Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo oo Loogu Magacdaray Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed

Gaalkacyo (MMG) Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta ku dhawaaqay in garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo loogu magacdaro madaxwyenihii  hore ee DKMG Soomaaliya marxuum C/laahi Yuusuf Axmed oo maanta lagu aasay magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa hadal uu ka jeediyey aaska marxuum C/laahi Yuusuf oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in garoonka Gaalkacyo loogu magacdaray “C/laahi Yuusuf Axmed” si loogu xusuusto taariikhdiisa.

Madaxweyne Shariif wuxuu tilmaamay in marxuumka uu ahaa nin ka dhexeeyey dhamaan ummada Soomaaliyeed geeridiisuna ay muujisay sida ay dadka Soomaaliyeed u jeclaayeen Col. C/laahi Yuusuf Axmed.

Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ayaa noqonaya garoonkii labaad ee loogu magacdaro madaxweyne Soomaaliyeed oo geeriyooday wixii ka dambeeyey 1990-kii.  Sanadkii 2007 ayaa dawladii hore ee KMG waxay garoonka Muqdisho ugu magacdartay madaxweynihii ugu horeeyey Soomaaliya Allah ha u naxariistee Aaden Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde).

Moment Media Group

Posted on March 25, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: