‏Madoobe Nuunow “Awood uma laha Shariif Xasan inuu maamulo u dhiso Bay iyo Bakool, wasaarad howshaas qaabilsan ayaa jirta”

24.03.2012 – Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo ah mid ka mid ah labada gudoomiye ee baarlamanka Somalia oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray umada Soomaaliyed iyo qoyskii eheladii uu ka geeriyooday marxuum ALLAHA u naxariistee Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo ahaa madaxweynihii hore ee dowlada KMG Somalia.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, kan xildhibaanada Baarlamank waxaan u tacsiyadeyneynaa dhaman Qoyskii, Eheladii iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka wada geeriyooday Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ku geeriyooday Dalka Imaaraadka Carabta” ayuu yiri Madoobe Nuunow oo Alle uga baryey marxuumka inuu janadii ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaa uu sheegay madoobe Nuunow in C/llaahi Yuusuf uu ahaa nin ay in muddo ah masraxa siyaasada ku soo wada jireen soona wada shaqeeyeen oo wadani ah, jeclaana inuu dalkiisa ka saaro dhibaatada isla markaana muujiyey ayuu yiri sida uu u jecel yahay in dalku uu ka baxo nidaamka fowdada, loona guuro nidaam dowladnimo oo dhameystiran, isagoo ku dheeraaday taariikhda halgankii uu arimahaas u soo galay laga soo bilaabo tan iyo intii u hogaanka u qabtay jabhadii SSDF ee ka mid ah jabhadihii la dagaalamay xukuumadii milateriga aheyd ilaa uu ka noqday madaxweynaha DKMG Somalia.

“Dhinaca kale Madoobe Nuunow ayaa ka hadlay safar magaalada Baydhabo ay ku tageen xubno uu hogaaminayo Shariif Xasan Shiikh Aadan oo xildhibaano fara badan ay ka qaadeen xilka hase ahaatee beesha caalamka iyo madaxda kale ee DKMG ah ay diideen, wuxuuna xusay in Shariif Xasan uu magaalada Baydhabo ka wado qorsheyaal uu ku doonayo inuu maamulo uga sameeyo gobolada Bay iyo Bakool taasoo uu sheegay iney qalad tahay.

“Shariif Xasan waa xildhibaan ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka, gudoomiye baarlamanaana maaha xil kalena ma haayo, waxaa yaab leh nin aan wax xil ah heynin inuu faragasho howlo aan isaga quseynin, waxayna ka mid tahay waxyaabiihii xilka looga qaaday, maamul u sameynta gobolada waxaa qaabilsan wasaarada arimaha gudaha oo wada tashi ka yeelaneysa bulshada goboladaas ku dhaqan” ayuu intaa ku daray Xildhibaan Madoobe Nuunow.

Dhowaan ayey aheyd markii Shariif Xasan iyo wafdi uu hogaaminayey oo isugu jiray wasiiro iyo xildhibaano ka badan 40-xubnood ay tageen magaalada Baydhabo iyagoo halkaas kulamo kula yeeshay saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG. “Baydhabo maalmo ayaan joogeynaa, waxaana ka dhisayaa deegaanadan maamul hoose oo saddex bilood heynaya xilka, ka dibna dadka ayaa dooranaya maamul rasmi ah oo ay goboladan Bay bakool yeeshaan” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu madax ka noqonayo maamul goboleed halkaasi laga dhisayo.

Posted on March 24, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: