“Dadkii Sameeyey Ururkii Xornimo Doonka Soomaalieed ee SYL waa dambiilayaal ” Qaylo Dhaab kasoo Yeertay Hadalkaas!!!

  • Waa Halgankii SYL
  • Hadba Waxaan la ooyaayoo Ilmadu iiga qubanayso
    Ikhtiyaar nin loo Diiday oo La addoonsadaan ahaye
  • Somaaliyeey Toosa toosoo isku tiirsada
    hadba Kiina Taagdaran Taageera Waligiin 

18-03-2012 ( Moment Media Group) – Dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadaba ku Nool Ayaa Shabakadda Warbaahinta (Moment Media Group) Soo gaarsiiyay Dhanbaalo oo ay Sheegeen in yaab iyo amakaag iyo wax maskaxda ka weyn tahay in aqoonyahan Soomaali ah sheegay Ama ku tilmaamay halgamayaashii xornimada dalka Soomaaliya ee SYL kuwo aan waxba qaban oo waliba ah dad dambiilayaal dalkana u horseeday dhibaatada heysata maanta.

Sanad Guuradii 68aad ee Halgankii xisbigii S.Y.L 15 May 1943

Aqoonyahan Soomaali ah sheegay Ama ku tilmaamay halgamayaashii xornimada dalka Soomaaliya ee SYL kuwo aan waxba qaban oo waliba ah dad dambiilayaal dalkana u horseeday dhibaatada heysata maanta.

                     

  • Waa Halgankii SYL
  • Hadba Waxaan la ooyaayoo Ilmadu iiga qubanayso
    Ikhtiyaar nin loo Diiday oo La addoonsadaan ahaye
  • Somaaliyeey Toosa toosoo isku tiirsada
    hadba Kiina Taagdaran Taageera Waligiin 

Waxaa ii faraxad ah in marka hore aan hambalyo iyo boogaadin ba halkaani uga dirayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan, waasannad guuradii 68aad ee ka soo wareegta xisbigii gobanima doonka ahaa ee S.Y. L 15 May 1943,  Waxaan xusid mudan oo aan mar na la ilaabi Karin in dadweyne fara badan u soo halgamay oo naftoodda qaaliga ah u soo huray xornimadda oo aan maannta haysano iyo calanka sharafta leh oo muujinayaa haybadda iyo sharafta Qaranimada dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaa xusid mudan Halgame Allaha u naxariistee Xasan Cabdi Camalow (Xasan Giyaajo) .Wuxuu ku biiray  ururkii SYL sannadkii  1943 oo ah markii dhidhibadda loo dhigay.

 Magaca Giyaajo wuxuu ugu baxday  asaga oo wadi jiray gari barafka loogu qaado oo lagu geeyo guryaha iyo maqaayadaha Talyaaniga. Habeenkii  wuxuu gariga shaqada ku qaadi jiray xubnaha ka tirsan SYL si ay shirarkooda qarsoodi uga qabsadaan bacdama aan habeenkii loo ogolaan jiriin inay dadku shiraan.

Xaaji Xasan wuxuu ka mid ahaa halgamaaasha SYL waxaan ilaahay ugu baryeenaa inuu u naxriisto inta ruux ee ku shahiiday oo naftoodda u soo huray xornimadda aynu maanta haysano, inta nool na waxaanu Eebbe ugu rajayneynaa in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, waxaana ilaahaya ka baryeenaa in ummadda soomaaliyeed quluubtooddii isku soo dumo oo dhibatadda ku habsatay Eebbe ka qaado, si loo gaaro midnimo iyo horumar. 

Waa sannad guuradii 68aad xisbigii S.Y.L. ee koonfurta soomaaliyeed iyo SNL ee waqooyi soomaaliyeed halgankooddii oo barbar socday halganka SYL, waa maalin weyn, waa na maalin aan la ilaabi Karin oo ku taala laabyadda shacabka soomaaliyeed . Inta aan la aasaasin xisbigii gobanimadoonka ahaa ee SYL waxaa la sameeyey urur ay ku kulmaan dhallinyaradda oo la magac baxay SYC( Somali Youth Club ) oo ahaa urur aan siyaasi ahayn, maxaa yeelay gumeysigii ingiriiska markaasi dalka ka talinaayey mar na ma oggaleyn in ay kulmaan dhallin yaradda iyo wax garadka soomaaliyeed .

Ururka SYC muddo ka dib wuxuu noqday urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L waxaa na dhidhibadda loo dhigay taariikhda marka ay ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13 ah , kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga , iyaga oo aad u diidanaa siyaasadda gumeysiga oo ahayd qaybi oo xukun, dhallinyaraddaasi daacada u ah dalkooda iyo dadkooda ba waxay si weyn xil isaga saareen sidii shacabka soomaaliyeed xornimo loo gaarsiin lahaa. ugu dambeyntiina ilaahayna ku garab galay in ay dalka ka saaraan gumeysiga. Ururkaani baaqiisu wuxuu ahaa Axyaa waddani , soomaaliyeey toosooy iyo qabiil qaran ma dhiso iyo kuwa kale oo xambarsan qiiro wadaninimo, kuwaaso qiiro ficil ah ku abuuri jirtay dadweynaha soomaaliyeed waddaniyadda qiimahay ay leedahay iyo gumeysi naceeb.

Dhallinyaradaasi waxay kala yihiin :-

  • 1-Yaasiin Xaaji Cusmaa 
  • 2- Cabdulqaadir Sheekh Saqaawaddiin
  • 3-Xaaji Maxamed Xuseen
  • 4-Daahir Xaaji Cusmaan
  • 5-Maxamed Cali Nuur
  • 6-Maxamed Cusmaan Baarbe
  • 7-Khaliif Huudow Macallin
  • 8-Sayiddiin Xersi Nuur
  • 9-Cusmaan Geeddi Raage
  • 10-Dheere Xaaji Dheere
  • 11-Cali Xasan Maslax
  • 12-Xaaji Maxamed Cabdulle Xayeesi
  • 13-Maxamed Faarax Hilowle

Ururka SYL durbadii ba wuxuu ku talaabsaday guulo waa weyn oo ay ka mid yihiin inuu kasbado kalsoonidda dadweynaha soomaaliyeed , ka dib markii uu u soo bandhigay dastuurkii uu ku hogaamin lahaa shacabka soomaaliyeed, dastuurkaasi oo ku xusay in la helo soomaali weyn oo xor ah .

Dastuurka xisbiga waxaa ugu waa weyn oo ka mid ahaa in diinta islaamka dalka lagu hogaamiyo, in la radiyo midnimadda ummadda soomaaliyeed, in la cirib tiro dhaqamadda xun xun oo ay ka mid yihiim qabiilka iyo qabyaaladda iyo is quursiga , in la horumariyo aqoonta, hidaha iyo dhaqanka suuban iyo in la qoro afka soomaaliyeed, sidaasi darted xisbigu waxaa u suurta gashay in si fudud ujeedooyinkiisa u gaarsiyo gobollada dalka oo idil , sidaasi darted xisbiga SYL waxaa u suurta gashay in uu xafiisyo ka furo gobolada dalka taasoo kordhisay caraddii gumeysiga uu u qabay shacabka soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan sannadkii 17/08/1946kii odayaashii SNL oo ay ka mid yihiin Suldan Mohamud Shire, Suldaan Ali Muse , Suldaan Mohamed Faarax iyo Suldaan Hersi Abdillahi in ay warqad u qoreen Colonail Office , Downing street London S.WI waxay dawladda ingriisa ay ka codsadeen in soomaali mideysan uu gaarsiiyo xornimo maadaama uu ingriisa ganta ku hayo, Somaliland territory, Somali South Territor,Somali West Territory , Somali NFD territory.

Waxayna ka codsandeen Colonial Office in qaybta France uu gumeysta oo ah Djabouti inuu ingriiska gorgortan la galo dawlada france sidii loo helo soomaali weyn, waxayna qoraalkooddii ku cadeeyeen in aysan marna raali ka noqon doonin in soomaali la qayb qaybiyo.

Odayaasha waqooyi iyaga oo ka sahqeynaaya mideynta soomaaliya waxay markii ay taariikh ahayd 17/07/1947kii ay warqad kale u qoreyn {The war Office – London}, maadaama ummaada soomaaliyeed 5 qayb loo qaybiyey :- British, Fraance, Italia iyo Ethiopian waxay ingriiska ay ka codsadeen in la mideeyo ummadda soomaaliyeed sidii loo helo somaali weyn “Pansomalisim”. 

Waxaa xusid muddan munaasabaddii sannad guuraddii 5aad ee aasaaskii ururka SYL , waxaa ka soo qayb galay wafuudii kormeerka ku kala soo bixiyey goboladdii 5ta soomaaliyeed ahayd , ujeeddada ugu weyn kormeerkaasi wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn , lana wacyi geliyo dadweynaha soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ba, sidii loo helo midnimo soomaaliyeed si loo tuso wafuuddii ka imaaneysi United Nations. 

Haddii aan tusaale ahaan u soo qaato kormeerkaasi waxa hogaaminaayey :-

  1.  Mudane Maxamed Ahmed Ottavio 
  2.  Mudane Axmed Allore 
  3.  Mudane Ladane 

Mudanayaal kale oo aan xusus ku soo koobi karin balse , taariikhda ummaadda soomaaliyeed xusi doonto haddii ilaahay raali ka noqdo , Waxaa kale oo xusid muddan in aan halkaani ka sheego dhallinyaraddii ka tirsaneyd Somali Signal Squadro oo door weyn ka qaatay in ay kormeerayaasha ku guuleystaan kormeerkoodda maxaa yeelay meel alla meeshii ay cagata dhigaanba waxaa taar ka hormari jiray dhallinyaradaasi Somali Signal Squardro, kuwaasoo ay ka mid ahaa :-

 Cabdiraxmaan Alfaas

  1.  Cabdisaaq Xaaji Xuseen 
  2.  Cabdi Adan 
  3.  Cali Xirsi Jano gale
  4.   Saajin:Cabdullah Xuseen 
  5.   Saalax Xuseen
  6.  Omar Xuseen

Dhallinyaraddii ku kala baahsaneyd goboladda soomaaliyeed oo idil, si ay u barayrujiyaan dadweynaha ku nool gobaladaasi isla markasina ay ku wacyi geliyaan waddaniyadda iyo midnimadda shacabka soomaaliyeed, dhallinyaradaasoo gacan weyn ka geystay inuu najaxo kormeerka wafuudda SYL ay ku maraayeen 5ta soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa :-

  1.  Maxamed Raaji Maxamed
  2.  Cali Food
  3.  Axmed Qamac
  4.   Xeero Xaaji 
  5.  Ibraahim Baalay 
  6.   Dheere Maxamed Shariif
  7.  Xasan Colow
  8.  Cabdulqadir Qararac
  9.  Adan Tasame
  10.  Xuseen Ramadaan 

Kuwa kale oo aan halkani xusuus aan ku soo koobi Karin maxaa yeelay dhallinyaraddu aad iyo aad ayay u badnaayeen, guusha ugu weyn uu kormeerkaasi laga gaaray waxay ahayd kalsoonida iyo mideynta ummadda soomaaliyeed .koormeerayaashii waxay caddeeyeen in ummadda soomaaliyeed meel kastaba ha joogeen ay diyaar u yihiin midnimada ummadda soomaaliyeed, waxay xuseen dhibaatooyinka hortaag halganka gobannimo doonka soomaaliyeed ay tahay qabiil iyo qabyaaladda oo ku abuurtay mujtamaca soomaaliyeed is naceeb iyo kala qaybsanaan .

Dhallinyaraddii horseedka xisbiga waxaa ka mid ahaa:- 

  1.  Adan Carte
  2.  Adan Gurey 
  3.   Warsame Jooglaqe
  4.   Osman Galay 
  5.  Maxamed Gaagaale 
  6.  Cabdikariim Beerweyne
  7.   Warsame Joqof 
  8.   Abuu Raas

kuwa kale oo aan xasuusanin oo door weyn ka qaatay la dagaalanka qabyaaladda , kuwaasoo fahmay in qabiilku caqabad uu ku yahay halganka ummadda soomaaliyeed .Waxayna guul la taaban karo ay ka gaareen in ay soo af jaraan colaaddii dhex taalay walaalaha soomaaliyeed . 

Waxaan la ilaabi Karin doorkii gabdhaha soomaaliyeed oo xiligaasi la oraqn jiray Sisters door weyn ayay ka soo qaateen halgankii xornimadda, kuwaasoo naf iyo maalba u huray sidii loo gaari lahaa xornimo, waxaa kamid ahaa Xaawo Osman Taako oo lagu dilay albaabka Leegadda hortiisa iyo Timiro Cukaash oo ay ku dhashay xabsiga gumeysiga dhexdiisa iyo kuwa kale oo aan xasuus ku soo koobi karin. 

Gabdhahaasi waxaa ka mid ahaa::-

  1.  Xalima Kulmiye Xamar 
  2.  Xalima Soofe Xamar 
  3.  Xaawi Osman Taako Xamar
  4.  Raaxo Ayaanle Xamar
  5.  Faduma Xaashi Baydhaba 
  6.  Timiro Cukaash Kismaayo

Munaasabaadaasi oo lagu xusaayey sanad guuraddii 5aad waxaa heeso wadani ah ka soo jeediyey Abwaankii weynaa Qasim Hilowle (Iskiifo) , heesahaasi oo shacuur wadanimo ku abuurtay dhamaan shacbiga soomaaliyeed oo ka soo qayb galay munaasabaddaasi.

Waxaa mudadaasi dalka ku sugnaa wakiilo ka socda afartii dawwladood oo ku guuleystay dagaalkii 2aad ee Adduunka oo kala ah Ingriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Mareykanka , kana wakiil ahaa United Nation, kuwaaso odorasaayey in dadweyna soomaaliyeed ay u bisil yihiin hanashadda xoriyada.

Guddigaasi afarta ah waxay bilaabeen in ay dhegeystaan fikraddahii iyo warbixinadii xisbigii SYL iyo Axsaabtii tiradda badaneyd ee dalka ka jiray :-

  1.  Somali Youth League (S.Y.L)
  2.  Hamar Youth Club (HYC)
  3.   Patriotic Beneficient Union
  4.   The Arab Community 
  5.  The War Veterans 
  6.  The Somali Young …. Qabiil ku magacdarsaday 
  7.  Hindaitul Islam 
  8.   Comitato Rappresentativo Italiano 

Ururka la magac baxay patriotic Benefiecient Union ay isku bahaysteen 7 urur oo yar yar oo lagu tiriyo in ay gacan saar la leeyihiin talyaaniga (Pro-Italia) , kuwaaso dhamaan ka soo horjeedday iraadii shacabka soomaaliyeed oo ahaa in la gaaro xornimo, iyaga oo ku andacoonaayey in ay shacabka soomaaliyeed maanta diyaar u ahayn in xornimo la gaarsiiyo loona baahan yahay in muddo 30 sannadood in lagu jiro gacanta Talyaaniga .

Guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa United Nation taariikhda markii ay ahayd 20/01/1948 la kulmeen Guddigii matalaayey xisbigii SYL oo warbixintiisa xambarsaneyd himilooyinkii iyo rabitaankii shacabka soomaaliyeed. 

  1. Guddigaasi wuxuu ka koobnaa :-
  2.   Mudane Xaaji Maxamed Xuseen – Guddoomiye 
  3.  Mudane Cabdullahi Ciise Moxamud – Xoghaye 
  4.   Mudane Maxamed Ahmed – Xubin 
  5.   Mudane Xaaji Faarax Cali – Xubin
  6.   Mudane Sharif Maxamed C/raman – Xubin
  7.   Mudane Xaaji Bashiir Ismaciil – Xubin 

Muddane Cabdullahi Ciise Maxamoud oo ka wakiil ah xubnaha SYL , guddiga United Nations ka hortiisa ka soo jeediyey warbixintii xisbiga SYL ,warbixintaas oo lagu codsanayey United Nations ka in si deg deg ah oo aan shuruud lahayn ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo madaxbanaanideedda iyo in inta himiladaasi laga gaarayo afarta dowladood oo xoogga waaweyni ay si wadajir u maamulaan dalka , iyagoo ka wakiil ah United Nations .

Waxaa kale oo xusid muddan xisbigii Hamar Youth Club (HYC) oo ay isku mabaadii ahaayeen xisbigii SYL oo ay ka wada sinaayeen in shacabka soomaaliyeed la gaarsiiyo xornimo taam ah , xisbiga HYC hogaamiyaashiisu na waxay is bar bar taageen halganka gobanimadoonka ah , waxaana warbixintiisa halkaasi ka soo jeediyey Muddane : Maxamed Abukar Abooke . 

Waxaan guddiga Hamar Youth Club ka koobnaa :-

  1.  Mudane Xaaji Muxyadiin Xaaji Cali – Guddoomiye
  2.   Mudane Sheekh Cumar Xaaji Yusur – Xoghaye
  3.  Mudane Aweys Dheere Diinle – Xubin
  4.   Mudane Dheere Xaaji Dheere – Xubin
  5.   Mudane Maxamed Abukar Abooke – Xubin
  6.   Mudane Axmed Shariif Cali Fakhradiin – Xubin

Guddigii 4ta dawladood markii ay dhageysteen warbixinaddii kala duwanaa ee ay ka kala soo jeediyeen axsaabtii dalka ka jirtay kuwaasoo u kala qaybsanayeen xaga fikirka , kuwa xornimadood ah iyo kuwa ka soo hor jeedda oo mucaarid ah , hase yeeshee guddigii markii uu arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii SYL iyo SNL , iyo wakiiladdii ka socoday Somali galbeed , NFD iyo Djabouti ee xiligaasi ku sugnaa Muqdisho , kuwaasoo taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo, waxaa guddigaasi u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixitoodi na ay ku ayideen in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .

Si wada jir ah xisibiyadda SYL (south) iyo SNL(North) waxay u gudbiyeen fikraddooda oo ku sabsaneyd rabitaanka ummadda soomaaliyeed in ay hesho xornimo taam ah. Qoraalkaasi waxaa U.Nation ka u gudbiyey Muddan Maxamoud Jaamac Uurdoox oo qoraalkiisa ku cadeeyey in 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in ay helaan soomaali mideydsan oo xor ah . Isla markaasina waxay 4ta dawladdood ka codsandeen in ummadda soomaaliyeed in ay gaarsiyaan xornimo taam ah muddo 10 sannaddood ,taasoo ujeeddadeedu ahayd in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawlada dhalan doonta 

Ujeeddooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn oo mideysan hase yeeshee dhibatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in Ingariiska gacanta loo geliyo soomaaliya, taaso dawladda ingriiska ka careesisay. United Nation ka waxay go’aansadeen in koonfurta soomaaliya gacanta loo geliyo dawladda talyaaniga muddo 10 sannadood ah lagu gaarsiyo xornimo., iyadoo xisbigii SYL aad iyo aad uga soo horjeeday in mar kale talyaaniga gacanta loo geliyo konfurta soomaaliya hase yeeshee qorshaha SYL wuxuu ahaa in 4 dawlad waa weyn in ay maamulaan arrimaha soomaaliya. 

United Nation waxay soomaaliya u soo direen 4 dawladdood oo kala ah Egypt,Liberia, Philipin iyo Colombia si ay u kontoroolaan maamulka talyaaniga sannad walbana ay u gubiyaan warbintoodda United Nationka . Runtii mirihii ay beereen dhallinayraddii nafta u huray dalkoodda iyo dadkoodda waxaa la gurtay June 26, 1960kii iyo July 1, 1960kii maalintii xornimada iyo mideynta labad gobol Waqooyi iyo Koonfur. 

Shacabka soomaaliyeed waxaaan kula dardaarmayaa in u soo jeestaan horumarka dalkoodda oo ay iska ilaabaan wixii horay u dhacay oo xumaan ah oo la is cafiyo isla markaasi na ay soo af jaraan colaadda iyo kala go’a maanta dalka ka jira, hal hayskoodina uu noqdo AXYAA WADANI, QABIIL QARAN MA DHISO , runtii waddaniyadda ayaa lagu gaari kara horumar iyo midnimo ummadda soomaaliyeed , loogana bixi karaa dhibaatooyinka maanta dalka ka jira, looma baahana qarnigaani 21ka ah in qabiil iyo qabyaalad wax lagu qaybsado taa soo maanta ka muuqata hab dhismeedka barlamaanka dawladda ay ku dhisan tahay hab qabiil oo lagu soo xulay cadaalada daro iyo dulmi , balse waxba waxay dhaamaan sidaasi darted dawladda maanta jirta in la taageero si ay u gudato waajibaadda ay ummadda u hayso in kastoo ay cadaalad daro ku dhisan tahay , waxaana loo baahan yahay in dawladda fursad iyo waqti ba la siiyo sidii ay hawsheeda u gudan lahayd haddii ba ay wax qaban karto . 

Waxaana kula talin lahaa in ay soo afjaraan khilaafka iyo is maandhaafka madaxda sare ee dawladda , maxaa yeelay shacabka soomaaliyeed oo maanta ku kala dhibaataysan guddaha iyo dibadda ba waxay idinka filaayaan in aad wax u qabtaan, mucaaradka hubeysana waxaan kula tali lahaa in ay badbaadiyaan oo aysan baneysanin dhiiga ummadda soomaaliyeed isla markaasina ay ka qayb qaataan horumarinta iyo dhismaha dalka si loo badbaadiyo shacabka soomaaliyeed oo ku dacdareysan meel kasta , sidaasi ayay ku soo noqon kartaa haybaddii qaranimo iyo magacii soomaaliyeed uu lahaan jiray iyo nabadgalyaddii dalka lagu yaqaanay , waxaan dhallinyaradda manta jirta ugu baaqayaa in ay dalkoodda wax u qabtaan, kana samata bixiyaan musiibadda maanta ku habstay shacabka soomaaliyeed.

Waxaan ummadda soomaaliyeed u rajaynayaa in sannadkaani sannadka xiga ay ku gaaraan guul horumar leh iyo barwaaqo .

——————————————————

Dadkii Sameeyey Ururkii Xornimo Doonka Soomaalieed ee SYL waa dambiilayaal ” Qaylo Dhaab kasoo Yeertay Hadalkaas!!!

Dr. Maxamuud Xasan Raage oo ah aqoon yahan ku nool dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa uu dad badan oo Soomaali ah uu kaga yaabsaday hadal ka soo yeeray oo ku aadanaa in dhalinyaradii ururkii SYL oo ahaa xisbi siyaasad kii ugu horeeyey abid ee dalka Soomaaliya oo ah dad ay umada Soomaaliyeed oo dhan ay waligeed u aqoonsaneyd inay yihiin dadkii furaha u ahaa xornimada ay harsanayaan inay yihiin dad dambiilayaal ah oo isku direy umada islamarkaana ka masuul ah dhibaatada heysata umada Soomaaliyeed maanta, Hadalka ninkaan aqoon yahanka ah oo run ahaantii ay ku wareereen dadka Soomaaliyeed maadaama uusan sharax buuxa oo la fahmi karo uusan ka bixin sababta uu dadkaas ugu tilmaamay dambiilayaal ayaa waxaa loo fasiran karey inuu ula jeeday in dadkii aasaasay ururkaas badankiisa aysan u dhalan gobolka banaadir oo ayna qalad ahayd inay halkaas ka aasaasaan urur noocaas oo kale ah iyadoona ay u muuqato arintaas in xorinimadii Soomaaliya ay aqoonyahankaas kala weyn tahay qabiilka iyadoona la dhihi karo inuu aqoon yahaynkaasi uu iloobey in xilliga laga hadlaayo ay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliduba ay ka duwanaayeen caqli iyo faker iyo maskax ahaanba kan jira maanta.

Weriyhii barnaamijkaas daadihinaayey Cabdulqaadir Nadaara oo ay u cuntami waysay waxa uu ku hadlaayo Dr ayaa waxaa uu ku yiri Dittore hada ka fiirso hadalkaaga aqoonyahan baad tahay taariiqduna way ku qoreysaa laakiin aqoonyahankaas ayaa ku adkeystay hadalkaas oo ku cel celiyeyna waa dambiilayaal dadkaas asagoona taas sabab uga dhigay inaan lagala tashan arintaas dadka degaanka oo uu ula jeedo dhabcan qabiilka degaankaas dega

Sidoo kale Ing Aba Awoow Suufi oo ah madaxweynaha maamulka Banaadir State oo kala qeyb galaayey doodaas aqooyahanka oo asaguna yaab iyo amakaag ku noqtey hadalada Dr ayaa waxaa uu ku jawaabay hadey arintaas halkaas mareyso nagu kala ka xeeya meesha.

Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii ay hadaladaas aan wali la ogeyn meesha ay u siocdeen iyo ujeedada uu ka lahaa Dr ka maadaama uusan sharaxaad buuxda oo la fahmi karo uusan ka bixin ayaa waxay arintaan noqoneysaa mid meel ka dhac weyn ku ah dhamaan umada Soomaaliyeed iyo waliba dadkii maalkooda iyo naftooda iyo maskaxdoodaba u hurey oo ku bixiyey halgankii gumeys la dirirka iyadoona aad arkeyso inuu qabiilkii gaarey meel aan ka soo noqosho lahayn maadaama lagu dabaqay taariiqda Soomaaliya oo ah meeshii ugu dambeysay ee uu dadka Soomaaliyeed la gaaro qabiilka

Sidoo kale waxaa nasiiib daro ah in aqoonyahanadii Soomaaliyeed oo la filaayey inay dadka Soomaaliyeed ee ku kala fogaadey qabiilka ay isku soo dhaweeyaan inay u hadlaan sidaas oo kale ayagoo ka cabir qaadanaayo qabiil oo aan dhamaanteen og nahay inuu yahay waxa dalka iyo dadka Soomaaliyeed sidaas u galay oo meeshaas dhigay maanta.

BENADIR STATE

Benadir  (Moment Media Group) – According to reliable historical evidence, th Benadir region had been in existance long before Christopher Columbus in 1492 discovered America and is not as some people believe that it began to exist only with the Italian occupation at the beginning of the last centuary. It’s worth mentioning that in this respect the name”Benadir” itself must have a particular significance for the Banaadir community as do the names of other regions. When in 1332 Ibn Battuta paid a visit to the city of Mogadisho, he found it entirely inhabitated by Banaadiri community and described it as a flourishing city in East Africa. All these presuppose that the old region is their original homeland notwithstanding the outragious assertions of the new comers who think that they should not rightfully be regarded as Somali citizens.Yet, it’s officially recognized that population of Somalia consists of three main ethnic groups: Somalis, Bantu, and Banaadiri.

Until 1950, the Benadir region was a vast territory that lies between “Warskhiikh” a place distants some 180 km North-East of Mogadisho and Ras Kamboni on the border with Kenya. From the coastal side emerged the old cities of Mogadsho (the capital), of Marka, of Brava, of Kisimaio, and the ralated islands while the agricultural side there were all the fertile lands laid between the 2 rivers Jubba and Shabeli populated by people who had many things in common including the culture. I am not not exaggerating if I say that, in general, all the people of Southern regions had similar culture based on certain practices and attitudes which together virtually excluded the idea that a member of the society could kill another, or steal another.

The Map of the Benadir region was completely changed and its inhabitants became a minority group in their own region in the very different circumstances of the Post-in-pendence period in Somalia because of the prevailing Government policy that encouraged the people of arid lands of the Northern regions to settle in the fertile land of Southern regions, especially in the fertile lands of Benadir region. Indeed, years of overwhelming migration and later years of invasion during the course of the civil war led to the occupation of a substantial portion of its vast territory. No wonder, now what remaining of Benadir region is only the city of Mogadisho and surrounding area. Poor the Banaadiri community!!

With respect to the expected political change, I could say that the concept of the Federal Government at National level along with Autonomous States at local level to be established throughout the National territory, remains an accepted objective for a Federal Republic in the near future and for a real change.The proclamation on the issue has created among the people certain expectations about the actions of both the TFG and the TFP which have a commitment to providing equal opportunity for all regardless of their ethnic background. Nevertheless,until now only the people of the Northern regions have been granted the opportunity to decide for the future of their regions which already turned into States while the people of the Southern regions are deprived of such a opportunity. What is the criteria for selecting the Autonomous States? It’s most likely that some regions have an advantage over others to meet the criteria in question as some ethnic groups had over others in the context of the power sharing.

The idea of Federal system in Somalia was originally conceived by Ustad Osman a native fellow of the district of Afgoi in the Lawer Shabeli region when the existing 6 regions (Mijurtinia, Mudug, Hiiran, Upper Jubba, Lower Jubba, and Benadir) were still at their first stage of formation. The late Ustad Osman was concerned about the migration which affected in general the life of the people of Southern regions; but a strong opposition meant to nulify the efforts made bythis activist, apparently, from motives of expedient selfinterest. That is all.

 (Moment Media Group)

BENADIR STATE

Qabiil Qaran  Ma Dhiso

Benadirland or Lalaland: A Myth or a Reality

In recent days the Somali media has been reporting on an ongoing secret meeting in Nairobi, Kenya to discuss the formation of a Banadir regional state known as Benadirland. As you can see in the picture below, the meeting’s participants are all from a single Somali clan who as reported is planning to announce soon the formation of a state that extends it is border from Harardheere to Barawe district in the Southern Somalia. Most of the individuals in the picture are failed former politicians of the last twenty years. It seems that this is part of the Somali insanity that always pushes for controversial and polarized agendas. It is also related to a re-invention and renewal process that some failed Somali politicians go through, when excluded from the political process.

These failed ex-politicians are engaged in a parallel process that will undermine the current TFG who with help of the international community is trying hard to outlast from unending attacks of unyielding opposition groups. This infantile political move is nothing new, but is the reminiscent of the political game of then powerful Mogadishu warlords of the 2005 (now defunct by circumstances), who started a parallel process with the government of Abdullahi Yusuf by calling for the formation of a regional administration for the Banadir region.

Indeed the current meeting in Nairobi is more of an emotional project that these failed politicians are trying to gain support from members of their own clan who seem to be tired of their continuous deception. It is an attempt to mobilize clan members from the fatigue of political nonsense that has transpired their lives for the last 20 years.

As most ill-intended Somali project, it started with the exclusion of the Benadiri and Lower Shabelle clans, who exceed in number from the very same clan that is meeting secretly. Ironically the group will expect their decision to be welcomed by those who they never cared to include in the consultation process. This whole process is offensive to the dignity of the people who call home Mogadishu up to Barawe district in the south of the republic. Lack of consultation and representation is nothing new to the natives of the southern Somalia. Just look at the current cabinet members of the TFG. There is one single cabinet member who is representing Banadir, Lower Shabelle, Middle and Lower Juba with a population of over more than 1 million.

The formation of the Benadirland is a very sensitive and emotional issue and if feasible it requires full support from all stakeholders. The failed politics of the USC is the major reason to why Somalia is a failed state today. It is beyond any logical imagination to see the same mind that was used to destroy Somalia could be recycled and expect to fetch a better result. People in the south of Somalia are traumatized and deserve a better solution than a plot ideated by a former prime minister, Mr. Ali Ghedi, who we all witnessed his poor political skills. I have had higher hopes for him as he represented a new generation of politicians, but his short-lived years in the office proved me very wrong.

Individuals who are pushing for the formation of the Benadirland state ought to accept that peaceful participation of all the stakeholders is the only way to deal with an important issue of this dimension to make it more tangible. A well organized and civilized debate should be organized and people’s participation should be encouraged. The process should be transparent and must weigh all the pros and cons and at the end the public must have a say to accept or reject before any decision can be made. A decision should never be allowed to be made by the very few individuals who are holding the country hostage.

The ongoing political process should allow people to choose between a regional autonomy and federal states. If federal states are deemed to be the solution for Somalia, a more realistic option will be: Lower Shabelle, Lower Juba and Middle Juba will form their own regional state (the Riverland) as the natives of these three regions have lived in peace and intermingled with each other for several centauries. Bay, Bakool and Gedo would form Southwest land and the central land state that is currently pushed by Mr. Ahmed Abdisalam would be another state and leaving Mogadishu as the capital for Somalia. These are realistic and practical options and if implemented could bring peace and stability in the country.

But how come I have a nagging suspicion that this is the same old-same-old game of the charter clans of Somali jostling over which clan will have an exclusive claim to have the right to milk the Lower Shabelle, and Juba COW. This Benadirland initiative is not different. It is often said that the definition of insanity is doing the same thing over and over again and always expecting different results.

Halkaan Ka Akhri:

https://i1.wp.com/cache.daylife.com/imageserve/05Q7g3Gdyagjk/340x.jpg

These failed ex-politicians are engaged in a parallel process that will undermine the current TFG who with help of the international community is trying hard to outlast from unending attacks of unyielding opposition groups. This infantile political move is nothing new, but is the reminiscent of the political game of then powerful Mogadishu warlords of the 2005 (now defunct by circumstances), who started a parallel process with the government of Abdullahi Yusuf by calling for the formation of a regional administration for the Banadir region.Indeed the current meeting in Nairobi is more of an emotional project that these failed politicians are trying to gain support from members of their own clan who seem to be tired of their continuous deception. It is an attempt to mobilize clan members from the fatigue of political nonsense that has transpired their lives for the last 20 years.

http://africorruption.wordpress.com/2011/02/17/benadirland-or-lalaland-a-myth-or-a-reality-2/

(Moment Media Group)

Posted on March 19, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: