Dood cilmiyeed looga soo horjeedo 4.5 oo ka dhacday magaaladda Khartoum ee dalka Sudan (Daawo Sawirada)

DAAWO SAWIRADA: Waxaa Habeennimadii xalay dood si heersare ah loo soo maamuusay ka dhacday magaalada Khartoum ee dalka sudan gaar ahaan Hoolka shirarka Jaamacadda Africa “University of Africa”doodasi oo ay sI wada jir ah usoo qaban-qaabiyeen Naadiga Suxufiyiinta Soomaalida Sudan iyo Jimciyadda hanuuninta dhalinyaradda soomaalida Sudan. Dooda ayaa waxaa ka soo qeyb gashay boqolaal arday soomaali ah oo wax kabarta magaalada Khartoum, waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Doodaasi Aqoonyahano,waxgarad,Siyaasiyiin iyo waliba Mas’uuliyiin ka socday Xawaaladaha soomaalida ee xarumaha ku leh dalka sudan.

Dooda ayaa waxaa soo jeediyay Khubaro ay kamid yihiin Prof Xusein Bashiir iyo waliba Dr Maxamed Rashiid Cabdi-samad, dooda ayaa waxaa looga hadlaayay awood Qeybsiga soomaalida ee loogu magac daray (4.5) taasoo looga soo horjeeday in la bur-buriyo fakirka “4.5″ oo ay soo hindhiseen Siyaasiiyiinta soomaalida oo iyagu gabalka meel cidla ah uga dhacay, Dooda ayaa lagu lafa guray Magac bixista (4.5) iyo dhibaatooyinka ay ka dhexleen bulshada soomaaliyeed iyada oo Khubarada farta ku fiiqeen in magac bixintaasi ay ku baadiyoobeen boqolaal soomaali ah oo iyagu caqiido ka dhigtay waxa loogu yeero “Foor boonti Fayf “.

Dooda ayaa ahayd mid xiisa galisay dhamaan Ardayda,waxgaradka,aqoonyahaanada. ka soo qeyb gashay Doodaasi iyada oo ay goobta ka hadleen Arday badan oo iyagu ka dhiibtay figradooda kuwaasoo isku raacay in 4.5 ay musiibo ka dhex abuurtay bulshada soomaaliyeed dhex dooda kana dhigtay caqiido.

Si kastaba ha ahaatee waxaa sidoo kale ka hadlay Dooda Guddoomiyaha ururka hanuuninta dhalinyarada soomaalida Sudan Cabdi wali Xassan “Fadiilatuhu” oo isaguna diirada ku saaray hadalkiisa fakirka 4.5, waxa uuna ku baaqay in ay soomaalida ka gudbaan fakirkaasi Cunsuriyadda ah oo lagu kala fogeeyay gabi ahaan qabaa’ilka soomaaliyeed una tafaxeyta aaminaanshaha 4.5, waxa uu sidoo kale Sheegay Fadiilatuhu in loo baahanyahay aqoonyahaano ka hortaga fakirka 4.5 oo kaasoo uu ku sheegay in uu bur-buriyay garaadka bulshada soomaaliyeed dhankey doonaan haka soo jeedene.

Waxaa xigay kalimadii Dr C/qaadir Xirsi oo isaguna diirada saaray taariikhda aasaaska fikrada 4.5 isaga oona sheegay in fikradaasi ay tahay mid kala fogeysay siyaasiyiinta iyo shacabka sababna u noqotay ololinta siyaasadda dalka soomaaliya oo iminka u muuqata mid aanan fara ka qodneyn.

intaa kuma ekeen kalmadaha balse waxaa sidoo kale kalmad qiima badan goobta ka aqriyay Ustaad Axmed Nuur C/llahi Asad oo isaguna soo bandhigay figrad ku saleysan in laga gudbo 4.5 isla mar ahaantana loo gudbo waji ka duwan Foor boonti feef, si looga bad-baado ciribtirka bulshada iyo waliba in kiraada xuquuqda qabaa’ilada, Ustaad Axmed Nuur waxa uu sidoo kale baaq u diray Siyaasiyiinta soomaalida in ay ka gudbaan waxa loogu magac daray 4.5.

Ugu danbeyntii Dooda ayaa kusoo idlaatay jawi degan dadkii isugu yimid goobta waxa ayna isku raaceen in la cirib tiro cunsuriyadda 4.5.

Posted on March 31, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: