Banaanbixii looga soo horjeeday Mahiga iyo Dastuurka cusub oo la baajiyey kadib

March 30, 2012- Banaanbax weyn oo la qorsheynayey in maanta salaada jimce kadib uu ka dhaco magaalada Muqdisho islamarkaana looga soo horjeeday Wakiilka UN u qaabilsan Soomaaliya iyo Dastuurka aan la ansixin ee Soomaaliya ayaa maanta la hakiyey kadib markii ay digniino culus ay warbaahinta soo mariyeen madaxda Booliska iyo Hay’adaha kale ee Ammaanka Dowlada Soomaaliya.

Gen,Shariif Shiikuna Maye oo ah taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inay ka digayaan banaanbaxan inuu ka dhaco xamar,isagoona ku tilmaamay inuu yahay mid ay soo abaabuleen dad uu ku tilmaamay qabqablayaal muqdisho dhinac ka jooga.Balse ay aqbali lahaayeen inuu dhaco haddii ay shacabka soomaaliyeed si xor ah u dhiganlahaayeen.


” Ma aqbaleyno inuu dhaco dibadbaxan,sababtoo ah waxaa hoos ka riixaya qabqablayaal muqdisho jooga, Haddii aan nahay ciidanka ammaanka u xilsaaran waxaan u digeynaa dadka loogu yeerayo inay ka qeybgalaan,Sababta aan ku diidanahayna waa in halis ammaan xumo halkaasi kasoo socota. Laakiin haddii shacabka si xor ah u dhiganayo waan soo dhaweyneynaa,hase yeeshee arrintan iyaga shaqo kuma leh” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Gen,Shariif Shiikhuna Maye.
Waxaase hadalkiisa uu ka hor’imaanayaa dadka wada abaabulka Banaanbaxan oo ah Dallada Culumada Soomaaliyeed iyo Ururada bulshada rayidka ah ee ka jira Magaalada Muqdisho,kuwaasi oo si cad u sheegay inay kasoo horjeedaan joogitaanka Mahiga iyo dhaqamadiisa ku aadan dhinaca diinta.
Waxaa isagana sidoo kale warbaahinta la hadlay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan “Joodax” ayaa isagana dhankiisa raacay go’aanka madaxda Booliska sheegayna in aan wax dibadbax ah la sameyn karin xilligan la joogo.
Shiikh Axmed Dhiciso oo ka mid ah abaabulayaasha dibadbaxan ayaa  cadeeyey inay joojiyeen dibadbaxaasi kadib markii ay soo gaareen farriimo digniino ah oo ay usoo direen madaxda ammaanka ee Dowlada Soomaaliya,isagoona dhinaca kale walaac ka muujiyey inay arrintan saameyn ku yeelatay dagaalka ay ciidanka AMISOM saaka ku qaaden deegaanka Dayniile.
Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowlada ayaa saaka lagu arkayey inay goor hore sii tageen xaruntii lagu qaban lahaa dibaxbaxaasi oo aheyd Taaladda Sayidka kuwaasi oo u diyaarsanayaa inay kala eryaan haddii ay yimaadaan dibaxbaxayaasha la baajiyey maanta.
Saaka ayaa Muqdisho waxay gelinkii hore foolaneysay inuu dibaxbaxaasi balaaran dhaco,iyaddoo haddii uu dhici lahaa uu saameyn ku yeelan lahaa siyaasada Wakiilka UN u jooga Soomaaliya Mahiga iyo Dastuurka aan la meelmarin balse loo madlan yahay ee soomaaliya loo sameynayo isagana culeyskeeda uu saarmi lahaa.

Posted on March 30, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: