Cabdullaahi Yuusuf oo la aasay

2012/03/25,- Madaxweynihii hore ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta lagu aasay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Aas-qaran oo ay dowladdu u soo qabanqaabisay waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha, madaxda kale oo ka tirsan dowladda KMG ah, kuwa Puntland iyo kumanaan qof . Waxaa lagu aasay qabuuraha Cir-Jiife ee waqooyiga Gaalkacyo, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb galeen madaxweynaha Shariif, ra’iisul wasaare Cabdiwali Maxamed Cali iyo madaxda Puntland.

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Gaalkacyo. Aroortii saakay ayaa meydka Cabdullaahi Yuusuf la geeyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, si loogu tukado salaadda janaasada. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa Jimcihii la soo dhaafay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee dowladda hadda dhisan ee KMG ah.

Aaska Madaxweynihii hore>Photo 1 of 10

Posted on March 25, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: