Halista Dastuurka Cusub ee Qabya qoraalka Somalia

26 March 2012 (Moment Media Group) -Dastuurka cusub ee la doonayo in laga ansixiyo shirka wadatashiga Soomaaliya marka si degan loo akhriyo wuxuu halis ku yahay wadajirka iyo Cadaalada beelaha Soomaaliyeed.
Dastuurka oo saldhig looga dhigay 18-ka Gobol oo ay Soomaaliya ka koobneed ka hor xiligii dagaalada sokeeye dalka ka dhaceen, 18-kaas gobol oo aan ahayn gobolo markii horeba cadaalad lagu sameeyay, ama loo fiiriyey dhul ahaan ama dadka ku nool tiradooda, goboladaas oo qaarkood lagu magacaabay arin siyaasadeed oo ay xiligaa Dawladdii Milateriga Maxamed Siyaad Barre “Camalkiisa allaha ka waraabiyee” Dalka ka lahayd.

Dastuurka waxaa lagu cadeeyay in ugu yaraan labo Gobol oo buuxda kaliya ay noqon karaan Maamul/Dawlad Goboleedyada la rabo in dalka laga hergeliyo iyada oo aan cod laga qaadin shacabka Soomaaliyeed.

18-ka Gobol ee jiray xiliga Dawladii Hore ayaa haddii labo labo la isku saaro waxaa dalka ka soo baxaya ilaa 9 dawlad goboleed, Dawlad goboleed yada ka soo baxaya haddii Goboladaas sidaa la isku raaciyo ayaa si Cad ugu hor imaanaya heshiiska aan lagu wada qanacsaneyn ee 4.5 oo ay Soomaalidu ay sanadihii ugu danbeeyay wax ku qeybsanaysay.
Dastuurka cusub waxaa ku qoran in Magaaladda Muqdisho ka mid noqon karin maamul goboleedyadda ,loona sameeyn doono sharci gaara maadama sida lagu xusay dastuurka qabyada ay Muqdisho tahay Magaalo Soomaali oo dhan ka dhaxaysa.
Muqdisho waxaa ku nool shacab qiyaas ahaan ka badan bulshada ku nool todobo gobol oo ka mida goboladda Somalia.
Dastuurka cusub wuxuu Xooga saaray in Goboladii 18-ka ahaa laga dhigo Saldhig iyada oo la og yahay in 18-kaas gobol dadka ku nool ay si aad ah u kala duwan yihiin.
Sida Xeeldheerayaasha qiimeeyay sheegeen Dastuurka cusub wuxuu abuurayaa colaad hor leh oo Soomaaliyeed isaga oo dhiirigelinaya Dawlad goboleedyo qabiileysan,
Waxaa la og yahay in gobolo aad u fara badan oo Soomaaliyeed ay wada degan yihiin qabaa”il aan siyaasadda isku raaci karin, qabiil kastana uu isku dayayo inuu qabaailka la degan meesha ka saaro.
Dastuurka sida uu hadda u qoran yahay hadii lagu ansixiyo waxaa ku dulmanaan doona Beelaha Hawiye, Dir, Digil iyo Mirifle , Beesha 5-aad iyo beelo ka mid ah Beelaha Daarood.
Danta ugu weyn waxey ugu Jirtaa Maamulka Puntland oo isagu ugu yaraan haysta Dawlad goboleed la jaan qaadi kara Dastuurka qabyada sida Gobolka Bari, Gobolka Nugaal, Qeyb Mudug ah iyo qeyb sanaag ah.
Maamulka Puntland waxaa hogaamiya beesha Majeerteen,iyada oo Beelaha tiro ahaan la” eg Beesha Majeerteen ama ka badan aysan u suurta galeynin iney helaan Dawlad goboleed iyaga metela, maadaama qabaa”ilka la eg ama ka badan Majeerteen aysan heli karin Labo gobol oo Nadiif ah,marka la raaco nidaamka 18 Gobol.
Beesha kaliya ee heli karta 2 gobol oo nadiif ah waa Digil iyo Mirfle, Gobolada Bay iyo Bakool, inkastoo beeshu wax ka degto gobolo kale, Haddana waxey noqonaysaa in dawladda lagu dhisi doono Dastuurkaas ay noqoto in Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Majeerteen ay isku miisaan yeeshaan iyaga oo aan isku miisaan ahayn nidaamka 4.5-ka iyo tiro ahaanba.
Beelaha tiro ahaan la eg ama ka badan Beesha Majeerteen oo aan heli doonin Dawlad goboleedyada Dastuurkaasi Xambaarsan yahay waxaa ka mid ah:-
Beelaha Abgaal, Habargidir, Xawaadle,Murursade , Mariixaan, Ogaadeen, Gaaljecel, Sheekhaal, Duduble, Leelkase, Warsengeli, Beelaha digil, Mirifle, Dhulbahante, Gudubiirse, Dir Koofur iyo beelo kale oo badan maadaama aysan jirin beel kaliya ee degan 2 gobol oo nadiif ah oo aan dad kale la degenayn.
Dastuurka cusub waxaa galaangal awood badan ku leh Beelaha qaar maadaama hayӇdda diyaarintiisa gacanta ugu weyn ku leh ee UNDP aysan shaqaalaha u shaqeeya aheyn meel Beelaha Soomaaliyeed u siman yihiin.
Dastuurka cusub iska daa inuu Xal u keeno Soomaaliye waxuu abuurayaa caqabad ay Soomaalidu isku haysato 50-ka sano oo soo socota.
Sida sharciyadda Caalamka ku qoran Dastuurka Dalka Soomaaliya loo sameeyay 1960-kii , waxaa la bedeli karaa marka cod laga qaado shacabka Soomaaliyeed.
Dhaqaalaha lagu bixinayo Dastuurka cusub oo Nairobi lagu diyaariyey waxaa dalka looga samayn karaa amaan iyo kala danbeyn,iyadoo kadib lagu qaban karo gudaha Somalia doorasha xora oo qof kasta u yahay xor inuu codkiisa dhiibto.
Soomaalida u qeybsan qabiil hoosaadyo ayaan ku heshiin karin Maamul Goboleedyo labo labo gobol isku raacsan kuna salaysan 18-kii gobol, waxaana xaqiiqo ah haddii dastuurkaan dalka sharci looga dhigo in dalka ay ka dhici doonto dagaalo sokeeye oo aan dhamaanin.
Waxa kaliya oo Soomaalidu xal ku heli karta ayaa ah, in amaankii la soo celiyo, markaas kadibna doorasho loo qabto umadda Soomaaliyeed, ama Degmo kasta oo Maamul samaysata la taageero markii amni guud la helana la dhiso dawlad dhexe oo metesha umadda soomaaliyeed oo ku timaada Doorasho xora.
Isku soo wada duube Dastuurka diyaarsan ee Nairobi lagu hayo oo ay tahay waxa shirarka wada tashiga lagu sheegay loo qabanayo oo lacagaha faraha badan loo bixinayo ,waxay wadaniyiinta Soomaaliyeed ugu magacdareen Baas abuur cusub

Faalo Qotobka 3aad oo oranayo  in dalka  laga dhigo Federal ku salaysan 18kii gobol ee horay u jiray..

Gobolladii Dowladdii Milateriga ee Siyaad Barre

 

Dowladdii uu hoggaamiyaha iyo madaxweynahaba u ahaa Jeneral Maxamed Siyaad Barre waxay dalka la wareegtay sanadkii 1969 iyadoo uu markaa dalku ka koobnaa siddeed gobol. Muddadii 21-kasanoahayd ee uu dalka ka talinayey Jeneral Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku daray toban gobol. Haddaba waxaa isweydiin leh kororsiimadan muxuu nidaamku ku salaynayey?

Runtii lama garanayo qaabka uu Kacaanku raaci jiray marka uu abuurayo gobollo cusub. Nin odoy ah oo ka tirsanaa maamulkaas ayaan weydiiyey halbeegga la adeegsan jiray marka la samaynayo gobol ama degmo cusub. Ninkaasi wuxuu iigu jawaabay “dalka waxaa heystay nin keliteliye ah, wuxuuna u maamuli jiray sida uu u arko sax isagu. Gobollada iyo degmooyinka iyo go‟aannada kale ee waaweyna isaga ayaa samayn jiray.”

Waxaa arrintan sii xoojinaya sheeko aan ka maqlay Cabdulle Raage Taraawiiloo ahaa halabuur caan ku ah bulshada dhexdeeda. Cabdulle Raage oo hadalka cajal ku duubay wuxuu ka sheekeyey dood dhexmartay isaga iyo Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Cabdulle Raage wuxuu leeyahay waxaa ii yeeray Madaxweyne Maxamed Siyaad Sanadkii 1990 oo ku beegnayd xilligii ay saxiixeen odoyaashu warqad ay ugu baaqayaan in uu Jananku is-casilo (Manafesto Group).

“Siyaad Barre ayaa wuxuu igala hadlay arrimaha warqaddan iyo qabiillada ka danbeeya,” ayuu yiri Cabdulle Raage. Siyaad Barre wuxuu igu yiri buu Cabdulle leeyahay, “Waxaa ii heshiiyey Majeerteen iyo Habargidir, marka waxaan doonayaa inaad tolkaa ka reebto arrintan oo aad idinku (qabiil ahaan) wax igala qabataan oo aad Kacaanka taageertaan.” Waxaan ku iri, ayuu Cabdulle Raage ku leeyahay cajaladda, “dadka saxiixay warqadaha kuma jiro qof aan aniga heybta hoose (Daa‟uud) isku nahay.”

Wuxuu intaas raaciyey, labo kulan oo kale iyo dood dheer kadib ayuu Siyaad Barre igu yiri, “waxaan degmo kaaga dhigayaa meeshii aad ku dhalatay oo magaceeda la yiraa Ruun Nirgood.” Cabdulle Raage wuxuu leeyahay waan ka diiday arrintaas Madaxweyanaha waayo waxaan weydiistay inuu degmo ka dhigo meeshaan10 sano ka hor, wuuna ii diiday. Dabadeed, sida uu cajaladda ku sheegayo, Cabdulle Raage wuxuu billaabay inuu goobta ka tiriyo gabay dheer oo uu Kacaanka ugu abaalsheeganayo wixii uu u galay iyo sidii uu Kacaanku ugu jisaaray ee uu ii xiray. “Markii aan gabaygii dhameeyey ayuu Siyaad Barre yiri, „waxaan ku darayaa Warshiikh.‟” Markaas baan ku iri, “Caadley ku dar.” Siyaad Barre wuu diiday arrintaas waayo wuxuu yiri waxaa la iga laayey askar Caadley, laakiin waxaan ku darayaa Biyacado. Isku soo duuboo, sida uu cajaladda ku sheegayo, Cabdulle Raage iyo odoyaal la socday waxay habeenkaas ka saxiixeen Jeneral Maxamed Siyaad Barre afar degmo.

Marka la fiiriyo gobolladii iyo degmooyinkii la abuuray iyo sheekadaniba waxay ku tusayaaninuusan jirin halbeeg la raaci jiray oo ay ku xirnayd Jeneral Siyaad Barre xaaladdiisu sida ay tahay. Marka haddii sidan gobollo lagu sameeyey lagu duldhiso nidaamka federaalka waxaa ka imanaya dhowr cilladood. Tan hore, waxaa laga tagayaa caddaaladda waayo waxaa jira gobollo dadka deggen uusan nidaamkii milatarigu jeclayn xilligaas, iyo gobollo kale oo dadkoodu aysan baraarug siyaasi ah lahayn. Labadan arrimood oo iskaashaday waxay keenayaan in la sharciyeeyo wax aan ku iman nidaam sharci ah ama aan caqligu qaadan karin.

Haddii xitaa la isku oggolaado oo la aqbalo 18 gobol, ma ahan suurtagal dhaqaale ahaan in lagu saleeyo nidaamka federaalka. Tusaale, ma jirto awood dhaqaale ama aqooneed oo ay Soomaalidu ku wadi karto18 baarlamaan, 18 xukuumadood, 18 ah boliiska gobollada, 18 ah maxkamado kala duwan, iyo 18 ah shaqaale dowaldeedyada gobollada. Waxaa arrintan diidaya awoodda dhaqaale iyo tan aqooneed ee hadda jira.

Sida uu ii sheegey qof xog-ogaal ah, waxay dowladda KMG ah (xilligii dowladdii Carta) isku dayday inay baahiso maamulkeeda. Gobollada iyo degmooyinka qaar ayaa muujiyey inay doonayeen inay raacaan nidaamka Carta lagu soo dhisay. Xukuumaddii Dr. Cali Khaliif Galayr ayaa waxay ku tiri degmooyinkaas “idinku qorta boliis oo dhaqaalo ahaan isa-sii dabbara intii muddo ah, annaguna waxaan idinka kaalmayn doonnaa waxyaalaha kale.” Waxay sheegeen mas‟uuliyiintii degmooyinkaas inaysan awoodin inay qortaan boliis. Weliba degmooyinka qaarkood waa kuwa lagu tuhmo inay ugu roon yihiin degmooyinka dalka dhaqaalo ahaan.

Haddaba, marka si kasta oo loo fiiriyo laguma salayn karo nidaamka federaalka 18 gobol. Laakiin, haddana waxaa jirta in dastuurka Dowladda KMG ah ee xilligaas jirtay ay ku qoran tahay in nidaamka federaalka ah lagu saleeyo 18 gobol.

Waxaa iyaduna xiiso gaar ah leh cayaarihii gobollada ee   lagu qabtay Garowe, caasimadda Puntland. Runtii, waxay ahayd dhacdo weyn oo ay ku ammaanan yihiin bahdaisboortiga iyo shacabka iyo dowladda Puntland. Laakiin xiisaha gaarka ah ee ay dhacdadani u leedahay doodda la xiriirta nidaamka federaalka waa in dad badan oo Soomaaliyeed ay isla oggol yihiin gobolladii uu kacaanku ka tagay, loona arko inay sharci ahaayeen. Runtiina, dhacdadan waxaa laga daliishan karaa in aragtida taageeraysa 18-ka gobol ay ka culus tahay kuwa kale.

Waxaan rumaysanahay inay taasi horumar tahay. Hayeeshee, anigu sideedaba ma qabo in nidaamka federaalku ka shaqayn karo dalka. Haddii la samaynayana waxaan qabaa inaan gobolladu ka badan afar, la iskuna raaciyo hab ku salaysan qaaciddooyinka dhaqaalaha iyo horumarka.

Posted on April 1, 2012, in Anti-Tribalism. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: