Magaalada Gaalkacyo oo lagu Go’aamiyey in Dastuurka ay Ansaxiyaan 825 Ergo islamrkaana ka soo baxeen 9 Qodob

27.March.2012 ( MMG) – Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii looga hadlayay arrimaha Road Mabka, gaar ahaana heshiiskii Garoowe Kow iyo Labo.Shirkan oo ay ka qayb galeen Saxiixayashii Road Map-ka ayaa waxayaabaha lagu soo qaaday waxaa ugu waa weynaa dar dar gelinta waxyaabihii hore loogu heshiiyay.

Eng. Yariisow af hayeenka Xukuumadda oo arrimahaa ka war bixiyay ayaa sheegey in arrimaha kulankaasi looga hadlay ay ka mid ahayd in wax laga bedelo qodobada qaar, gaar ahaana Ergadii ansixinta Dastuurka oo awal lagu qorsheeyay illaa Kun qof oo haatan laga dhigay 825 Xubnood Afhayeenka ayaa sheegey in ariintaas sababta loo sameeyay ay tahay iyadoo lagu jaan goynayo habkii awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed taasoo beeshiiba loo qoondeeyay illaa 175 Xubnood.

Af hayeenka ayaa hoosta ka xarriiqay in shirkan ka dhacay Gaalkacyop uu yahay oo keliya mid lagu sii xoojinayo Go’aanadii Garoowe balse ayan jirin wax kale oo is bedel ah. Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Barlamaanka, Ra’iisul wasaaraha, Madaxweynaha Maamulka PuntLan. Madaxweyne ku Xigeenka Gal Mudug iyo xubno matalayay Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

Sidoo kale Beesha Caalamkana waxa u joogay oo shirka arrimihiisa fududeynayay Ergayaga qaramada Midoobay ee Soomaaliya. kulankaas ayaa sida la sheegay wax badan ka bedeleyn kulankii kaa ka horreeyay ee ka dhacay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal. Waxaana ka mid ahaa qodobadii ka soo baxay

  • 1- In la dardar galiyo dhameystirka barnaamijka xiliga kala guurka ah, heshiiyadii geedi socodka iyo mabaa’diida Garowe  1,2.
  • 2- In la dedajiyo xulushada xubnaha kamid noqonaya golaha ansaxinta Dastuurka oo shuruudahoodu ku cad yihiin go’aamada Garowe1,2 waxaana la isla gartey in loo soo xulayo xubnaha shirweynaha la yareeyo si ay ugu sahlanaato wax qaybsiga 4.5 ee lagu heshiiyey.
  • 3- Tirada golaha ansaxinta Dastuurka oo lagu go’aamiyey Garowe2 oo aheyd 1000 (kun)qof waxaa la isla gartey in laga dhigo 825 oo lagu qaybinayo habka 4.5, oo loo arkey wax qaybsi raad-raac hore leh.
  • 4- Waxaa la isku raacey in madax dhaqameedyada Somaliyeed ay noqdaan dadka soo xulaya xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyagoo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada sida culu’maudiinka, aqoonyanahada, dhalinyarada, haweenka, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada.
  • 5- Waxaa la isla gartey 135 xubnood oo ka imaanaya madax dhaqameedka afar beelood oo min 30 xubnood ah iyo beesha 5aad oo 15 xubnood ah iyagoo la tashanaya beelahooda waxay soo xuli doonan xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyo xubnaha Barlamanka cusub iyagoo ay gacan siinayaan guddi farsamo oo ka kooban 17 xubnood oo lix xubnood ka imaanayaan hay’adaha dowlada Federaalka Somaliyeed, 3 Xubnood Puntland, 3 Xubnood Galmudug, 3 xubnood Ahlu Sunah, 6 Xubnood oo Federaal ah iyo 2 xubnood oo ah xafiiska siyaasada qaramada midoobey ee Somalia UNPOS. Iyo 6 Xubnood oo ka socda beesha caalamka oo goobjoogayaal ah, wixii caqabad noqda waxaa loola soo noqonayaa saxiixayaasha Raodmap-ka iyo mabaa’diida Garowe1,2.
  • 6- Waxaa lagu heshiiyey in shirka ugu horeeya ee madaxdhaqameedyada soo xulaya ergada ansaxinta Dastuurka ay kulankooda ugu horeeya ku yeeshaan magaalada Muqdisho 25 April 2012.
  • 7- Waxaa la isku raacey in masuu’liyada iyo dhameystirka barnaamijka xilaga kala guurka ah iyo mabaadiida Garowe1,2 ay si gaar ah u saaran tahay saxiixayaasha barnaamijka “Roadmap-ka” oo ah cida loola noqonayo wixii caqabad ah.
  • 8-waxaa la isku raacey fududeynta iyo takeerada maaliyadeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga KMG ah in si deg-deg ah looga sugayo beesha caalamka.
  • 9- Wixii aan halkaan ku cadeyn waxaa loola noqanayaa “Roadmap-ka” iyo Mabaadiida Garowe1,2.

Posted on March 27, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Shariif Xasan iyo danjire Mahiga oo Gaalkacyo ka degay iyo shir looga hadlayo qorshaha Road-mapka oo halkaas ka furmay
    March 26, 2012
    Shir looga hadlayo dardar galinta qorshaha Road Map-ka ayaa maanta ka furmay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasoo ay ka qeyb galayaan masuuliyiinta sare ee dowlada KMG oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Waxaa kaloo shirkaas ka qeyb galaya gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo wakiilka QM ee Somalia Ambasador Agostino Mahiga oo goor dhow ka degay magaalada Gaalkacyo ka dib markii dayuurad gaar ah ay ka raaceen magaalada Muqdisho.

    Sidoo kale ayaa waxaa ka qeyb galaya saxiixayaashii shirarkii Garoowe 1-2 oo kala madaxweynaha DKMG Somalia, raisul wasaaraha C/weli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha maamulka Galmudug C/raxmaan Faroole iyo wakiilo ka socda ahlu suna waljameeca.

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa shirkii looga hadlayey dhameystirka qoshe hawleedka marxalada kalaguurka ee roadmap-ka loo yaqaano kaasoo maanta ka furmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Shirkan oo aan horey si rasmi ah loo shaacin ayaa ku bilawday iyadoo ay socoto tacsidii madaxweynihii hore marxuum C/laahi Yuusuf Axmed ka dib markii saxiixayaashii heshiiska Roadmapka ay Gaalkacyo isugu yimaadeen ka dibna ay telefoon u soo direen SHariif Xassan Iyo ergeyga Qaramada Midoobay Augustine Mahiga oo Muqdisho ku sugnaa; ka dibna ay islamaanta soo gaareen Galkacayo.

    Inkastoo uu shirka qaabkaasi kediska ku bilawday ayaa haddana maanta gelinkii dambe waxaa bilawday dood kulul oo dhexmartay lixda saxiixayaasha roadmap-ka [Madaxweyne Shariif, Raysul wasaare C/weli Gaas, Madaxweyne Faroole, Madaxweyne Caalin, Shariif Xasan iyo wakiilka Ahlusuna] iyadoo shirkuna illaa caawa uu socdo irduhuna ay u xiran yihiin.

    QODOBADA HADDA LA BEDELEY:

    Ilo wareedyo ku dhow shirka ayaa Moment Media u sheegay in illaa hadda laga hadlay dhowr qodob oo muhimah sida tirada xubnaha “Golaha Dastuuriga” ee ku jirtay heshiiskii Garowe, qaabka ansixinta dastuurka cusub iyo walaac laga muujiyey doorashada madaxtinimada ee ay ku dhawaaqeen baarlamaanka raacsan Madoobe Nuunow Maxamed.

    – Tirada golaha dastuuriga “Constituency Assembly” ee ahayd 1,000 ruux, sida ku qorneyd heshiiskii Garowe ayaa haatan loo bedelay 825 ruux (waxaa laga dhimay 175 xubnood).

    – Waxaa dhinacyada isku raaceen sameynta guddi farsamo oo ka shaqeeya ansixinta dastuurka cusub kaasoo ka kooban 14 xubnood. (Guudigaasi 6 xubnood waxaa soo magacaabaya DKMG oo Labada Shariif iyo C/weli Gaas ayaa u kala qaadanaya min 2 xubnood. 6 xubnood waxaa soo magacaabaya Puntland, Galmudug iyo Ahlusuna halka 2 xubnood oo guddigan ka mid ahna ay yeelaneyso beesha caalamka).

    – Waxaa kaloo laga dooday in qorshahan roadmap-ka illaa hadda aan la horgeynin baarlamaanka KMG ah si ay u ansixiyaan hase yeeshee taasi ay u suurtageli weysay kala taagnaanta baarlamaanka iyo Shariif Xasan u dhexeysa.

    Warar hoose oo ay Moment Media heleyso ayaa sheegaya in ujeedada kulankan sida degdega ah loogu qabtay ay tahay sidii dhinacyada saxiixayaasha roadmap-ka ay uga arinsan lahaayeen caqabadaha soo wajahay fulinta qorshe hawleedka roadmapka iyadoo bisha Agoosto ee sanadkan la rajeynayo in waqtiga DKMG ah uu dhamaado ka horna ay tahay in nidaam looga gudbo la diyaariyo.

    Shirka ayaa illaa hadda socda waxaana xubno ka mid ah dhinacyada shirka ka qeybgalaya ay noo sheegeen in kulanka berito uu dhamaanayo iyadoo la filayo in war murtiyeed laga soo saaro.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: