeyahay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee kulanka ku yeeshay magaalada Nairobi waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Xildhibaan Luul Maxamed Sheekh, Xildhibaan Canab, Xildhibaan Waqaa, Xildhibaan Maxamuud Salaad Nuur, Xildhibaan Cusmaan Faalko, iyo Mudanayaal kale, waxaana sidoo kale kulankaasi ka qeyb galay siyaasiyiin iyo Saraakiil ka soo jeeda beelaha Hawiye oo Muqdisho degan uuna ka mid yahay Gen. Maxamed Nuur Galaal, aqoonyahano iyo shaqsiyaad caan ah.

“Madaxweyne Shariif haddii uu xilka ka qaado Ambassador Maxamed Cali Ameeriko isagana xilkiisa ayuu ku weynayaa” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Wehliye (Waqaa) oo sheegay inay guddi u saareen arrintaasi si buu yiri Madaxweyne Shariif culeys ugu saaraan inuu dib uga laabto isku daygiisa xil ka qaadista ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulanka ku yeeshay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa sheegay inay isku raaceen haddii la taabto Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya Maxamed Cali Ameeriko isla markaana xilka laga qaado ay iyana qaadayaan tallaabooyin la mid ah iyagoo caddeeyay inay Golaha hordhayaan mooshin kalsoonida loogala noqonayo Madaxweyne Shariif.

“Waa xadgudub lagu sameynaayo sharafta, karaamada iyo midnimada beelaha Hawiye xilka ka qaadista Maxamed Cali Ameeriko” ayuu yiri Xildhibaan Waqaa oo ka dhawaajiyay in wax aad looga xumaado ay tahay safiirada wadamada Sacuudiga, Qadar iyo Imaaraadka Carabta in lala kulmo, safiirkeeniina Madaxweynuhu ku soo rogo xayiraad ee uu amar ku bixiyo inaan lala kulmi karin Safiirka Soomaaliya, taasi oo uu sheegay inay si weyn uga dhiidhinayaan isla markaana haddii la isku dayo xil ka qaadista Ambassador Ameriko inay ka dhalaneyso cawaaqib laga shallaayo.

Dhinaca kale Ambassador Maxamed Cali Ameeriko oo ah Safiirka hormuudka u ah safiirada Dowladda KMG ah u fadhiya wadamada caalamka ayaa lagu xusuustaa inuu ku caan baxay u doodida shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan wadanka Kenya, una istaagay sidii gargaar iyo daryeel dhinac waliba ah ku heli lahaayeen kumanaanka ruux ee ka tallaabay xuduuda Soomaaliya iyo Kenya kuna sugan xeryaha gobolka W/Bari Kenya, dhaqdhaqaaqyo kale oo safiirku ku dhiirigelinayo ardayda Soomaalida ku xeryaha qaxootiga wadankaasi iyo waliba door lixaad leh oo uu ka qaatay adkeynta xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, gaar iskaashiga dhinacyada ammaanka, siyaasadda, ganacsiga iyo horumarinta labada wadan ee deriska ah.

Posted on March 15, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: