Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Geedi oo sharci daro ku tilmaamay habka loo dhisay maamul goboleedyadii ugu danbeeyay

29-March-2012 (MMG) – Prof.Cali Maxamed Geedi oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Dowlada KMG ah Soomaaliya islamarkaana Ra’iisulwasaare ka soo noqday dalka ayaa sharci daro iyo wax aan la qaadan karin waxaa uu ku tilmaamay habka loo dhisay maamul goboleedyadii ugu danbeeyay ee ee ay Soomaalidu kaga dhawaaqeem waqtiyadaan danbe gudaha iyo dibada dalka.

Dhamaan maamul goboleedyadii dhawaan looga dhawaaqay dalka iyo dibada ayuu Cali Maxamed Geedi ku tilmaamay kuwo oo aan loo marin habkii sharciga ahaa marka la eego nidaamka Dowlada u degsan ee dhanka
sameynta maamu goboleeyada.

“dad yar oo meel isugu tagay markaasa maamul ku dhawaaqay waxba soo kordhin karaan, taasina maaha mid waafaqsanayn Sharciga u yaalada Dowladda KMG,islamarkaana Baarlamaanka Soomaaliyana uusan ansixin”ayuu yiri Prof.Cali Maxamed Geedi .

Cali Geedi oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nayroobi ee xarunta Dalka Kenya ayaa dhanka kale ka digey in Soomaalidu xiligaan ku degdegin balse ay tahay marka hore inay ka fiirsdaan Warka mas’uulkaani ayaa imaanaya xili waqtiyadaan danbe la maqlayay magacyada maamul goboleedyo badan kuwaasoo gobolada dalka qaarkood looga dhawaaqay.

Posted on March 29, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: