Shirkii Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee lagu qabtay dalka Uganda oo laga soo saaray qodaba Muhiim ah

Arbaco 28 March 2012 – (MMG) Mudadii sadexda cisho aheyd oo kulankaas uu socday waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xubno ka kala socday saxiixayaashiii tubta nabadda ee RoadMap, sida Dowladda KMG, Galmudug, Puntland iyo Ahlusunna.Shirkii Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee lagu qabtay dalka Uganda oo laga soo saaray qodaba Muhiim ah.

Waxaa xalay magaaladda Entebbe ee dalka Uganda lagu soo gabagabeeyay shirweynihii ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed , kaas oo ay ka soo qeyn galeen 120 xubnood oo kala socday Ururada, ganacsatada, qurbo-joogta, haweenka, difaacayaasha xuquuda aadana, saxafiyiinta.

 

Ujeedada shirkan ayaa aheyd sidii ururada bulshada rayidka ay uga qeyb gali lahaayeen geeddi socodka nabadda ee xilliga kala guurka ah, waxaana looga dooday qodobo dhowr oo ay ka mid ahaayeen; dhismaha guddiga doorashada, xaqiijinta qeybta haweenka ee dowladda soo soo socota, qaabka doorashada xildhibaanadda cusub iyo dhismaha guddiga ansixinta dastuurka qabyo qoraalka ah.

Wasiirka arrimaha dastuurka, federalka iyo dib u heshiisiinta Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil oo hoggaaminayay wafdigii dowladda KMG shirka uga qeybgalay oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska, xubno ka socday xaafiisyada Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha yio Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in dowladdu soo dhaweyneyo dadaalka ururada, wuxuuna xusan in dowladdu ay mar kasta la tashato Bulshada Rayidka ah oo ay yihiin garbo muhiim ah.

Duniyo Maxamed Cali oo iyana ku hadleysay magaca ururadii shirka soo qaban-qaabiyay ee IIDA iyo COSPE oo taageero ka helayay UNPOS iyo UNDP ayaa sheegtay in muhiimad gooni ah ay leeyihiin haweenka iyo ururada bulshada, isla markaana ay aad ugu faraxsanyihiin qeybtii dumarka looga oggolaaday Baarlamaanka.

Dood dheer kaddib waxaa shirka isku raacay warmurtiyeed ka koobnaaa todo qodob, kuwaas oo kala ah:-

1. In Ururadda Bulshada Rayidka ah ay raali ka yihiin, isla markaana ay taageerayaan habka geeddi socodka ee tubta nabadda.

2. Inay ka mahadcelinayaan heshiiskii Garoowe, gaar ahaan qodobkii sheegayay in haweenka Soomaaliyeed 30% lagasiyo xubnaha baarlamaanka.

3. In Ururada Bulshada rayidka ah taageersanyihiin qorshaha dowladda ee ku aadan sidii looga bixi lahaa Ku-meelgaarka.

4. In la mideeyo codka ururkada Bulshada Rayidka ah.

5. In shirweynuhu abuuray gole la magaca baxay “Isbaheysiga Bulshada Rayidka ah” kaas oo ka kooban 30 xubnood oo lagu saleeyay qaabdhismeedka ururada.

6. Shirweynuhu wuxuu beesha caalamka ugu baaqayaa inay goobjoog ka ahaadaan xaqiijinta tubta nabadda iyo..

7. In Ururada Bulshada Rayidka ah ay u mahadcelinayaan dalalkii u soo gurmaday Soomaaliya xilligii adkaa ee la soo maray ee abaaraha, gaar ahaan dowladda Turkey, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Ururka Islaamka.

Ugu dambentii waxaa dhinaca kale xubnihi shirka ka soo qeyb galay soo saareen warqaad tacsi oo ku socotay dhammmaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo Eheladii uu ka geeriyooday Allaaha u naxariistee madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda Soomaaliya Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.





Moment Media Group

Posted on March 29, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: