Xil M/Xassan “Faroole waxaa isaga qaldan farqiga u dhexeeya Garoowe Iyo Muqdisho, waana inuu ogaadaa in Soomaalidu tahay ul Iyo diirkeed aan kala maarmin” Dhageeso

16.03.2012 (Moment Media Group) – Xildhibaan Max’ed Sheekh Xassan oo ka mid ah baarlamaanka federaalka ayaa sheegay in tiro ka badan 150 xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan ay u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka eedeymo ka dhan ah madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, oo lagu eedeeyey xadgudub ka dhan ah dastuurka, isagoo isticmaalay awood ka badan tii dastuurku u ogolaanayey maamulkiisa, wuxuuna xildhibaanku sheegay in Faroole dhegta loogu sheegay in aysan jirin cid ka xigta madaxweynenimada Soomaaliya taasina ay sababtay inuu ka tago caqligii wanaagsanaa, si u u burburiyo dowladda federaalkana maalinba maalinta ka dambeysa ay ka soo yeerayaan hadalo xanaf leh, ilaa uu gaaray inuu yiraa dowladdu wax heshiis ah ma geli karto iyadoo Puntland aaney goob joog ka aheyn taasoo la macno ah in dowladda Soomaaliya oo Soomaaliyoo dhan ay wada dhisteen in wax kasta oo ay qabaneyso ay kala tashato qabiilka Majeerteen-ka la yiraa, haddii ay taasi dhacdana waxaa imaaneysa in qabiiladda kale ay iyaguna dalbadaan in lagala tashado shaqo kasta oo ay dowladdu qabaneyso, xittaa haddii dowladdu ay dun & cirbad is gelineyso waa in ay la tashataa qabiil hebel, taasoo sharaf dhac ku ah dowladnimada, sida uu yiri Xildhibaan Max’ed Xassan.

Xildhibaan Max’ed Xassan wuxuu sheegay in ay jirto rajo wanaagsan oo yididiilo gelineysa shacabka Soomaaliyeed & cid kasta oo samaha jecel, wuxuuna xusay in xalka wadanku ku jiro in Soomaalidu dhexdooda gartaan danaha ka dhexeeya, ayna is ogolaadaan, iyaga oo aanan qabiil isku liidin, wax kastana ka hormariya danta guud.

“Dadka Soomaalida ah waa in ay ogaadaan in ay wada dhasheen oo aanu jirin qabiil qabiil ka fadli badan, wadanku waa nagu filan yahay, kheyraadkiisana waa naga badan yahay, ummad aan isku dhaqan, diin & luqad aheyn baa u arkay in dantoodu ku jirto in ay wada noolaadaan, sharcigana wada ilaashadaan, maxaa ka qaldan ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Xildhibaan Max’ed Xassan, wuxuuna intaa ku daray in xalka Soomaalidu aanu ku jirin shir dibedda lagu qabto ee uu ku jiro in odayaasha dhaqanka & samadoonadu in ay geed hoostii isugu tagaan kana wada hadlaan sidii ay dadkooda u walaaleyn lahaayeen.

‘Soomaaliya in ay ceel ku dhacdo, kana soo bixi weyso waxaa sabab u ah kuwii dadka ugu liitay ayaa madax looga dhigay, taasoo la mid ah geel caloosha laga raray” ayuu yiri Max’ed Xassan, wuxuuna intaa ku daray in ay lagama maarmaan tahay in kuwa caafimaadka qaba ay ummadda badbaadiyaan.

“Faroole maanta haddii-ba loogu bishaareyn lahaa inuu Janadda galayo wuxuu ka jeclaan lahaa taa bedelkeeda in loo sheego in Muqdisho lagu dhammaaday, oo ay dagaalo & colaado ka socdaan, taasina waa tan uu mar walba ku hadaaqo, waana inuu fahmaa in xalkiisa ku jiro inuu ogaadaa in dadka Muqdisho ay ula mid noqdaan kuwa Garoowe, anigoo weliba fahamsan in aysan jirin naxariis gaar ah oo uu u hayo kuwa dad u xiga balse ujeedadiisu ay tahay sidii uu kursigaa ku heli lahaa, waxaana muhiim ah in qof kasta oo Soomaali madax ka noqonayo in uu lahaadaa taariikh dhinaca naxariista ah” ayuu yiri Max’ed Xassan, wuxuuna intaa ku daray in hogaamiyaha keliya ee uu maanta u qiri lahaa inuu leeyahay sifada naxariista & wadaninimada inuu yahay Farmaajo.

Posted on March 16, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: