Dowladda KMG ah iyo CRD oo isku milmay iyo iyaga oo Qorsheynaya….

1.04.2012- Saxiixayaasha Road Mab-ka oo ka kooban lix qofood oo kala ah Madaxweyne Shariif, Raisul wasaare cabdiweli, Xubin ah Ahlu Suna Waljamaaca, Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, ayaa qaar ka mid ahi waxey maleegayaan qorshayaal cadaaladda ka fog oo ay rabaan in ay dib ugu soo laabtaan..

Madaxweyne Shariif iyo Raisul wasaare Cabdiweli ayaa ku heshiiyey in si kastaba ha noqotee ay dib usoo noqdaan, iyaga oo doonaya in ay magacaawdaan guddi Doorasho IIEC oo aan dhexdhexaad ka aheyn xaalada soomaaliya.

Sidoo kale waxey doonayaan Madaxweyne Shariif iyo RW Cabdiweli iney odoyaasha dhaqanka ee saxda ah ku daraan odoyaal dhaqameed been abuur ah oo ay iyagu wataan, odoyaashaas oo aan aheyn hogaamiye dhaqmeedyadii saxda ahaay ayey doonayaan in ay soo xulaan xildhibaanada una soo gudbiyaan gudiga doorashada IIEC oo ay iyagu magacaabanayaan, sida hadda qorshahoodu yahay.

Labadaan nin oo ah Shariif iyo Cabdiweli oo labadaba aad uga shaqeynaya inay soo noqdaan oo ay kala buuxiyaan labada jago ee dalka ugu saraysa sida madaxweynaha iyo raisulwasaaraha ayaa waxaa arinta u fududeynaya Amp. Mahiga oo bushada caalmaka ka dhaadhicinaya in la aqbalo wax kasta oo ay saxiixaan, qoladaan lagu sheegay saxiixayaasha.

Waxaa umadda soomaaliyeed is weydiinaysaa in taladii dalka Soomaaliya xiligaan kala guurka ah gacanta loo geliyo niman doonaya in ay talada iyaga sii haystaan.

Waxyaalaha u fududeynaya oo kale waxaa ka mid ah iyaga si xun oo musuqmaasuq ah u maamulaya hantidii dalka sidoo kale waxay qorsheynayaan in ay soo samaystaan lacago ay rabaan in ay ku gataan odoyaasha dhaqanka been abuurka ah oo ay doonayaan in ay ku daraan odoyaasha wax soo xulaya.

Waxyaalaha yaabka leh oo ay go’aamiyeen saxiixayaasha road map-ka waxaa ka mid ah in odoyaasha dhaqanka wax soo xulaya ay noqdaan ilaa 130 oday dhaqameed, halkaas oo aad ka fahmayso inay rabaan inay isticmaalaan odoyaal dhaqameedyo been abuur ah oo ay Dawladda Kumeel gaarka ah soo magacaabatay, kuwaaso la rabo inay fuliyaan qorshaha labada nin ee dalka ugu saraysa, , Qorshahaan lagu magacaabayo oday dhaqameedyada bugta ah ayaa waxuu ka socdaa xafiisyada Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha iyo waliba wasaaradda arimaha gudaha oo laga siiyo aqoonsiyo.

Sidoo kale hay’adda CRD oo la rabay inay ka shaqeyso danaha bulshada Soomaaliyeed ayaa waxay u xuub siibatay in ay fuliso siyaasada madaxweynaha DKG ah oo uu ku doonayao in uu dib ugu soo laabto xukunta Madaxweynanimada 4-ta sano ee soo socota, maadaama madaxa hay’adda CRD Mr Jibriil Aden Cabdule uu kala shaqeynayo Madaxweyne Shariif in odoyaal dhaqameed been abuurka ah lagu soo daro liiska odoyaal dhaqameedyada soomaaliyeed.

Hayadda CRD oo samaysay wax lagu sheegay baaritaano lagu ogaanayo oday dhaqameedyada saxda ah ayaa hadda la ogaaday iney ka dhex abuurtay beelaha is qabqabsi xoog leh, iyada oo ku mashquulsan abuuris magacyo oday dhaqameedyo aan sax ahayn si ay ugu xaggliyaan madaxda hadda dalka haysata, mida kale waxaa si waadax ah usoo shaac baxaysa in madaxa Hayadda CRD ku dhex milmay xafiiska Madaxweynaha DKG ah, lataliye qarsoona uu u noqday madaxweyne Shariif.

Posted on April 1, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: