Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha dowlada KMG oo Jabiyey heshiiskii Kampala

30.03.2012 (MMG) – Madaxweynah Dowlada FKG Sheikh Shariif iyo Ra’isul Wasaaraha dowlada KMG ah Mudane C/wali Maxamed  ayaa jabiyeen heshiskii Kampala oo qorayey in aan qilaaf loo horseedin Xukumada Kumeel gaarka inta lagu jira xiliga kala guurka . Heshiiskaas ayaa dhigayey in aan xilka laga qaadi karin 3 Masuul ee ugu sareysa dowlada iyo golaha wasiirda inta lagu jiro xiliga kala guurka ah ee ku eg Bishs Agoosta 2012.

Iyadoo qodobkaas jiraan ayaa waxay ku dhaqaaqeeyn madaxweynha iyo wasirkiisa koowaad in ay shaqad ka ceyriyeen Wasiirka Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa. Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim iyadoo sababa looga dhigay hoowl gudasho laan halka horey loogu gacan seyray xilidhibaanadii aqlibiyada ahaa ee xilika ka qaaday gudoomiyiihii hore ee Barlamaanka Mudane Shariif Xasan Sheikh Adan iyagoo u cuksaday hoowl gudasho la’aan muda bilooyin ah iyo soo xaadirin la’aan xafiiska Barlamaanka Soomaliyeed.

Si kastaba ha ahatee ma shaqeyn doontaa xilkaqadistaan ay sameyeen Madaxweynah iyo Wasiirkiisa kowaad madaama sharciga xiliga ku shaqeyneysa dowlada aysan meel uga banaaneen xil ka qadistaan mise xalka waa ninkaan tabar laheen ama jeebkiisa weyneen waa lagu tumanayaa.

Posted on March 30, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Xildhibaanada ka soo jeda Gobolada Bay iyo Bakool oo gaashaanka u daruuray Xilka qaadistii Wasiirkii Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha..

    Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada ka soo Jeeda Gobolada Bay iyo Bakool ayaa looga hadlay Xil ka qaadisa uu Madaxweyne shariif ku sameeyay Wasiirkii Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha .
    Xildhibaanadaas ayaa ku tilmaamayXil ka qaadista lagu Sameeyay Raisal wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirkii Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha, mid sharci daro ah oo aysan qaadan doonin beelaha halkaas dagan.
    Waxaa lagu sheegay in Dowlada KMG ay ku timid awood qeybsi 4.5, taasi oo lagu macneeyay mid aysan qaadan Karin beelaha Digil iyo mirifle.
    Waxaa halkaas ka hadlay Xildhibaan Cali Afgooye waxa uuna sheegay in ay sharci daro tahay xilka qaadista, ayna booskaas xaq u leeyihiin Beesha dagta Gobolada bay iyo bakool.
    Sidoo kale waxaa asna halkaas ka hadlay Xildhibaan Cabdi Qaaliq, waxa uuna sheegay in Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool ay arintaasMadaxweyne shariif uga digayaan in waxaay xaqa u leeyihiin uu duudsiiyo.
    Madaxweyne shariif ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha 28-kii bishan, iyadoo bishii Febraayo laga bedelay Wasiirnimadii Arrimahada Dibada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: