Gen. Samantar: Faroole maalin kuma darsan karo waxii ka dhaca deegaanka reerka iskaga ayaa ka masuul ah

/2012/03/24/ – Wasiirkii hore ee wasaaradda amniga Puntland haddana ah musharax u taagan xilka madaxtinimada ee Puntland oo maanta gaarey magaalada Qardho ayaa shir uu Saxaafadda u qabtay waxyar kadib markii uu degmadaas tegey kaga hadlay arimo badan.

Wuxuuna ku dheeraaday arimo uu kamid yahay Dastuurka cusub ee Puntland ee 15-ka bisha soo socota ee April ay ergooyinka koobni ansixin doonaan, isagoo sheegay in Dastuurkaasi uu yahay mid aan la aqbali Karin, rabitaanka shacabkana aan ka turjumeyn.

Cabdilaahi Siciid waxa uu ka tacsiyeeyey geerida madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahaana asaasihii dowladda Puntland Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo xalay ku geeriyoodey dalka Imaaraadka carabta kadib markii uu in mudo ah xanuunsanaa.

Gen. Samatar waxa kale oo uu digniin culus u diray madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole isagoo sheegay in uu maray wado aan ahayn tii uu ku dhaartay in uu Puntalnd ku hagi doono markii uu xilka qabtay.

Si gaar ah wuxuu usoo hadal qaaday mudada sanadka ay ee ay xukuumadda Faroole xilka ku kororsatay isagoo tilmaamay in taasi ay tahay mid dadka Puntland aysan aqbali doonin islamarkaana dhibaato horseedi doonta

“Hal maalin kuma darsan kartid… hal maalin, hadii aad ku darsatidna waan u sheegayaa Isimada, waan u sheegayaa dadweynaha, waxan u sheegayaa indheer garadka, wixii dalka ka dhaca adaa mas’uul ka ah” Musharax Samantar ayaa yiri.

Dhinca kale Cabdilaahi Siciid Samantar wuxuu ugu baaqay golaha Baarlamaanka gaar ahaan gudoomiyaha inuu xil iska saaro sidii uu ugudan lahaa waajibaadka ay shacabkiisu u idmadeen, isagoo xusay inay lagama maarmaan tahay in dowladda lala xisaabtamo.

Hadalka Gen. Cabdilaahi Siciid Samantar ayaa kusoo beegmaya xilli dhowr beri kahor uu magaalada Qardho booqasho ku tegey madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Posted on March 24, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: