R/wasaraha TFG-da oo Hor istaagay Banaanbax looga soo horjeedo Mahiga

Muqdisho Saturday 31 March 2012 – Ururada Bulshada Rayidka, Waxgaradka Magaalo Madaxa Muqdisho, Odayaalka dhaqanka, Hooyooyinka iyo Ardada reer Muqdisho ayaa Maalmihii lasoo dhaafay waxey Iclaamiyeen Mudaaharaad Balaaran oo looga soo Horjeedo Agustine Mahiga.

Banaanbaxaas oo si baaxad weyn loo Qabanqaabiyay loona qorsheeyay inuu ka dhaco Maantay Faras Magaalaha Muqdisho ayaa Saacadihii ugu dambeeyay waxaa is hortaahay Wasiirka 1-aad ee Dowlada KMG ah C/waali Gaas.

Banaanbaxaan waxaa abaabulkiisa iska lahaa Sheekh Axmed Dhicisow oo madax ka ah majamaca culimada Soomaaliyeed, wuxuuna u sheegay Idaacaddaha maxaliga ee ku yaala caasimada, in danjire Mahiga uu findno ku yahay dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, wuxuuna Shabakadda u sheegay in ay ujeedadoodu tahay in Dalka laga Ceyriyo Tabcade Jeebkiis u sheqeyste Agustine Mahiga.

Sheekh Dhicisocow ayaa yiri, waxa aan fasax ka heysanaa Wasaarada Amniga iyo arrimaha gudaha ee dowladda KMG ah, taas oo u geynay warqad codsi ah, xitaa in kastoo aan jawaab ka helin haddana amuusnaantooda waxa ay na tusineysaa in ay ogal yihiin dibadbaxa, waayo annaga waxa aan nahay dadkii wadanka lahaa, waana in muujinaa shucuurteena masiirkeena waxa aan u qalmin.

Dr. Faarax Maxamad oo asnah la hadlay Wabaahinta  ayaa sheegay iney Hada kahor ka codsadeen Xoghayaha Guud ee QM in laga wareejiyo Xilka uu ka hayo Soomaaliya Mahiga maadaama uu ku fashilmay Nabad ka dhalata Dalka Soomaaliya, isla markaasnah uu dhinac Qabaa’ilka Soomaaliyeed kamid ah u jajeelo (Maamulka Faroole).

Banaanbaxa waxaa loo qorsheeyay inuu ka dhaco Taalada Sayidka ee Magaalada Muqdisho Salaada Jimcaha kadib. Waxaana isku diyaariyay iney ka soo qeybgalaan Bulsha-weynta ku dhaqan Magaalo Madaxda Muqdisho. Waxaa aaya Xuma ah in la Caburiyay rabitaankii Bulshada, laga horyimid Demokrasiyada iyo Xoriyada Shacabka oo uu xaq u leeyahay in uu si bareer ah Fikrigiisa u Muujiyo.

Posted on March 31, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: