Haweenka Dalka Sacuudi Carabiya oo markii ugu horeysay Taariiqda loo ogolaaday inay iibiyaan dukaamada(Daawo Muuqaal ahaan)

18.03.2012 (Moment Media Group) – Haweenka dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxaa la sheegay inay markii ugu horeysay taariiqda dalkaas loo ogolaaday inay iibiyaan dukaamada dalkaas Sacuudiga gaar ahaana dukaamada lagu iibiyo dharka haweenka, iyadoona ay arintaas soo dhaweeyeen haween aad iyo aad u fara badan oo u dhashay dalkaas Sacuudiga.

Haweenka u dhashay dalkaas Sacuudi Carabiya ayaa waxaa la sheegay in markii ugu horeysay la arkay ama ay ka soo muuqdeen dukaamada dalkaas ayagoona iibinaayo dukaamadaas arintaas oo ah mid gebi ahaanba ku cusub dalkaas Sacuudiga maadaama aan horey loogu ogoleyn haweenka dalkaas inay iibiyaan dukaamada ama ay qabtaan shaqooyin kale, haweenka dalkaas Sacuudiga oo loo fasaxay iminka inay iibiyaan ama ay kalkaaliyaan iibinta dukaamada lagu gado dharka haweenka ee ay ka mid yihiin sida kastuumooyinka ama nigisyada haweenka iyo lanjeriyada dumarka ayaa waxay arintaan timid dadaal dheer oo ay galeen haweenka dalkaas oo mudo dheer kacabanaayey inay adag tahay in qof rag ah ama nin ay ka iibsadaan dhar noocaas oo kale ah taas oo keentay inay haweenku ay hada shaqadaas qabtaan, iyadoona ay arintaas soo dhaweeyeen haween badan oo u dhashay dalkaas kuna tilmaameen arin wanaagsan oo u suuro galineyso haweenka dalkaas inay si aan xishood ku jirin u gataan dharka noocaas oo kale ah.

Ugu dambeyntiina iyadoo sanadihii ugu danbeeyey ay haweenka dalkaas Sacuudi Carabiya ugu jireen isbadel in lagu sameeyo sharciga haweenka ee dalkaas Islamarkaana codsanaayey codsiyo ay ugu weyneyd in loo fasaxo inay wadan karaan baabuurta ayaa waxaa sidoo kale uu sanadkii hore boqorka dalkaas Sacuudigu King Abdullah uu u fasaxay haweenka Sacuudigu inay isu soo sharaxi karaan doorashooyinka dowladaha hoose ee dalkaas Sacuudiga, Sharcigaan cusub ee u fasaxay haweenka dalkaas iibinta dukaamada oo ay dad badan ku tilmaameen talaabo horey loo qaaday ayaa waxaan la ogeyn inay xigi doonto iyo in kale in haweenka Sacuudiga loo fasaxo wadida baabuurta arintaas oo ah mid ay si weyn u jeclaan lahaayeen qaar badan oo ka mid ah dumarka dalkaas Sacuudi Carabiya.

Moment Media Group

Posted on March 18, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: