Xildhibaan Ka Tirsanaan Jiray Baarlamaanka Puntland oo Xabsiga Boosaaso Loo Taxaabay ka dib Markii uu Dhaleeceyn usoo Jeediyey Xukuumada Faroole

Boosaaso [Moment Media Group] Mudane horay uga tirsanaan Jiray Baarlamaanka Dawladda Puntland xiliyadii Xukuumadihii AUN Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo Janaraal Maxamuud Muuse Xirsi ee Puntland ayaa 22-ka bishan  xili Saq dhexe oo habeenimo ah abaara 11:00  lagala baxay gurigiisa gudaha magaalada Boosaaso .

Xildhibaan Maxamuud Yuusuf Axmed oo ka tirsanaan Jiray Baarlamaanka Puntland ayaa sida ay u Xaqiijiyeen eheladiisa    waxaa u yimid Ciidamo ka tirsan kuwa amniga gobolka Bari kuwaas oo ku amray in Xabsiga u raaco haystaana Waraaq Maxkamadeed oo lagu xirayo balse ma aysan Sheegin Sababta ka danbeysa Xarigiisa.

Md. Maxamuud Yusuf ayaase loo badinayaa in Xarigiisa laga soo amray Madaxtooyada Garoowe,waxaana muddooyinkii danbe uu ahaa mid si weyn uga soo horjeeday muddo kororsiga Faroole iyo ansixinta Dastuurka Puntland.

Mid kamid ah Idaacadaha ka hawgala magaalada Boosaaso oo 11-bishaan u siiyey Waraysi ayuu kaga hadlay  muddo kororsiga Madaxweyne Faroole isagoona ku tilmaamay hadal Faroole kasoo yeeray oo ahaa in mudada wakhtigiisu ay tahay 5-sano taasina aysan ka hadal lahay ayuu Xildhibaanku ku tilmaamay mid aan ahayn Suurtagal ayna dhici karin.

….””Waxaan filaaya Puntland waxay samaysatay axdi ay ku heshiyeen dadkii isku geystay,wuxuu cadeynayay axdigaas in saddex sano uu yahay waqtiga dowladda,Suuragal ma ahaan mana dhici karto ana ma qabo in Puntland maanta xilliga ay ku jirto waqti la kordhin karo xitaa hal maalin,cidda taas isku dayda iyaga masuuliyada qaadaysa,waa arin aad u naxdin badan….””’ayuu yiri Xiligii uu Waraysiga bixinaayey 11-bishaan.

Dastuurka Puntland oo u soo hadal qaaday ayuu sheegay in Shacabku u baahanyahay uusana lahayn wax dhibaato ah balse kan ay hadda Xukuumada Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole ay doonayso in lifaaqa labaad ee ku qoran uu muddada u kordhinayo Madaxweyen Faroole, Generaal Cabdisamad Cali Shire iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka taasina aysan ahayn Shacab loo ansixinayo Mustaqbal sida uu sheegay.

….”” Dastuurka Puntland wax dhibaato uu qabo malahaan,dadka way u baahan yihin laakin kan hadda qoran ee la leeyahay dadka ansixinaaya,waxaan u cadeynaaya dadka in lifaaqiisa labaad ku qoran tahay in Golaha Wakiilada iyo Madaxweyne iyo kuxigeenkiisa ee haatan jira jiritaankooda tahay shan sano,ma kaas baa la ansixinaaya ee wax mustaqbal loo ansixinaayo ma ahaan miyaa?.waxaan raali ka nahay dastuurka markii laga saaro mudo kororsiga haddi kale waa xaaraan’’,ayuu mar kale sheegay…””‘ayuu yiri.

Guddoomiyaha Isbadel doonka Puntland Muuse Cali Jaamac oo u ururkiisu ka tirsanaa Xildhibaanka la xiray ayaa u sheegay RBC Radio in Xariga Xildhibaanka ay aad u Canbaareynayaan,wuxuuna ku eedeeyey in uu yahay Shirqool ay ka danbeyso Xukuumada Cabdirixmaan Faroole.

Xildhibaanka ayaa ayaa muddo Saddex beri ah ku jira Saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso,waxaana ilaa hadda aan la ogayn Sababah lagu xiray Xildhibaanka sidoo kalena hay’adaha u dooda Xuquuqul aadanaha ka shaqeeya iyagoona Dawladda Puntland ugu baaqay in si Sharuud la’aan ah kusii daayaan.

Posted on March 24, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: