Monthly Archives: April 2012

Shir lagu diidanyahay Dastuurka qabyada ah oo ay isugu yimaaden Beelaha hawiye oo ka dhacay Magaaladda Lewiston, gobolka Maine

30.04.2012 – Shir lagu qabtay Magaaladda Lewiston, gobolka Maine ee bariga Mareykanka , oo ay ka soo qeyb galeen Jaaliyad Somaliyeed ee ku nool wadanka Mareykanka, ay qaarkood goobjoog ahaayeen , iyagoo badankood kaga qeybgaleen qadka telephoonka,side Jaaliyad Washington DC, Ohio, Minnesota, Maine, Arizona. Iyo gobolo kale

Read the rest of this entry

Advertisements

Dr. Cali Khaliif Galeyr ”Waxaan leeyahay Dastuurka la sheegayo yaan nalagu qasbin oo turubka ha nalaga baandheeyo”

30.04.2012 – Dr. Cali Khaliif Galayr oo ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed xilalna ka soo qabtay dowladdii Kacaanka iyo dowladihii KMG ahaa ee ka dambeeyay burburka ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo dastuurka dhawaan lagu wado in lagu ansixyo magaalada Muqdisho ee ay garwadeenka ka yihiin dowladda KMG iyo Qaramada Midoobay.

Read the rest of this entry

Shalay Iyo Maanta: Siyaasaddu Ma Laha Saaxiib Joogto Ah Ee Waxay Leedahay Dan Joogto Ah

28 April 2012 – Sideedaba Siyaasaddu Malaha Saaxiib Joogto Ah, Balse Waxay Leedahay Dan Joogto Ah, Sidoo Kalena Siyaasaddu Malaha Colaad Joogto Ah, Waxaanay Inta Badan Mushtamacu Aad Ula Yaabaan Arrimaha Ka Dhex Dhaca Shakhsiyaad Shalay Rafiiq ku ahaa mabda’a Siyaasadda oo Maanta la arko iyagoon indhaha isa siin karin oo col daahii go’ay ah. Iyadoo sidoo kalena la arko dad shalay siyaasada col ku ahaa oo maantana Rafiiq ku ah mabda’a Siyaasadda, taas oo ah arrin waayaha siyaasadu leedahay in sida dabaysha ay isku badbadaso, isla markaana god kaliya aanay fadhiyin siyaasadu. Haddaba siyaasadu Axdi malaha ee waxay leedahay kolba ninka siyaasiga ahi hadba sidii uu u Arko inay dani ugu jirto, isla markaana ciddii uu u arko inay ku Saaxiibi karaan Siyaasadda ay isku xidhmaan, halka shakhsi hore saaxiibo ay u ahaayeena ay kala irdhoobaan, isla markaana waayaha siyaasadu kala kexeeyo, waxaase jira waxyaalo aanay bulshadu aad u fahmin oo ay aad ula yaabaan, taas oo ah dabeecad ay Siyaasaddu iska leedahay inay dhacaan arrimo amakaag iyo yaab galiya bulshada.

Read the rest of this entry

Ra’iisal Wasaare Gaas Oo Xaafiiskiisa Kula Kulmay Ururada Bulshada Rayidka ( War-Saxaafadeed)

Ra’iisal Wasaare Wardigiisu noqday ansixinta dastuurka, goob walba, iyo goor walba wuxuu ku celceliyaa in dastuurka la qaato, dabcan waa sida uu jecel yehee, siyaasina waa yehee, wali iskuma dayin inuu dadka ka qanciyo qodobada dareenka dhaliyey dooddana keenay, taa badalkeed, wuxuu fekerkiisa isugu geeyey kaliya inuu naadiyo in dastuurka la qaato.

Dhanka kale, waxaa isa soo tara cabashada laga muujinayo dastuurka iyo cod dheerida lagu diiddan yahay, haddana cid codkaa maqasha ama isku dayda inay dhagaysato ma jirto. Aan ka billaabo inay si toos ah beelo Soomaaliyeed uga horyimaadeen dastuurkan, iyagoo sheegay inaan dan Soomaali iyo mid samaanba lagu saabayn dastuurka, yaan lagu xugmin beeshii diidda dastuurkan dawlad diid, illeen maqalka eragan ayaa nagu batay dharaarahan, qofkii aragtidiisa cabbirana noqonayo dawlad diid iyo qaswade, aniga iima bixin!

Muqdisho Sunday, April 29th, 2012 –  (MMG) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay Uraradda Bulshada Rayidka ah.

Kulanka maanta uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah, Iyadoona looga hadlayay Arrimaha Roadmap-ka, Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Isgaarsiinta Maamuladda, Dhameystirka Dastuurka, Dib-u-habeynta Baarlamaanka iyo dowlad wanaaga, Iyadoona dowr muhiin ah ay dowladda ka siiyay bulshada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kulanka uu ku saabsan yahay in dowladda iyo Bulshada Rayidka ah ay kala warqaataan oo ay is dhaafsadaan fikirado iyo talooyinka ay u hayaan dowladda maadaama ay matalaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Bulshada Rayidka kaalin muhiin ah ka qaataan isbedelladda soo socda si loogu guuleysto hadafka ah in la helo dowladd rasmi ah oo karti leh iyo iney dalka ka saarto marxaladaha adag.

“Bulshada rayidka waa iney kaalin hogaamineed ka qaataan arrimaha bulshada sida, Waxbarashada,Caafimaadka, dhamaan adeegyadda bulshada iyo in Bulshada Rayidka lagu dhiiri geliyo iney si joogta ah ula xisaabtamaan dowladda si loo gaaro maamul wanaag dhameystiran”.

Read the rest of this entry

Xildhibaan ugu baaqay Shacabka Somaliyed in aa la ansixin Dastuurka

Muqdisho APRIL 29, 2012 (MMG)  – Xildhibaan ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in qabyo qoraaleedka Dastuurka cusub ee loo sameynayo dalka ay diyaarintiisa gacanta ku hayaandad ajinabi ah oo aan Soomaali aheyn.

Xildhibaan Cali Aadan oo ka mid ah barlamanka KMG Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa sheegay in Dastuurka dalka gacanta loo galiyay dad ajinabi ah oo uu sheegay inaysan ka naxeyn Masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Cali Aadan ayaa waxa uu sheegay in dal waliba Dastuurkiisu uu ka saleeyo Diintiisa, hase ahaatee Dastuurkaani uu hareermarsan yahay Diinta Islaamka sida uu hadalka u dhigay.

“ Umad waliba Dastuurkeeda waxa ay ku saleysataa oo ay sal ugu dhigtaa ugu horeyn Diinteeda, markeeda labaad wixii dhaqankeeda aan la socon karin waa laga reebaa, aniga qodobada ma ogi laakiin waxaan maqlayaa ninkii Gaal ahaado wuu u tar tami karaa Madaxtinimada dalka, sidoo kale waxaan maqlaynaa Ragga iyo Dumarka waa isugu mid” sidaasi waxa yiri Xildhibaan Cali Aadan.

Xildhibaanka ayaa waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay aan la ansixin Dastuurkaasi iyagoo ka fakaraya dalka, dadka iyo Diinta islaamka.

Dastuurka ayaa la aaminsan yahay inay si toos ah ugu  soo horjeesteen qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Culuma’udiinka Soomaaliya kuwaasi oo sheegay in Dastuurka uu yahay mid ay ku jiraan waxyaabo ka horimaanaya Diinta islaamka.

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo iyana Codkooda ku Biiriyey Dadka ka soo Horjeeda Dastuurka Qabya Qoraalka.

April 29, 2012 (MMG) – Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaloiyeed Shiikh Bshiir Axmed Salaad oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaysan marnaba ansixin Dastuurka la sheegay in dhawaan la ansixinayo. Guddoomiyaha ayaa ku ciladeeyay Dastuurka qabya qoraaledkiisu dhawaan la damacsan yahay in la Ansixiyo mid aan ku salaysnayn waa siduu hadalka u dhigaye Shareecada Islaamka sidaa darteedna loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeestaan.

Read the rest of this entry

SOMALILAND PUNTLAND

Indha-cadde oo ka digay Afgambi uu sheegay inay wadaan Gaas iyo Wasiiradiisa

Muqdisho APRIL 27, 2012 -Jeneral Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-cadde ayaa ka digay afgambi Ra’iisul wasaare Gaas iyo golahiisa Wasiirada ay ku qabsadaan Soomaaliya, isagoo dhinaca kale ku baaqay banaanbaxyo ka dhan ah Dasuutka la doonayo in lagu ansixiyo Magaalada Muqdisho.

Isagoo ka qeyb galayay Barnaamijka Doodda Jimcaha Shabelle Jeneral Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-cadde oo ka tirsan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka digay afgambi Soomaaliya ay ku qabsadaan Ra’iisul wasaare C/wali Max’ed Cali Gaas iyo golahiisa Wasiirada.

“ Xukuumadda waxaan ugu digayaa Awood maroorsi oo meeshii ay doonaan ay ka bilaabeen, meeshii ay doonaanna ay ku dhameeyaan, Beesha Caalamka waxaan u sheegayaan in arintaasi ay arkaan gacanna ay ku yeeshaan oo ay soo fara galiyaan” sidaasi wax yiri Indha cadde. Mar uu ka hadlayay Hadal kasoo yeeray Ra’iisul wasaare Gaas oo ahaa in dadka diidan Dastuurka ay yihiin kuwa Isbaaristayaal ah ayaa waxa uu ku jawaabay.

Read the rest of this entry

Maxaad Ka Taqaan Odayaasha Uu Tirtiray Ra’isal Wasaare Gaas?

27 April, 2012 – Sidii horay looga bartay siyaasada Soomaaliya waxa mar walba iska hor-imaad xoogan uu dhex maraa madaxweynaha iyo ra’isal wasaaraha xiligaas jooga. Waxaana horay loosoo arkay qilaafyo burbur ku dambeeyay oo dhex maray madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan iyo Ra’isal Wasaarayashiisii Cali Khalif Galeyr iyo Xasan Abshir Faarax, madaxweyne C/lahi Yusuf iyo Ra’isal Wasaarayaashiisii Cali Max’ed Geedi iyo Nuur-Cadde, madaxweyne Sh. Shariif iyo Ra’isal Wasaarayashiisii Cumar C/rashid, Max’ed Farmaajo iyo hada oo ay is-hayaan C/wali  Gaas.

Qilaafkan ayaa gaaray heer uu Ra’isal Wasaare C/wali Gaas inta uu qalin qaato uu gacantiisa uga tiro xubnaha odayaasha beelaha Hawiye u matalaya ergooyinka shirka 15ka Maajo isagoo ku ciladaynaya inay gacansaar la leeyihiin Madaxweyne Shariif Sh. Axmed. Taasina waxay keentay in oday ka mid ah odayaashii uu Ra’isal Wasaare Gaas ka tiray liiska Hawiye uu warbaahinta ka hadlo kana sheego ficilka Ra’isal Wasaaruhu Sameeyay.

Read the rest of this entry

Cali Geedi : DKMG Ah Waxa Looga Baahanyahay In Dastuur Cusub Ay Dadka Fahansiiso Ka Hor Inta Aysan Ansixin

Saturday, April 28th, 2012 (MMG) – Ra’iiisul wasaarihii Hore Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo hadda ku sugan dalka Mareykanka ayaa dhaliilay qaabka la doonayo in lo ansixiyo dastuurka cusub   ee la rabo in loo sameeyo Soomaaliya.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda VOA-da ayuu sheegay in qaabka hadda wax ku socdaan uu yahay mid fashil ah, waayo dastuurkan ay wadaan dhowr qof waxa uu ahaa marka in dadka la baro dastuurka wuxuu yahay” arrintaas hadda ama jirto ayuu sheegay Cali Geedi.

Read the rest of this entry

Kulan ay isugu yimaadeen Culimo, Siyaasiyiin, waxgarad oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho,


Mogadisho 28.04.2012 (MMG) – 
Kulan maanta ay isugu Yimaadeen Cilimo ka tirsan Hay’adda Culumada Sooomaaliyeed, waxgarad, Siyaasiyiin, Odoyaal iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, Culimada Hay’adda ayaa sheegay in Dastuurka uu yahay mid salka ku haaya Gumeysi Daahsoon laguna doonaayo in Shacabka soomaaliyeed Dib loogu celsho Gumaadkii Talyaaniga uu ku haanjiray, Culumadda iyo siyaasiyiinta isugu imaaday Kulanka ay wax kama jiraan ku tilmaamay Dastuurka Cusub waxa ayna sheegen in Dastuurkaasi uu yahay mid ay soo sameeyeen Mahiiga iyo Dowladda Ugandha oo iyagu doonaaya in umadda soomaaliyeed loo gacan galsho Gumeeysiga Sida ay sheegen Culimada iyo Siyaasiyiinta kulanka qaadatay.

Read the rest of this entry

Dastuurka qabyo qoraalka aayan la jaan qaadi karin laguna dhaqi karin umada somalida dhaqankeeda,diinteeda iyo dadnimadeeda

Friday, April 27, 2012 – Dastuurka qabyo qoraalka uu yahay dastuur umada somali aayan la jaan qaadi karin laguna dhaqi karin ayuu hadana shacabkii lagu dhaqli lahaa leeyahay aqoon ma laha,haddii aay diideen kuna qeexeen in dastuurka qabyo qoraalka uusan la jaan qaadi karin umada somalida dhaqankeeda.diinteeda iyo dadnimadeeda sow xaq uma laha in aay diidaan iyada oo la ogyahay in uu uu ku qanacsan yahay Puntland dastuurkii lagu ansixiyay oo dhigayay waa in qofka Puntland ahi uu qaataa jinsiyada Puntland halka qabyo qoraalka uu leeyahay cutubka jinsiyadaha qodobka 11 aad :

Read the rest of this entry

Dawlada Turkiga oo Cadeysay Ujeedooyinka Siyaasadeed ee ay Somaliya ka leedahay

Istanbul  27 Apr. 12 (MMG)—Dawlada Turkiga ayaa markii ugu horaysay ka hadashay danaha siyaasadeed iyo ujeedooyinka ay ka leedahay dalka Somaliya oo ay mudooyinkan dambe taageero siyaasadeed iyo hawlo samafal ah ka waday, kuwaasoo ay ku maal-gelisay lacag qadarkeeda lagu sheegay 3.5 Milyan Dollar.

Afhayeen u hadlay dawlada Turkiga oo Magaciisa lagu sheegay Selcuk Unal ayaa sheegay in dawladiisu ka damqatay dhibaatooyinka daba dheeraaday ee haystay dalka somaliya, isla markaana ay guntiga dhiisha iskaga dhigtay sidii ay Indhaha Caalamka ku soo jeediso somaliya si loo sii wado hawlaha gargaarka ah ee ay u baahan yihiin shacbiga somaliyeed, laakiinse aanay wax ujeedooyin ah oo dahsoon ka lahayn dalka.

Read the rest of this entry

Dastuurka Qabyada oo Qodobadii Xasaasiga Qaarkood Laga Tirtiray

Muqdisho Friday, April 27th, 2012 (MMG) – Ka dib kulamo xiriir ah oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Muqdisho ayna wada lahaayeen saraakiisha wasaaradda dastuurka ee DKMG ah iyo guddiga qorida dastuurka ee ay taageerto hay’adda UNDP ayaa Shabakada   waxay ogaatay in isbedel lagu sameeyey qaar ka mid ah qodobadii xasaasiyada badan abuuray ee dastuurka qabyada ku jira.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socday buuq iyo shirar ay lahaayeen beelaha,siyaasiyiin, aqoonyahano iyo culimo kuwaasoo si isku mid ah u dhaleeceeyey dastuurka cusub.  Waxaana wararka xog ogaalka ay sheegayaan in dawladu codsatay in dastuurka laga tirtiro qodobada dadweynuhu ka qeyliyeen.

Read the rest of this entry

Sheekh Shariif iyo Feysal Cali Waraabe oo Xalay Kulan Gaar ah ku Yeeshay Dubai

Friday, April 27th, 2012 (MMG) – Sida uu maanta Shabakada u xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee Dubai waxaa xalay kulan gaar ah hotel ku yaalla magaalada Dubai ku yeeshay madaxweynaha DKMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland Feysal Cali Waraabe.

Kulankan ayaa ka dambeeyey ka dib markii madaxweyne Shariif uu booqasho ku tagay Dubai ka dibna codsi uu uga yimid Feysal Cali Waraabe oo horey u sii joogay magaalada Dubai.

Kulanka oo qaatay in ka badan saacad ayaa diirada lagu saaray khilaafka ka taagan xubnaha ka socda Puntland ee ku jira guddigii uu madaxweyne Shariif u magacaabay ka qeybgalka wadahadalka Somaliland lala yeelanayo 15-kii bishan April.  Waxaana Feysal Cali Waraabe iyo madaxweyne Shariif ay si dheer uga hadleen shuruuda Somaliland ku xirtay wadahadalka.

Ma cadda waxa la isku afgartay inkastoo warar xog ogaal ah ay sheegayaan in madaxweynuhu ballanqaaday in xukuumadda KMG dib uga tashan doonto qaabka loo dhisay guddiga wadahadalka.

Kulankan ayaa yimid xilli caqabad weyn ay horistaagtay wadahadalkii dhexmari lahaa DKMG Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo ka booday labada xubnood ee guddiga DKMG ah lagu soo daray ee ka soo jeeda maamulka Puntland.

Dastuurka Qabyo Qoraalka iyo Dastuurka Puntland Mataano miyaa ?

Akhristow ma aqrisay dastuurka Puntland lagu asnixiay mise ogtahay in dastuurkaa uu yahay mid qayaano qaran ku ah midnim  umada somali,haddii aan dib u milicsano dastuurka Puntland waxaa u qorayaa in Puntland tahay dowlad madaxbanaan sida ku cad dastuurka,haddii aan soo qaadano qodobo faro badan wax aad arkeeysaa sida wax loo qoray in aay tahay teeyda anaa leh taadana kula lehi,kheeyraadka dabiiciga qodobka 53 aad waxaa lagu sheegay:

Read the rest of this entry

Madaxweyne Shariif oo Markii ugu Horeysay Shaaca Ka Qaaday ‘Inuusan Ku Qanacsaneyn’ Dastuurka Qabyo Qoraalka cusub

Muqdisho April 26, 2012(MMG): Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo markii ugu horeysay si toos ah uga hadlay dastuurka qabyo qoraalka ee lagu wado in dhowaan lagu ansixiyo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in isaga uusan ku qancin dastuurka cusub uuna la qabo sida dad badan uga qeyliyeen.

“Waxaanla qaba sida dad badan u sheegeen in waxyaabo badan oo aan wanaagsaneyn ay ku jiraan dastuurka.” ayuu yiri madaxweyne Shariif oo sheegay inuu rajeynayo in wax laga bedelo dastuurka cusub.
Shariif wuxuu kaloo intaa ku daray in walaaciisa ku aadan qodobada dastuurka ee dhaliilaha loo yeelay uu u gudbiyey hay’adaha ku shaqada leh isagoo muujiyey in dib loo eegi doono.

Read the rest of this entry

Jeneral Indha Cadde “Adiga yaad jujuubaysaa, yaadna jujuubi kartaa, ha caytamin hadalada aad ku hadleyso Dhiigayaga ayay kicinayaan”

April 27, 2012 – Jeneral Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-cadde ayaa maanta hadalkii ugu kululaa ebid warbaahinta muqdisho umariyay Ra’iisul wasaare Gaas iyo golahiisa Wasiirada waxa uuna sheegay in ay doonayaan in ay dalka ku qabsadaan afgambi, isagoo dhinaca kale ku baaqay banaanbaxyo ka dhan ah Dasuutka dhawaan lagu ansixin doono Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Janaraalka ayaa xukuumadda Soomaaliya uga digay Awood maroorsi kana codsaday beesha Caalamka in arintaasi ay arkaan gacanna ay ku yeeshaan oo ay soo fara galiyaan.

Read the rest of this entry

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka digay Dastuurka Cusub iyo isaga oo baaq u diray Dowladda soomaaliya

27.04.2012 – Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah Aqoonyahaanada soomaaliya oo iminka ku sugan magalada Muqdisho ayaa sheegay in Dastuurka Cusub uu nusqaan yahay islamarkana dhibaato badan u keeni doona umadda SoomaaliyePorof Samatar waxa uu kadigay in Dastuurkaasi lagu dhaqan galiyo dalka soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in dastuurkaasi lagu doonaayo in lagu bur-buriyo dalka soomaaliya, Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo hadalkiisa intaa kusii daray ayuu waxa uu sheegay in dastuurka ay ku jiraa qodobo si gaar ah lagu doonaayo in lagu kala geeyo bulshada soomaaliyeed taasoo uu ku sheegay in ay salka ku hayso kor dhinta Cunsuriyada loogu magacdaray 4.5 oo uu ku sheegay in ay sabab u tahay xasuuqa iminka ka taagam dalka soomaaliya.

Read the rest of this entry

XAALADA KALA GUURKA

  

XAALADA KALA GUURKA Q:1aad

Friday 20 April 2012 – Waxaa maalmahan loo wada xusul duubayaa ama xawli loogu jiraa, sidii loo soo xuli lahaa gudiyada marxaladda kala guurka ah, si ay u qabtaan hawlo badan oo aad u adag, labo ayaase ugu muhimsan gudiyadan, kalana ah: Ansixinta Dastuurka qabyo qoraalka ah iyo soo Xulidda Xildhibaanada.

Intaanba hawshii la gudagalin, ayaa waxaa dhashay tuhun iyo farfiiq, eedda ayaa dhalatay, ka dib markii la furay Sayladda Suuqa lagu kala iibsanayo Odayaasha loo igman doono hawlahan.

Inta aanan abbaarin arrimahan, waa muhim ah, inaan dhawr qodob duljoogsado, oo aan is leeyhahay in la qeexo waa lagama maarmaan, maxaa yeelay, waxaa isku dhex miliqsan arrimo badan, ujeed iyo ogaalna la isugu daray, waxyaabaha qaarna laba maldahay! Illeen wax aan dani ka dambayn ma jiraane.

Marka laga soo tago; abaaraha, gaajada, colaadaha, dagaallada iyo dhibaatooyinka guud ee Soomaaliya hareeyey, waxaa lala eegtay sadax arrimood, oo kala ah:

Dawlado ku meel gaar ah: Labaatanka sano ee burburka lagu jiro, dalka waxaa soo maray ku dhawaad shan dawlado ku meel gaar, dhaqan ahaan iyo maskax ahaanba, ku meel gaarka, waxay ahayd inay ka dambayso marlaxad nagi iyodeganaansho, haddii markii hore loo baahnaa in heerka la joogo laga gudbo, loona baxshay ku meel gaar, si loo caddeeyo inaysan ahayn daa’in iyo wax waligeed sii soconaya, balse,  ayaandarrada Soomaalida ku habsatay ayey ka mid tehee, waaba la daa’imiyey.

Read the rest of this entry

Xiisadaha U Dhaxeeya Dowlada KMG ah & Somaliland Oo Gaaray Heer Kala Guur Ah.

24 April, 2012 – Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka ka dhaxeeya guddiyada loo xil saaray inay isu soo dhoweeyaan dowlada KMG Soomaaliya iyo maamulka gooni isutaaga la magac baxay Somaliland, iyadoo xiisadaasi ay xiligaan ka hadleen madaxa arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland.

Madaxa arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland Dr. Max’ed C/laahi Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa mar kale sheegay in dowladda KMG ah ay carqalad ku wado wadahadalka la doonayo inay galaan oo uu sheegay inay dhinacoodu diyaar u yihiin.

Read the rest of this entry

Waxgaradka Mudulood Oo Diiday Dastuurka Cusub (700 oo qof)

Mogadisho24 April, 2012 ( MMG) –  Waxaa maanta ka dhacay hotel Naasa-Hablood2 shir balaaran oo ay isugu yimaadeen xildhibaano, aqoonyahay, waxgarad, Malaaqyo iyo Ugaasyo kasoo jeeda beel-weynta Mudulood, waxayna shirkaas uga wada hadleen qaabkii ay beeshu u wajihi laheyd Dastuurka cusub iyo dowaladda KMG Soomaaliya oo ay sheegeen inay dhaliilsan yihiin qaabka ay wax u wado.

Read the rest of this entry